Xilli qeybo ka mid ah gobollada dalka ay ku dhufteen abaaro saameeyay dadka iyo duunyada ayaa Xildhibaan Nadiifo Aadan Isaaq oo ka mid ah Xildhibaanada cusub ee Aqalka Hoose ee baarlamaanka Soomaaliya ayaa tilmaantay in ka baarlamaan ahaan ay dowr ka qaadan doonaan sidii dadkaasi loogu gurman lahaa isla markaana wax loogu qaban lahaa, waxayna sheegtay in ay booqan doonaan deegaanada , degmooyinka iyo tuulooyinka ay ku dhufteen abaaraha ee koofurta iyo bartamaha Soomaaliya si ay dadkooda ula qeybsadaan dhibaatada heysata.
Xildhibaan Nadiifo Aadan ayaa sheegtay in kan Baarlamaan ahaan u istaagi doonaan sidii wax loogu qaban lahaa dadka iyo duunyada ay saameynta ku yeesheen abaaraha ka jirta qeybo ka mid ah gobolada dalka oo aan weli ka da’in roobabkii deyrta.
waxaa mudooyinka ka jiray abaaro saameyay nolosha dadka iyo duunyada qaar ka mid ah gobolada dalka, iyadoo ay jiraan dadaallo ay dowladda Soomaaliya iyo bulshada ay wadaan taasoo lagu doonayo in looga gurmado dadka ay abaaruhu saameeyeen.