Wednesday, July 8, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweynaha “Doorashooyinka dalka ka dhacay waa guul weyn oo ay Soomaaliya gaartay”

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
10 years ago
in Wararka
0
Madaxweynaha “Doorashooyinka dalka ka dhacay waa guul weyn oo ay Soomaaliya gaartay”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Related posts

Wasiirka Teknoolojiyadda XFS oo shir caalami ah uga qeybgalay magaalada Geneva

Wasiirka Teknoolojiyadda XFS oo shir caalami ah uga qeybgalay magaalada Geneva

July 8, 2026
Dardargelinta hirgelinta adeegyada dhijitaalka ah ee  Wasaaradda Cadaaladda oo laga hadlay

Dardargelinta hirgelinta adeegyada dhijitaalka ah ee Wasaaradda Cadaaladda oo laga hadlay

July 8, 2026

Muqdisho- 24 November 2016- Madaxweynaha Jmahuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka hadlay doorashooyinka Golaha Shacabka oo si habsami leh uga socda caasimadaha dowlad gobolleedyada dalka, dhowaanna ka bilaaban doona magaalada Muqdisho

“Guddiga Federaalka Hirgelinta Doorashooyinka Dadban (GFHDD), Guddiga Dowlad Goboleedka Hirgelinta Doorashooyinka Dadban (GDGHDD iyo Guddiga Xalinta Khilaafaadka, waxaan ku ammaanayaa sida hufnaanta leh oo ay u maamulayaan doorashooyinka Golaha Shacabka ee dalka ka socda. Shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed waxay kalsooni buuxda ku qabaan guddiyadda madaxa-bannaan, waxaana ku dhiirra-gelineynaa inay sii labalaabaan dedaalkooda ku aadan howlaha loo igmaday oo ay si habsami leh doorashooyinka ugu soo gabagbeeyaan waqtigii loogu talagalay.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale ugu baaqay Madaxda Dhaqanka Beelaha iyo Guddiyadda doorahsooyinka dadban inay xaqiijiyaan doorka kootada haweenka ee lagu heshiiyey oo ah Sodon Boqolkiiba (30%). Madaxweynaha ayaa sidoo kale ku baaqay in si deg deg ah loo bilaabo doorashooyinka Aqalka Sare iyo kan Golaha Shacabka ee Gobollada Woqooyi ee loo qorsheeyey inay Muqdisho ka dhacaan iyada oo la ilaalinayo habraaca doorashooyinka ee horey loogu heshiiyey lagana fogaanayo wax walba oo wax u dhimayo habsami u socodka doorashooyinka.

Madaxweynaha ayaa yiri “Doorashooyinka ka dhacaya dalka waa guulo weyn oo ay Soomaaliya gaartay oo tusaale u noqon doonta adduunka iyo taariikh cusub marka loo eego wadamada dagaalka ka soo kabsaday sida Soomaaliya oo kale.”

Ugu dambeyntii Madaxweynaha ayaa uga mahad celiyey, Beesha Caalamka, dowlad Gobolleedyada dalka ka jira iyo shacabka Soomaaliyeed doorkooda ku aadan qabsoomida doorashooyinka Dadban ee 2016

Previous Post

Akhriso: Madaxda Mareykanka ee ka badbaadday falal khaarajin ah “Qeybta 2-aad”

Next Post

Galmudug oo guddi u saartay wax ka qabashada abaaro ka jira deegaannadeeda+War-saxaafadeed

Next Post
Galmudug oo guddi u saartay wax ka qabashada abaaro ka jira deegaannadeeda+War-saxaafadeed

Galmudug oo guddi u saartay wax ka qabashada abaaro ka jira deegaannadeeda+War-saxaafadeed

Wasiirka Teknoolojiyadda XFS oo shir caalami ah uga qeybgalay magaalada Geneva

Wasiirka Teknoolojiyadda XFS oo shir caalami ah uga qeybgalay magaalada Geneva

July 8, 2026
0

Wafdi uu hoggaaminayey Wasiirka Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Teknoolojiyadda ee XFS Maxamed Aadan Macalin ayaa ka qayb galay Shirka Wadahadalka Caalamiga...

Dardargelinta hirgelinta adeegyada dhijitaalka ah ee  Wasaaradda Cadaaladda oo laga hadlay

Dardargelinta hirgelinta adeegyada dhijitaalka ah ee Wasaaradda Cadaaladda oo laga hadlay

July 8, 2026
0

Xoghayaha Joogtada ah ee Wasaaradda Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka Xukuumadda JFS, Faysal Aadan Xasan ayaa shir guddoomiyay kulan muhiim ah...

Wasiirka Dekadaha XFS oo Baydhabo kulan kula qaatay Odoyaasha dhaqanka

Wasiirka Dekadaha XFS oo Baydhabo kulan kula qaatay Odoyaasha dhaqanka

July 7, 2026
0

Wasiirka Dekedaha iyo Gaadiidka Badda XFS, Xildhibaan Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac), ayaa magaalada Baydhabo kulan muhiim ah kula qaatay odayaasha...

Wasiirka Warbaahinta XFS oo kulan la qaatay Danjiraha Dowladda Talyaaniga ee Soomaaliya

Wasiirka Warbaahinta XFS oo kulan la qaatay Danjiraha Dowladda Talyaaniga ee Soomaaliya

July 7, 2026
0

𝐌𝐮𝐪𝐝𝐢𝐬𝐡𝐨, 𝟕 𝐋𝐮𝐮𝐥𝐲𝐨 𝟐𝟎𝟐𝟔 –Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdulfataax Qaasim Maxamuud, ayaa maanta xarunta...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In