Wednesday, July 30, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Shabaab oo sumeeyay ceelal ku yaala deegaanka Ceel-baraf ee G/Sh/Dhexe

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
November 5, 2016
in Wararka
0
Shabaab oo sumeeyay ceelal ku yaala deegaanka Ceel-baraf ee G/Sh/Dhexe
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Dadka deegaanka Ceel-baraf ee gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa sheegay iney ka war heleen maleeshiyada Al-shabaab xalay iney sumeeyeen Ceelashii ay Biyaha ka cabi jireen dadka halkaasi ku nool.

Dadka deegaanka ayaa Warbaahinta Qaranka u sheegay in xalay saqdii dhexe maleeshiyaadkaasi ay sumeeyey ceelasha biyaha ee ku yaala deegaanka Ceel-baraf ee gobolka Sh/Dhexe, si ay u dhibaateeyaan dadka rayidka ah iyo sidoo kale xoolaha oo ceelashaasi ka biya caba.

Related posts

Soomaaliya iyo Jabuuti oo heshiis dhanka Ciidamada ah wada saxiixday

Soomaaliya iyo Jabuuti oo heshiis dhanka Ciidamada ah wada saxiixday

July 30, 2025
Wasiirka Maaliyadda XFS oo shir guddoomiyey kulanka Guddiga dhaqaalaha Isbadalka Cimilada

Wasiirka Maaliyadda XFS oo shir guddoomiyey kulanka Guddiga dhaqaalaha Isbadalka Cimilada

July 30, 2025

Arintaan ayey dadka deegaanku ogaadeen kadib markii maleeshiyaad kale oo ka tirsan Al-shabaab ay dadka ku soo war galiyeen in ceelasha la sumeeyey oo falkaasi ay ka dambeeyeen maleeshiyada Al-shabaab.

Taasi ayaana keentay in dadka deegaanku ay is war galiyaan isagana digaan in biyo laga cabo ceelasha maleeshiyaadka Al-shabaab ay sumeeyeen.

21-kii bishii aynu soo dhaafnay ee October ayaa maleeshiyada Al-shabaab waxa ay miinooyin ku qarxiyeen ilaa iyo labo ceel oo ku yaala isla deegaanka Ceelbaraf ee gobolka Sh/dhexe, si dadka deegaanka iyo xooluhuba aaney biyo uga cabin.

Maleeshiyaadka Alshabaab ayaa waxay horey u gubeen Deegaanno fara badan oo kamid ah gobolka Galgaduud  kuwaas oo ay ka mid ahaayeen bud-bud, Galcad,  iyo kuwa kale oo badan

Falkaan ayaa qeyb ka ah dhibaatooyinka xad dhaafka ah ee maleeshiyaadka Shabaab ku hayaan bulshada Soomaaliyeed ee abriyada ah.

 

Previous Post

Xarun lagu xanaaneeyo agoonta oo laga hirgelinayo Cabuudwaaq+Sawirro

Next Post

Wararkii ugu danbeeyay Qaraxii Cawa ka dhacay Taalada Sayidka+Sawirro

Next Post
Wararkii ugu danbeeyay Qaraxii Cawa ka dhacay Taalada Sayidka+Sawirro

Wararkii ugu danbeeyay Qaraxii Cawa ka dhacay Taalada Sayidka+Sawirro

Soomaaliya iyo Jabuuti oo heshiis dhanka Ciidamada ah wada saxiixday

Soomaaliya iyo Jabuuti oo heshiis dhanka Ciidamada ah wada saxiixday

July 30, 2025
0

Saxiixa Heshiiska Xaaladda Ciidamada (SoFA) ee u dhexeeya Jamhuuriyadda Jabuuti iyo Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya. Iyadoo la xoojinayo xiriirka laba geesoodka...

Wasiirka Maaliyadda XFS oo shir guddoomiyey kulanka Guddiga dhaqaalaha Isbadalka Cimilada

Wasiirka Maaliyadda XFS oo shir guddoomiyey kulanka Guddiga dhaqaalaha Isbadalka Cimilada

July 30, 2025
0

Wasiirka Maaliyadda Xukumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Biixi Imaan Cige ayaa maanta Shir-Guddoomiyay Kulanka Guddiga Dhaqaalaha Isbaddalka Cimilada. Shirkan oo ahaa...

Xildhibaano ka tirsan labada Aqal oo safar shaqo ku jooga Shiinaha

Xildhibaano ka tirsan labada Aqal oo safar shaqo ku jooga Shiinaha

July 30, 2025
0

Xildhibaannada labada Aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo ku sugan dalka Shiinaha, ayaa maanta ka qayb galay tababar Aqoon...

Sidee Isbeddelka Cimiladu u Hurinayaa Degganaansho La’aanta Geeska Afrika?

Sidee Isbeddelka Cimiladu u Hurinayaa Degganaansho La’aanta Geeska Afrika?

July 30, 2025
0

Eray bixinta lagu cabbiro xasaradaha Geeska Afrika ayaa is beddeleysa. Muddo tobannaan sano ah, waxaa lagu sifeeyay siyaasad iyo colaado....

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In