Ciidamada xoogga dalka ayaa howlgallo nabadsugid ah oo lagu xaqiijinaayo ammaanka ka fuliyay deegaanada duleedka ah ee magaalada Baladweyn oo xarun gobolka Hiiraan.
Howlgalladaan ay ku dhaqaaqeen ciidamada ayaa wararku sheegayaan in ay ka socdaan deegaanada ku dhow Baladweyn iyo waddooyinka soo gala magaaladaasi, si looga hortago dhagaraha ay maleegayaan Al-Shabaab.
Howlgalkaan ayaa lagu waramay in ay lala beegsanaayo kooxda Al-shabaab oo la tilmaamay in ay si dhuumaaleysi ah ku yimaadaan deegaanada ku dhow magaalada Baladweyn, halkaasi oo ay ka geystaan falal dil ah.