Beesha caalamka oo ka duulaya burburkii dhinaca xukuumadda ee soo gaaray dalka Soomaaliya,waxa ay dhowr iyo labbaatankii sano ee u dambeeyay ay kaalin firfircoon ka geysteen soo nooleynta adeegyadii umadda ee lagama maarmaanka u ahaa jiritaanka dadka iyo dalka.
Waxqabadkii beesha caalamka, waxaa dadka Soomaaliyeed ay sanado badan ula muuqdeen kuwo ujeeddo badan ah oo laga lahaa dano gaar ah sababtoo ah waxaa sameysmay mashaariic gaar ah oo ay maamuleen hey’ado samo-fal iyo ururo dowli ah oo gacan ka helaya caalamka,
Afartii dsno ee u dambeysay,dalalka daneeya Soomaaliya, waxa ay ku andacoodeen in ay bixiyeen lacago taakuleyn ah oo aad u farabadan isla markaana loogu talagalay in lagu saacido xukuumadda iyo shacbiga Soomaaliya,hasa yeeshee dooddasi ma aha mid xaqiiqo ah oo ay ku qanci karaan dadka Soomaalioyeed, ,marka laga reebo lacagaha la siiyo ciidamada nabad ilaalinta Amisom ee jooga Soomaaliya.
Lacagaha samofalka ee ay bixiyaan wadamada reer Galbeedka waxaa inta badaqn ay ku bexeen hey’ado gaar ah oo aan la ogeyn cidda ay u shaqeyaan iyo waxa ay qabteen,inkastoo mararka qaar ay jireen tababarro iyo waxqabad kooban oo ay sameeyeen hey’adahaasi.
Kaalinta beesha caalamka ee Soomaaliya,waxaa la oran karaa waa mashruuc ganacsi, waayo lacagaha loo yabooho dadka Soomaaliyeed waxa ay ku noqdeen gacanta dalalkaasi,kuwaas oo deeqaha lacagaha ah u soo dhiibay hey’ado lagu tilmaamay in ay dowladda ka taageerayaan horumarka adeegyada bulshada iyo dhameystirka kaabayaasha dhaqaale ee dalka.
Bilowgii dowladda Soomaliyeed ee la aqoonsan yahay kadib beesha caalamka gaar ahaan dalalka daneeya arrimaha Soomaaliya waxa ay la yimaadeen tallaabooyin dhiiri gelin ah oo horay u sii riixay waxqabadka dowladda oo xilligaan ah mid laga dareemi karo caasimadda iyo gobolada dalka,laakiin taageeradaasi ma noqon mid sii jirta oo ay ku qanceen umaddu
Xukuunadda Soomaaliya waxay dadaal ugu jirtaa dhismaha iyo dhameystirka,adeegyada dowladda,iyo kuwa bulshada ,inkastoo dalalka daneeya arrimaha Soomaaliya ay bixiyeen lacago kooban oo aan dabooli Karin baahida dadka iyo dalka.
Madaxweynaha Soomaaliya ayaa marar badan ka hadlay gaabiska ku yimid Waxqabadka beesha caalamka iyo sida ay lama huraanka u tahay ka miro-dhalinta qorshayaasha kutalagal ee ay dowladdu ugu jirto gaaritaanka hadafka guud ee dalka,wuxuuna ku celiyay in dalalka daneeya Soomaaliya iyo kuwa bixiya deeqaha ay ka dhabeeyaan ballan qaadkii dhinaca dhaqaalaha oo aas aas u ah socodsiinta howlaha xukuumadda iyo dhismaha hey’adaha dalka
Dhibaatooyinka ugu weyn ee heysta Xukuumadda Sooomaliya ayaa lagu micneeyay in ay la xiriiraan maqnaashaha lacagihii laga filaayey caalamka iyo sii socoshada dhaqaalaha ku baxa hey’adaha samo-falka ee ka howlga gudaha dalka,kuwaas oo aysan jirin cid xisaabisa iyo kuwo baara qaabka ay u maareeyaan ama u isticmaalaan lacagahaasi.
Illaa hadda ma cadda waxa hortaagan in beesha caalamka ay ku dhiiradaan bixinta lacagihii taakuleynta ee ay horay u ballanqaadeen ,waxaana muuqata quud-dareyn iyo saluug laga qabo hogaamiyaasha dalka,taas oo lagu fasiran karo in madaxda dalka laga waayey danaha ay leeyihiin reer galbeedka ama in ay jiraan tuhunno qalad ah oo ku aadan musuqmaasuq iyo wax isdaba marin.
Dowladda Soomaaliyeed waa in ay isku daydaa sidii looga maarmi lahaa ku tiirsaanaanta xad-dhaafka ah ee muujinnaya in wax kasta laga sugo beesha caalamka,waana in ay ku xisaabtamaan waxa ay heystaan iyo waxa soo galaya,iyadoo la yareynayo kharashyada ku baxa safarada aan micnaha laheyn iyo howlaha kale ee aan danta ugu jirin dadka iyo dalka.
Si loo helo dowlad Soomaaliyeed oo sal adag waxaa habboon in beesha caalamku ay la yimaaddaan siyaasad cad iyo qorshe kutalagal oo gacan ka geysan kara in la daboolo baahida dowladdda Soomaaliya iyo shacabkaba.
Shire Xasan Kulmiye