Tuesday, October 27, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan oo dhagax dhigay Xabsiga dhexe ee Hiiraan si dib u habeyn looguu sameeyo

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
10 years ago
in Wararka
0
Baladweyne: dagaal xilligaan ka socda magaalada iyo Fatahaadii wabiga oo sii xoogeysatay.
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Guddomiyaha Gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan ayaa waxaa uu maanta dhegax dhigay xabsiga dhexe  ee gobolka Hiiraan oo dib u dhis lagu samaynayo, kaasi oo ay iska kaashanayaan maamulka iyo bulshada gobolka.

Guddoomiyaha iyo mas’uuliyiin kale ayaa kormeer howleed ku tegay Xabsiga.

Related posts

Wasiirka Warfaafinta XFS oo la kulmay Ku-xigeenka Agaasimaha Guud ee Hay’adda UNESCO

Wasiirka Warfaafinta XFS oo la kulmay Ku-xigeenka Agaasimaha Guud ee Hay’adda UNESCO

October 27, 2026
WASIIRKA WARFAAFINTA SOOMAALIYA OO BAKU KA JEEDIYAY KHUDBAD KU SAABSAN ILAALINTA DHAQANKA IYO TIKNOOLOJIYADDA

WASIIRKA WARFAAFINTA SOOMAALIYA OO BAKU KA JEEDIYAY KHUDBAD KU SAABSAN ILAALINTA DHAQANKA IYO TIKNOOLOJIYADDA

October 27, 2026

Guddoomiyaha Degmada Beledweyne Macalin Cismaan Qalafoow ayaa sheegay in ganacsatada looga baahan yahay in ay ka qayb qaataan dib u dhiska xabsiga, maadaama lagu xirayo dad galay danbiyo kala duwan.

“Ganacsatada gobolka Hiiraan waxaan ka rabnaa in ay ka qayb qaataan dib u dhiska xabsiga iyo horumarka kale, xabsigaan waa xabsiga ugu weyn gobolka Hiiraan xiligii dowladii dhexe kadib wax dhismo ah ma uusan helin marka laga reebo xooga yar” ayuu yiri Guddoomiyaha Beledweyne.

Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan oo dhawaan xilkan loo magacaabay ayaa wax lala yaabo ku tilmaamay in shaqsiyaad maxkamad xukuntay hadane ku jira  saldhiga poliska Beledweyne.

“Hal kan aan joogo waa xabsigii ugu weynaa Gobolka Hiiraan, wax yaabaha iigu fajaca badnaa ee aan arko waxaa ka mid ahaa, qof dambi weyn galay oo maxkamad xukuntay oo saldhig ku xiran meel ay sharciga kaga taallo maan arag, anigoo aan wali xilkii aan laygu wareejin ama aan xafiiska fariisan, waxaa uu dareenka isiin waayay maxaabiista darteed xuquuq ayay leeyihiin” ayuu yiri Guddoomiyaha cusub ee Gobolka Hiiraan.

Cali Jeyte Cismaan ayaa dhinaca kale waxaa uu kormeeray waddooyin faro badan oo soo gala magaalada  oo sababo ammaan loo xiray, isla markaana kuwa furan la dhigay baro koontrol  oo gaadiidka soo galaya iyo kuwa baxaya laga ogaanayo, si loo hubiyo.

 

Previous Post

Guddoomiyaha gobolka Shabeelaha Hoose oo kulamo la qaatay saraakiil ku sugan Shalaanbood

Next Post

Turkiga oo Jaamacad lagu barto cilmiga caafimaadka ka furay Muqdisho+Sawirro

Next Post
Turkiga oo Jaamacad lagu barto cilmiga caafimaadka ka furay Muqdisho+Sawirro

Turkiga oo Jaamacad lagu barto cilmiga caafimaadka ka furay Muqdisho+Sawirro

Wasiirka Warfaafinta XFS oo la kulmay Ku-xigeenka Agaasimaha Guud ee Hay’adda UNESCO

Wasiirka Warfaafinta XFS oo la kulmay Ku-xigeenka Agaasimaha Guud ee Hay’adda UNESCO

October 27, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifitaax Qaasim Maxamuud ayaa la kulmay Ms. Åsa Regnér oo...

WASIIRKA WARFAAFINTA SOOMAALIYA OO BAKU KA JEEDIYAY KHUDBAD KU SAABSAN ILAALINTA DHAQANKA IYO TIKNOOLOJIYADDA

WASIIRKA WARFAAFINTA SOOMAALIYA OO BAKU KA JEEDIYAY KHUDBAD KU SAABSAN ILAALINTA DHAQANKA IYO TIKNOOLOJIYADDA

October 27, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifitaax Qaasim Maxamuud ayaa khudbad ka jeediyay Madasha 7-aad ee...

𝐊𝐮-𝐒𝐢𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐡𝐚 𝐨𝐨 𝐟𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐓𝐨𝐝𝐝𝐨𝐛𝐚𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧 𝐞𝐞 𝐊𝐚𝐥𝐥𝐮𝐮𝐦𝐞𝐲𝐬𝐢𝐠𝐚

𝐊𝐮-𝐒𝐢𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐡𝐚 𝐨𝐨 𝐟𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐓𝐨𝐝𝐝𝐨𝐛𝐚𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧 𝐞𝐞 𝐊𝐚𝐥𝐥𝐮𝐮𝐦𝐞𝐲𝐬𝐢𝐠𝐚

October 26, 2026
0

Ku-simaha Ra’iisul Wasaaraha ahna Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa maanta si rasmi ah u...

Xukunka Askari Turufo & Dhac Hubeysan geeystay.

Xukunka Askari Turufo & Dhac Hubeysan geeystay.

October 26, 2026
0

Dable Xoogga Abuukar Maxamuud Yuusuf ayaa Lagu Eedeyay inuu geeystay Dhac hubeysan iyo Turufo, Kadib markii uu ku dayey saaxiibkiis...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In