Musharraxiinta u taagan madaxtinimada dalka Mareykanka Donald Trump iyo Hillary Clinton ayaa ku guda jira saacidii ugu dambeeyey ee ololahooda doorashada.
Labada musharrax ayaa khudbado ay jeediyeen si weyn isugu weeraray. Donald Trump ayaa u sheegay taageerayaashiisa Florida in doorashada ay tahay fursaddii ugu dambaysay ee ay ku diidi lahaayeen dabaqad uu ku tilmaamay in musuq uu hareeyey.
Dhanka kale, isu soo bax ka dhacay magaalada Pittsburgh ayey Mrs Clinton oo ay barbar joogaan seygeeda iyo Madaxweyne Obama iyo xaaskiisa waxay kaga codsatay taageerayaasheeda xisbiga Dimoqaraadiga inay u codeeyaan Ameerika rajadeedu wayn tahay oo loo wada dhan yahay.
Afkaarta dadka laga uruuriyey ayaa muujinaysa in Mrs Clinton ay ninka ay iska soo horjeedaan ee xisbiga Jamhuuriga ku hogaaminayso boqolkiiba 4 dhibcood.
1-da duhurnimo waqtiga Geeska Afrika ayaa lagu wadaa in albaabada loo furo goobaha cod bixinta ee dalkaasi Mareykanka.
Ammaanka guud ee dalka Mareykanka ayaa si weyn loo adkeeyey, gaar ahaan magaalada New York oo ay labada Musharrax ku sugayaan natiijada ugu dambeysa ee doorashada oo la sugayo maalinnimada Arbacada ee berri ah.
Doorashada dalka Mareykanka ka dhacaysa ee madaxtinimada ayaa ah mid taariikhi ah maadaama ay u taagan yihiin haweeneydii ugu horreysay iyo ninkii ugu horreeyay ee aan weligii siyaai soo noqonin oo ganacsade ah.
Maxamed Abuukar Axmed “Ma’da”.