Labada dal ee Jabuuti iyo Azerbaijan ayaa kala saxiixday heshiisyo dhanka Mileteriga iyo amniga ku saabsan.
Sida ay soo warisay Wakaaladda Wararka Islaamka ee Iina waxaa dhinaca Dowladda Jabuuti heshiiskaasi u saxiixay Wasiirka Difaaca Jabuuti Ali Hassan Bahdon ,halka dhinaca Dowladda Azerbaijan uu u saxiixay Wasiirka Ganacsiga iyo Gaanshaandhiga Aladari Yarou Gamalofi.
Wasiirka Difaaca Jabuuti Ali Hassan Bahdon oo hadda booqasho ku jooga magaalada Bako ee Xarunta dalka Azerbaijan,ayaa heshiiska uu la saxiixday dhigiisa qodobadiisa ka mid ah inay laba dhinac isweydaarsadaan khibradaha xagga Mileteriga .
Sida laga warqabo in Guddoomiyaha maamulka Dekedaha Jabuuti Abubakar Cumar Haddi, ayaa waxa u bishii Oktoobar ee Sanadkan dhigiisa dalka Azerbaijan uu la saxiixday heshiis ku saabsan iskaashiga labada dal ee dhinacyada Dekedaha iyo Isgaarsiinta Badda.