Saturday, July 12, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Marwada Madaxweynaha oo casho-sharaf u sameysay Kooxda Banaadir “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
November 23, 2016
in Wararka
0
Marwada Madaxweynaha oo casho-sharaf u sameysay Kooxda Banaadir “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Xafladan Casho-sharafta ah ee marwada Madaxweynaha JFS Sahra Cumar Xasan ay u sameysay Cayaartoyuda iyo Maamulka kooxda Kubadda Cagta ee Banadir Sports Club ayaa ujeedkeeda uu ahaa inay dhiirigeliso islamarkaana taageero u muujiso Ciyaaryahanada Soomaaliyeed, gaar ahaan Kooxda Banaadir oo dhawaan ku guuleysta Horyaalka iyo Koobka Supper Cup-ka ee dalkeena.

Guddoomiyaha Kooxda Banaadir Sports Club Abuukar Maxamed Shiikh oo Xafladda ka hadlay ayaa uga mahadceliyay Marwo Sahra sida ay marwalba u garab taagan tahay ciyaartooyda Soomaaliyeed isagoon sheegay in haddii la tagaeero  isboortiga dalka uu qeyb ka qaadanayo Nabadeynta iyo is dhaxgalka Bulshada.

Related posts

Hay’adda Qaxootiga Dunida oo walaac ka muujisay joojinta Giriigga ee codsiyada magangalyo doonka

Hay’adda Qaxootiga Dunida oo walaac ka muujisay joojinta Giriigga ee codsiyada magangalyo doonka

July 11, 2025
Madaxda Galmudug iyo Safiirka Turkiga oo ka hadlay hagaajinta Kaabayaasha dhaqaalaha

Madaxda Galmudug iyo Safiirka Turkiga oo ka hadlay hagaajinta Kaabayaasha dhaqaalaha

July 11, 2025

“Anaga Maamo Qaran ayaad noo tahay waana kugu amaaneynaa sidaa noo tagaeertay oo noo garab istaagtay anoo ku hadlaya magacaeyga, magaca ciyaaryahanada iyo maamulka kooxda Banaadir Sports Club, Maamo sidaa ogtahay sportigu waa is dhaxgalka bulshada haddii la tageero Nabad wey imaanee marka waa in sporitska waqti badan lagu bixiyaa” ayuu yiri Guddoomiyaha Kooxda.

Cantar Jeenyo oo ah khabiir Isboorti isla markaana kamid ahaa cayaartoydii hore ee xulka Qaranka Soomaaliya ayaa ku dhiirigaliyay ciyaarayanahada Somaaliyeed inay dadaalkooda laba laaabana ayna soo celiyaan taarikhdii Somaaliya ay ku lahayd Africa.

“Banadir Sports Club waa idiin hambalyeynayaa dadalakiina kordhiya waxaa rajeynaa inaad noo keentaan Soomaaliya oo ku guuleysatay African Cup iyo wax kasii badan, guddoomiye Abuukar iyo teamkiisa waa dadaasheen meel fiican ayaad soo gaarsiiseen kooxda ee halkaas kasii wada waana idin tagaeerayaa aniga” ayuu hadalkiisa ku daray Cantar.

Marwada Madaxweynaha dalka Sahro Cumar Xasan oo ka hadashay gaba gabadii Xafladda casho sharafta ah ayaa ballanqaaday inay marwalba garab taganaan doonto ciyaartooyda Somaaliyeed ayna dhiirigalin doonto.

“Aniga Sahra ahaan waa garab istaagi doonaa cayaartooyda Soomaaliyeed si ay heer u gaaraan waqti adag oo aysan dadku socon karin ayaan habeen aiyaaro uga qeybgalay Koonis weyna og yihiin cayaartooyda sidana u tagaeerayo marka aan is garab istaagno marwalba”ayay tiri Marwada Madaxweynaha Dalka.

