Warkan ka soo yeeray dowladda Ruushka ee duqeeymaha ka wadda dalka Suurya ayaa sheegay in Arbacadan maanta ah madaxweeynaha Ruushka Vladimir Putin uu ku amray ciidamada dalkiisa ee la dagaalamaya maleshiyaadka ISIS inay dhaqan galiyaan xabad joojin ku meel gaar ah oo socon doonta mudda 10-ban saacadood ah.
Madaxweynaha Ruushka ayaa sheegay in ay la soo xariireen hey’adaha ka shaqeeya xuquuqda aadanaha oo ay ka codsadeen in muddo kooban aay joojiyaan ciidamadiisa duqeeymaha ay ka wadaan Magaalada Xalab si loo soo badbaadiyo dad rayid ah oo halkaasi ku go’doonsan.
Xabad joojinta ayaa dhanka ciidamada Ruusha ka dhaqan galeysa saacadaha danbe ee maanta oo Arbaca ah, waxayna ku egtahay sida la sheegay beri oo Khamiis ah subaxnimada hore.
Dhanka maleeshiyaadka mintidiinta ee halkaasi ka dagaalama ayaan la ogeeyn sida ay dhankooda uga dhaqan gali doonto xabad joojintan.