Monday, January 12, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Ciidamada dowladda oo howlgallo amni xaqiijin ah ka fuliyay tuulooyin hoos yimaada Degmada Qoryooleey “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
9 years ago
in Wararka
0
Ciidamada dowladda oo howlgallo amni xaqiijin ah ka fuliyay tuulooyin hoos yimaada Degmada Qoryooleey “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Howlgalkan oo uu horkacayey Guddoomiyaha Gobolka Shabeellaha Hoose Ibraaahim Aadan Cali (Najax) ayaa ciidamada Dowladda ee NISA iyo Booliiska oo kaashanaya kuwa AMISOM waxay ka sameeyeen Tuulooyinka Xero koowaad, Xero Labaad, Doon Buraale, Maayo Murug, Banaadir, Cabdi Cali, Dhanshinley, Gorgaal iyo Caramooy oo dhammaantood hoostaga degmada Qoryooley ee gobolka Shabeellaha Hoose.

Guddoomiyaha gobolka Shabeellaha Hoose Ibraaahim Aadan Cali (Najax) ayaa Warbaahinta Qaranka u sheegay in howlgalkan uu yimid kaddib markii ay ciidamada ka war heleen in maleeshiyada Al-Shabaab ay saldhig ka sameysteen meel 5-KM u jirta degmada Qoryooley, halkaasoo markii ay ciidamada gaareen  ay dadka deegaanka u sheegaan in ay ka carareen maleeshiyadii Al-Shabaab.

Related posts

Xafiiska Hantidhowrka Guud ee JFS oo qabtay kulan muhiim ah

Xafiiska Hantidhowrka Guud ee JFS oo qabtay kulan muhiim ah

January 11, 2026
Dibad bax ka dhan ah xadgudubka Israiil ee dalkeenna oo ka dhacay Belgium

Dibad bax ka dhan ah xadgudubka Israiil ee dalkeenna oo ka dhacay Belgium

January 11, 2026

Dadka deegaanka ayaa u sheegay mas’uuliyiinta gobolka iyo saraakiisha ciidamada in ay dhibaatooyin ku hayaan maleeshiyada Al-Shabaab.

Wefdi uu hoggaaminayo guddoomiyaha gobolka Shabeellaha Hoose Ibraaahim Aadan Cali (Najax) oo ay qeyb ka yihiin Taliyaha qeybta Booliska gobolka Gaashaanle Dhexe Cabdi Ibraahim Shaamow iyo ku xigenka Maaliyadda gobolka Cabdiftaax Xaaji Cabdalla ayaa waxay socdaal ku marayaan degmooyin ka tirsan gobolka Shabeellaha Hoose.

Wefdiga waxa ay haatan ku wajahanyihiin degmada Shalaanbood ee gobolka Shabeelaah Hoose, si ay kulamo ula qaataan qeybaha bulshada.

1 2 3 4 5 6 6_1 7

 

 

 

Previous Post

Shaqaalaha dowladda Hoose ee Xamar oo mushaarkooda ku bixinaya dib u dhiska waddooyinka

Next Post

Garoowe: Akhriso magacyada qaar ka mid ah xubnaha Aqalka Hoose oo la doortay

Next Post
Doorashada Aqalka Hoose oo goordhaw ka bilaabaneysa magaalada Garoowe

Garoowe: Akhriso magacyada qaar ka mid ah xubnaha Aqalka Hoose oo la doortay

Xafiiska Hantidhowrka Guud ee JFS oo qabtay kulan muhiim ah

Xafiiska Hantidhowrka Guud ee JFS oo qabtay kulan muhiim ah

January 11, 2026
0

Xafiiska Hantidhowrka Guud ee JFS ayaa maanta qabtay kulan lagu soo bandhigayay Natiijada Qiimeynta iyo Hubinta Hufnaanta Qabashada, Xisaabinta iyo...

Dibad bax ka dhan ah xadgudubka Israiil ee dalkeenna oo ka dhacay Belgium

Dibad bax ka dhan ah xadgudubka Israiil ee dalkeenna oo ka dhacay Belgium

January 11, 2026
0

Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka Belgium ayaa maanta qabtay muddaharaad ay kaga soo horjeedeen faragalinta qaawan Isra'iil ee ka dhanka ah...

Guddoomiyaha SoDMA oo Golaha Aqalka Sare BJFS uga warbixiyay xaaladaha abaaraha dalkeenna

Guddoomiyaha SoDMA oo Golaha Aqalka Sare BJFS uga warbixiyay xaaladaha abaaraha dalkeenna

January 11, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle, ayaa maanta Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka...

Somali and Tunisian Foreign Ministers Discuss Israel’s Unlawful Recognition of Somaliland

Wasiirka Arrimaha dibedda XFS oo kulan mira-dhal ah la qaatay dhiggiisa Dalka Tunisia

January 11, 2026
0

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdisalaam Cabdi Cali, ayaa galabnimadii Sabtida kulan kula...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In