Sunday, June 28, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweynaha oo ugu Hambalyeeyay maamullada Galmudug iyo Hirshabeelle Doorashada Labada Aqal

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
10 years ago
in Wararka
0
Madaxweynaha ‘’Waxaan ku baaqayaa in deg-deg loo joojiyo dagaalka ka socda Gaalkacyo”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Related posts

Wafdi heer sare ah oo ka socda Aqalka Sare oo ka qeyb galay Shirweynaha 8-aad ee Baarlamaanka Carabta

Wafdi heer sare ah oo ka socda Aqalka Sare oo ka qeyb galay Shirweynaha 8-aad ee Baarlamaanka Carabta

June 27, 2026
Jabuuti oo maanta laga xusayo sanad guuradii 49-aad ee xornimada dalkaas

Jabuuti oo maanta laga xusayo sanad guuradii 49-aad ee xornimada dalkaas

June 27, 2026

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka hadlay doorashooyinka Aqalka Hoose ee ka billowday Magaalada Cadaado ee Dowlad Gobolleedka Galmudug iyo Doorashooyinkii Aqalka Sare oo magaalada Jowhar ee Dowlad Gobolleedka Hirshabelle shalay si guul ah ugu soo gabagaboobay.

Madaxweynaha ayaa marka hore ugu hambalyeeyey Madaxda, Xidhibaanada iyo shacabka Dowlad Gobolleedka Hirshabeelle hanaanka dimuqraadiyadda leh ee uu baarlamaanka Hirshabeelle u doortay xildhibaanada Aqalka sare u matali lahaa.

“ Waxaan rabaa in aan u hambalyeeyo, Madaxweynaha , Madaxweyne xigeenka, Guddoonka Baarlamaanka, Xildhibanaada iyo dhammaan shacabka Dowlad Gobolleedka Hirshabeelle oo ku guuleysatay in ay doortaan Aqalka Sare maalinti shalay. Waa tallaabo dhiira-gelin leh in Dowlad Gobolleedka Hirshabeelle oo dhowaan curtay inuu doortay xubnahii u matali lahaa Aqalka Sare” ayuu yiri Madaxweynaha.

Dhan kale kale Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa bogaadiyey hambalyana u diray dowlad Gobolleedka Galmudug oo maanta bilowbay doorashooyinka Aqalka Hoose ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

“ Sidoo kale, waxaan hambalyo u dirayaa Dowlad Gobolleedka Galmudug oo maanta billowbay doorashooyinka Aqalka Hoose ee Baarlmaanka Federaalka Soomaaliya, Madaxweynaha, Madaxweyne ku xigeenka, Baarlmaanka Galmudug iyo dhammaan shacabka Galmudug ,waxaan leeyahay tallaabo muhiim ah ayaad u qaadeen dhanka horumarka dalka” ayuu yiri Madaxweynaha.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa u mahadceliyey Guddiga Doorashooyinka ee heer Dowlad Goboleed iyo heer Federaal oo in muddo ah waday qorshaha Hannaanka Doorashooyinka 2016 oo maanta ku guuleystay in doorashooyinka xubnaha Aqalka Hoose ay ka bilowdaan goobihii lagu ballamay.
Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa uga mahad celiyey hanaanka ay u socdaan doorashooyinka Aqalka Hoose dowlad Gobolleedyadda, Puntland, Jubbaland iyo Koonfur Galbeed oo horrey u billowbay doorashooyinka Aqalka Hoose ee Baarlamaanka.

Ugu dambeyntii Madaxweynaha Soomaaliya ayaa ugu hambalyeeyey dhammaan ummadda Soomaaliyeed sida habsamida ah ee ay doorashooyinka Aqalka Hoose ee Baarlamaanka federaalka uga socdaan dalka Soomaaliya islamarkaana u rajeeyey in inta ka harsan doorashooyinka in si guul ah Alle ugu soo idleeyo.

Previous Post

Madaxweynaha oo ka tacsiyeeyey geeridii Marxuum Dr. Hassan Haji Ali Mire

Next Post

R/wasaare ku-xigeenka oo shir gudoomiyay kulan looga hadlayay Qorshaha Horumarinta Qaranka+Sawirro

Next Post
R/wasaare ku-xigeenka oo shir gudoomiyay kulan looga hadlayay Qorshaha Horumarinta Qaranka+Sawirro

R/wasaare ku-xigeenka oo shir gudoomiyay kulan looga hadlayay Qorshaha Horumarinta Qaranka+Sawirro

Wafdi heer sare ah oo ka socda Aqalka Sare oo ka qeyb galay Shirweynaha 8-aad ee Baarlamaanka Carabta

Wafdi heer sare ah oo ka socda Aqalka Sare oo ka qeyb galay Shirweynaha 8-aad ee Baarlamaanka Carabta

June 27, 2026
0

Wafdi heer sare ah oo ka socda Aqalka Sare ayaa ka qeyb galay Shirweynaha 8-aad ee Baarlamaanka Carabta iyo Guddoomiyaasha...

Jabuuti oo maanta laga xusayo sanad guuradii 49-aad ee xornimada dalkaas

Jabuuti oo maanta laga xusayo sanad guuradii 49-aad ee xornimada dalkaas

June 27, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Maanta oo ku beegan 27-ka Juun, Jamhuuriyadda Jabuuti waxay u dabbaaldegaysaa sannad-guuradii 49-aad ee ka soo wareegtay maalintii ay...

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo Croatia uga qayb galay dood heer caalami ah

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo Croatia uga qayb galay dood heer caalami ah

June 27, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Abdisalam Ali (Dhaay), ayaa ka qaybgalay...

Dowladda Federaalka Soomaaliya oo ku dhawaaqday heshiis caalami ah oo ku saabsan Badda Soomaliya

Dowladda Federaalka Soomaaliya oo ku dhawaaqday heshiis caalami ah oo ku saabsan Badda Soomaliya

June 27, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasaaradda Dekedaha iyo Gaadiidka Badda ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aanka Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ugu...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In