Madaxweynaha Dawlad Goboleedka Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa ka qayb galay aas magaalada Garoowe loogu sameeyey Illaahay ha’u naxariistee Xildhibaan Daahir Xaaji Geelle oo ka mid ahaa Xidhibaanada Aqalka Hoose ee Baarlamaanka Soomaaliya.
Aaska Xildhibaan Daahir Xaahi Geelle ayaa waxaa Madaxweyanaha Puntland ku wehelinayey Madaxweyne ku xigeenka Puntland Eng. Cabdixakiin Xaaji Cabdulaahi Cumar Camey, guddoomiyaha baarlamaanka Puntland Mudane Axmed Cali Xaashi, mas’uuliyiin ka tirsan golayaasha Puntland, xubno ka tirasan aqalka odayaasha ee dawladda Federalka Soomaaliya, Xildhibaano kamida Dawladda Fadaralka Soomaaliya, madax dhaqameedyo iyo dadweyne kale oo tiro badan.
Ugu horayn Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa u tacsiyeeyey qayskii, qaraabadii iyo qarankii uu ka baxay Allaha u naxariistee Marxuum Xildhibaan Daahir Xaaji Geelle isagoona Illahay uga baryey in uu u naxariisto denbigiisana dhaafo, qabrigana u waasiciyo.
“Inaalilaahi wa inaa illayhi raajucuun waxaan halka isugu nimi aaska marxuun Daahir Xaaji Geelle oo runtii ahaa Xildhibaan Dawladda Fedaraalka u meteli jirey Puntland in mudo ah aadna loo yaqaaney wanaagiisa, anaguna si dhaw ayaanu isugu dhoweyn oo aanu saaxiib u ahayn, wuxuu ahaa Wasiir kamida golahaygii Xukuumada markii aan ahaa Ra’iisul wasaaraha Soomaliya, Illaahay ha’u naxariisto illahay meel uga wanaagsan ifka hageeyo, waxaana Illahay uga rajaynaynaa in uu udenbi dhaafo una naxariisto, sigaara waxaan ugu tacsiyadaynayaa qoyskii iyo qaraabadii uu ka tegey iyo dhamaan ummadda Soomaaliyeed gaar ahaan Puntland” ayuu yidhi madaxweynaha Dowlad goboleedka Puntland.