Xafladan Casho-sharafta ah ee marwada Madaxweynaha JFS Sahra Cumar Xasan ay u sameysay Cayaartoyuda iyo Maamulka kooxda Kubadda Cagta ee Banadir Sports Club ayaa ujeedkeeda uu ahaa inay dhiirigeliso islamarkaana taageero u muujiso Ciyaaryahanada Soomaaliyeed, gaar ahaan Kooxda Banaadir oo dhawaan ku guuleysta Horyaalka iyo Koobka Supper Cup-ka ee dalkeena.
Guddoomiyaha Kooxda Banaadir Sports Club Abuukar Maxamed Shiikh oo Xafladda ka hadlay ayaa uga mahadceliyay Marwo Sahra sida ay marwalba u garab taagan tahay ciyaartooyda Soomaaliyeed isagoon sheegay in haddii la tagaeero isboortiga dalka uu qeyb ka qaadanayo Nabadeynta iyo is dhaxgalka Bulshada.
“Anaga Maamo Qaran ayaad noo tahay waana kugu amaaneynaa sidaa noo tagaeertay oo noo garab istaagtay anoo ku hadlaya magacaeyga, magaca ciyaaryahanada iyo maamulka kooxda Banaadir Sports Club, Maamo sidaa ogtahay sportigu waa is dhaxgalka bulshada haddii la tageero Nabad wey imaanee marka waa in sporitska waqti badan lagu bixiyaa” ayuu yiri Guddoomiyaha Kooxda.
Cantar Jeenyo oo ah khabiir Isboorti isla markaana kamid ahaa cayaartoydii hore ee xulka Qaranka Soomaaliya ayaa ku dhiirigaliyay ciyaarayanahada Somaaliyeed inay dadaalkooda laba laaabana ayna soo celiyaan taarikhdii Somaaliya ay ku lahayd Africa.
“Banadir Sports Club waa idiin hambalyeynayaa dadalakiina kordhiya waxaa rajeynaa inaad noo keentaan Soomaaliya oo ku guuleysatay African Cup iyo wax kasii badan, guddoomiye Abuukar iyo teamkiisa waa dadaasheen meel fiican ayaad soo gaarsiiseen kooxda ee halkaas kasii wada waana idin tagaeerayaa aniga” ayuu hadalkiisa ku daray Cantar.
Marwada Madaxweynaha dalka Sahro Cumar Xasan oo ka hadashay gaba gabadii Xafladda casho sharafta ah ayaa ballanqaaday inay marwalba garab taganaan doonto ciyaartooyda Somaaliyeed ayna dhiirigalin doonto.
“Aniga Sahra ahaan waa garab istaagi doonaa cayaartooyda Soomaaliyeed si ay heer u gaaraan waqti adag oo aysan dadku socon karin ayaan habeen aiyaaro uga qeybgalay Koonis weyna og yihiin cayaartooyda sidana u tagaeerayo marka aan is garab istaagno marwalba”ayay tiri Marwada Madaxweynaha Dalka.
Gaba gabadii xafladda ayaa maamulka kooxda Banadir sports club waxay halkaasi shahaado sharaf ku gudoonsiiyeen Marwada Madaxweynaha dalka Sahro Cumar Xasan taas oo ay ku sheegene inay ku muteysatay sida u agarab taagan tahay marwalba ciyaartooyada Somaaliyeed
Kooxda Banaadir Sports Club ayaa ah kooxdii ugu horreysay ee Horyaalka dalkeena keenta ciyaartoy iyo macallimiin ajaanib ah, iyadoo macallinka haatan leyliya uu yahay macallin ajnabi ah oo u dhashay dalka Ugandha.