Xuska Maalinta Caruurta oo laga Xuso Caalamka ayaa Lagu Qabtay Caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho,Iyadoo ay soo Agaasintay Wasaaradda Haweenka iyo Hormarinta Xuququl Insaanka Soomaaliya,Waxaana Kasoo qeybgalay Ururo Kasocday Ururada u Dooda Xuquuqda Caruurta,Ururada Xuuqul Insaanka,Ururada Haweenka,Culimaa’udiin uu horkacayo sheikh yuusuf Cali Caynte,Caruur ka socotay Dugsiga Qamar oo ay Wasaaradda Haweenka ay Gacanta Ku Haysa,Agaasimayaasha Waaxyaha kala duwan ee Wasaaradda Haweenka iyo Hormarinta Xuquuqul Insaanka iyo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Haweenka iyo Hormarinta Xuquuqul Insaanka Soomaaliya.
Ugu Horeyn Waxaa Munaasibadda Xafladda Lagu Furay Sheekooyin Ku Aadan Xuquuqda Caruurta ay leeyihiin.
Iyadoo Madasha ay qudbado la xiriira Xuquuqda Caruurta oo ay ka jeedseen dhamaan martidii lagu Casumay Goobta ayaa Isku aragti Ka Noqday Xuquuqda caruurta ay leeyihiin.
Ugu Dambeyn waxaa soo xiray Munaasibadda Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Haweenka iyo Hormarinta Xuquuqul Insaanka Dr. Cabdiqani Shekh Cumar ayaa sheegay in Munaasibadda noocaan oo kala ah ee Caruurta ay Muhiim u tahay Shacabka Soomaaliyeed .
Munaasibaddan lagu Maamuusayey Maalinta Caruurta ayaa Sanad walba Waxaa soo Agaasima Wasaaradda Haweenka iyo Horumarinta Xuquuqda Aadanaha .