Friday, August 1, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Keyd Hore

Marwada Madaxweynaha dalka oo xariga ka jartay xarun Hobollada Waaberi ay ku diyaarinayan wacyigelin “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
October 30, 2016
in Keyd Hore, Wararka
0
Marwada Madaxweynaha dalka oo xariga ka jartay xarun Hobollada Waaberi ay ku diyaarinayan wacyigelin “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Munaasabadan xariga ay uga jareysay Marwada Madaxweynaha dalka Marwo Qamar Cali Cumar xaruntii Hanuuninta dadweynaha ee Hobolada Qaranka ay ku diyaarin jireen barnaamijyada wacyi gelinta bulshada oo mudo bur bursaneyd ayaa waxa goob joog ahaa Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta,  Xildhibaanno ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya, qeybaha bulshada, iyadoo fanaaninta Qaranka ay munaasabada ku soo bandhigeen heeso wadani iyo amaan iskugu jirey

Marwada Madaxweynaha Soomaaliya Marwo Qamar Cali Cumar oo uu wehliyo Wasiirka Warfaafinta dhaqanka iyo dalxiiska mudane Maxamed Cabdi Xayir Maareeye, ayaa kor meertay qeybaha xaruntaan ka koobantahey, iyadoo Injineerkii dhismahaan fuliyey ka dhageysatay qaabka dhismaha xarunta saldhiga u noqon doonta hobolada Qaranka Waabari.

Related posts

Xoghayaha Joogtada ah ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha oo shir guddoomiyey kulan bile ah

Xoghayaha Joogtada ah ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha oo shir guddoomiyey kulan bile ah

July 31, 2025
Maamulka cusub ee Waqooyi Bari Soomaaliya oo la soo dhaweeyay

Maamulka cusub ee Waqooyi Bari Soomaaliya oo la soo dhaweeyay

July 31, 2025

Abwaan Cabdi dhuux Yuusuf Xasan oo ah Mareeyaha tiyaatarka Qaranka oo ugu horeyn munaasabada ka hadlay ayaa sharaxey ahmiyada xaruntani hobalada Qaranka iyo bulshada Soomaaliyeed u leedahey oo uu tilmaamay in lagu diyaarin jiray barnaamijyo wacyi gelin ah.

Xildhibaan Khadiijo Maxamed Diiriye iyo Xildhibaan Cabdi Xaashi ayaa dhankooda si wada jir ah Marwada Madxweynah Dalka ku bogaadiyey dadaallada ay ku dayactirtay xarunta bulshada lagu wacyi galin doono.

Wasiirka Warfaafinta mudane Maxamed Cabdi Xayir Maareeye ayaa shegey mudo dheer kadib Hobolada Waabari iney maanta heleen goob ay isugu yimadaan.

Ugu danbeyn Marwada  Madaxweynaha dalka Marwo Qamar Cali Cumar ayaa tilmaamtay in arintaan ay dhiira gelin u tahay fanaaniinta Soomaaliyeed oo door weyn ku leh wacyi galinta Bulshada.

img_0098img_0092img_0086img_0086-1img_0079IMG_0065 IMG_0070

IMG_0065 IMG_0070 IMG_0071 IMG_0092 IMG_0102 IMG_0132 IMG_0138 IMG_0141 IMG_0144 IMG_0199 IMG_0260 IMG_0304 IMG_0343

img_0045

Sawir Qaade:- Farxaan Suleymaan Daahir

Previous Post

Kooxda LLPP Jeenyo oo ku guuleysatay Koobka Jeneraal Daa’uud

Next Post

Haweeyney Ajnabi ah oo ay soo badbaadiyeen ciidanka Nabad sugidda oo lagu soo bandhigay Cadaado “SAWIRRO”

Next Post
Haweeyney Ajnabi ah oo ay soo badbaadiyeen ciidanka Nabad sugidda oo lagu soo bandhigay Cadaado “SAWIRRO”

Haweeyney Ajnabi ah oo ay soo badbaadiyeen ciidanka Nabad sugidda oo lagu soo bandhigay Cadaado "SAWIRRO"

Xoghayaha Joogtada ah ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha oo shir guddoomiyey kulan bile ah

Xoghayaha Joogtada ah ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha oo shir guddoomiyey kulan bile ah

July 31, 2025
0

Xoghayaha Joogtada ah ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha, Mudane Kamaal Guutaale, ayaa maanta shir-guddoomiyay kulanka billaha ah ee Xoghayaasha Joogtada ah...

Maamulka cusub ee Waqooyi Bari Soomaaliya oo la soo dhaweeyay

Maamulka cusub ee Waqooyi Bari Soomaaliya oo la soo dhaweeyay

July 31, 2025
0

Dr Maxamuud Mashruuc Wasiiru-dowlohii hore Wasaaradda Batroolka iyo Khayraadka Macdanta ee Dowladda Federaalka Soomaaliya oo Bogaadin iyo Hambalyo u Diray...

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo soo dhaweeyay go’aanka Golaha Wasiirada

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo soo dhaweeyay go’aanka Golaha Wasiirada

July 31, 2025
0

Guddoomiyaha Hay'adda Maareynta Masiibooyinka ee Soomaaliya (SoDMA) mudane Maxamuud Macalin Cabdulle ayaa soo dhaweeyay go'aanka ay golaha Wasiirada xukuumadda Soomaaliya...

Wasiir ku-xigeenka Maaliyadda XFS oo shir muhiim ah uga qeybgalay dalka Central Africa Republic

Wasiir ku-xigeenka Maaliyadda XFS oo shir muhiim ah uga qeybgalay dalka Central Africa Republic

July 31, 2025
0

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdiqafaar Cilmi Xaange, ayaa maanta ka qeyb-galay furitaanka shirka sanadlaha ah ee...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In