Gaba gabadii xafladda ayaa maamulka kooxda Banadir sports club waxay halkaasi shahaado sharaf ku gudoonsiiyeen Marwada Madaxweynaha dalka Sahro Cumar Xasan taas oo ay ku sheegene inay ku muteysatay sida u agarab taagan tahay marwalba ciyaartooyada Somaaliyeed

Kooxda Banaadir Sports Club ayaa ah kooxdii ugu horreysay ee Horyaalka dalkeena keenta ciyaartoy iyo macallimiin ajaanib ah, iyadoo macallinka haatan leyliya uu yahay macallin ajnabi ah oo u dhashay dalka Ugandha.

vlcsnap-2016-11-23-09h42m20s29 vlcsnap-2016-11-23-09h42m31s151 vlcsnap-2016-11-23-09h42m42s7 vlcsnap-2016-11-23-09h42m53s122 vlcsnap-2016-11-23-09h43m01s196 vlcsnap-2016-11-23-09h43m09s35  vlcsnap-2016-11-23-09h43m26s196 vlcsnap-2016-11-23-09h43m33s8 vlcsnap-2016-11-23-09h43m48s152 vlcsnap-2016-11-23-09h43m55s231 vlcsnap-2016-11-23-09h44m07s82 vlcsnap-2016-11-23-09h44m20s207 vlcsnap-2016-11-23-09h44m30s56 vlcsnap-2016-11-23-09h44m50s10 vlcsnap-2016-11-23-09h45m33s184 vlcsnap-2016-11-23-09h45m42s19 vlcsnap-2016-11-23-09h45m52s103 vlcsnap-2016-11-23-09h46m04s243 vlcsnap-2016-11-23-09h46m24s188 vlcsnap-2016-11-23-09h46m54s220 vlcsnap-2016-11-23-09h47m12s153

Previous Post

Doorashada Aqalka Hoose oo markale ka dhaceysa Baydhabo

Next Post

DAAWO: Micheal Keating oo ka waramaya colaadda, Abaaraha, horumarka doorashooyinka iyo la dagaallanka argagixisada

Next Post
DAAWO: Micheal Keating oo ka waramaya colaadda, Abaaraha, horumarka doorashooyinka iyo la dagaallanka argagixisada

DAAWO: Micheal Keating oo ka waramaya colaadda, Abaaraha, horumarka doorashooyinka iyo la dagaallanka argagixisada

Hay’adda Qaxootiga Dunida oo walaac ka muujisay joojinta Giriigga ee codsiyada magangalyo doonka

Hay’adda Qaxootiga Dunida oo walaac ka muujisay joojinta Giriigga ee codsiyada magangalyo doonka

July 11, 2025
0

Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan qaxootiga (UNHCR) ayaa Khamiistii walaac xooggan ka muujisay wax ka beddelka sharci ee loo gudbiyay...

Madaxda Galmudug iyo Safiirka Turkiga oo ka hadlay hagaajinta Kaabayaasha dhaqaalaha

Madaxda Galmudug iyo Safiirka Turkiga oo ka hadlay hagaajinta Kaabayaasha dhaqaalaha

July 11, 2025
0

Madaxweyne ku xigeenka Galmudug Mudane Cali Daahir Ciid ayaa la kulmay Safiirka dowladda Turkiga u qaabilsan arrimaha Dalka Soomaaliya ee...

Wasaaradda caafimaadka oo boogaadisay doorka haweenka ay ku leeyihiin horumarka dalka

Wasaaradda caafimaadka oo boogaadisay doorka haweenka ay ku leeyihiin horumarka dalka

July 11, 2025
0

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada ee XFS Dr. Maxamed Xasan Bulaale ayaa ka qeybgalay kulan looga hadlaayey...

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo kulan muhiim ah la yeeshay dhigiisa Dalka Nigeria

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo kulan muhiim ah la yeeshay dhigiisa Dalka Nigeria

July 11, 2025
0

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee XFS Mudsne. Abdisalam Abdi Ali, ayaa kulan wax ku ool ah la qaatay...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In