Degmada Kaxda ayaa waxaa si xawli ah uga socda isbadal dhanka isdhaxgalka Bulshada iyo Hurumaro adeegyada Bulshada ah si dhismayaal iyo xarumo ganacsi, goobo Waxbarasho iyo garoomo is boorti oo horleh, taasi oo muujinaysi dadaalka iyo iskaashiga wadajirka ah ee aan kala go’a lahayn ee ay samayeen qaybaha bulshada iyo Maamulka oo iskaabaya .
Bulshada Degmada oo horay dhibaato ku qabay burburka waddooyinka ayaa soo dhaweeyay furida wadooyin horleh iyo dayactirka wadooyinkii burbursanaa oo uu wado Maamulka, isagoo Kaashanaya Bulshada .
Xoghaya Degmada Kaxda Xaawa luul Nuur Maxamad ayaa sheegtay inay fureen 60 jid waxaana ay tilmaamtay inaysan jirin cid gacan ku siisay marka laga reebo bulshada iyo Maamulka Degmada oo isbiirsanaya, aydoo dadka ay iska soo Aruuriyeen Lacago qorshashaasi oo qayb ka ah Ku dhiso dalkaaga Hal doolar.
“Qaybaha bulsahada waxaan ku baraarujinay inay isku day muujiyaan ku aadan inay horumariyaan degmadaasi, waxaana rajaynayaa in jidadka aan furnay aan saarno Jaay, waxaana dhamaystiri doonaa waddooyinka noo harsan, Waddooyinka aan Furnay Waxaa Ka Mid ah Ceel Cismaan Cali ‘Buurta Cali Janaale ‘Kalkaal iyo Wadooyin kale” ayay tiri Xaawo Luul.
Guddoomiyaha Degmada Kaxda Maxamad Ismaaciil Cabddulaahi ayaa sheegay in Degmada intii uu joogay ay ku talaabsatay horumaro kala duwan marka loo eego meeshii ay taagnayd markii uu xilka La wareegay, isagoo tilmaamay inay tahay talaabo horay loo qaaday”
“Dhulalka Degmada 80% waa dhul banaan, waxaana ujeedinayaa bulshada Degmada ee leh dhulalkaasi inay dhistaan, isagoo tilmaamay hadii dadka leh dhulalkaasi ay uhogaansami waayaan baaqaasi ay Dawladdu kala wareegi Doonto” ayuu yiri Guddoomyaha Degmada Kaxda.