Friday, May 1, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Guddoomiyaha degmada Waaberi oo ku baaqay in laga wada qeyb qaato amniga iyo nadaafadda

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
9 years ago
in Wararka
0
Olole Nadaafadeed oo ka bilowday qaar ka mid ah waddooyinka Muqdisho
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Guddoomiyaha degmada Waabari ee gobolka Banaadir Mudane Xuseen Maxamed Culusow oo dhawaan la wareegay xilka guddoomiyenimo ayaa ugu horeyn ugu baaqay bulshada ku dhaqan degmada in ay ka qayb qaataan horumarka degmada isla markaana ay maamulkiisa ku garab istaagaan xoojinta amniga iyo kor u qaadista nadaafadda isla markaana ay u hogaansamaan awaamirta maamulka ka soo baxaysa.

Guddoomiyaha degmada Waaberi oo la hadlay Warbaahinta Qaranka ayaa yiri “Anigu saddex maalin ayaan xafiiska joogaa, horana waan ugu baaqay haddana waan ku daraa, waxaan ka codsanayaa shacabka degmada in ay maanulka la shaqeeyaan ciidamada ammaanka kala shaqeeyaan, nadaafadu waa qodobka noogu muhiimsan”.

Related posts

Agaasimaha Caafimaadka Galmudug oo akhriyay warmurtiyeedka shirka maalgelinta caafimaadka

April 30, 2026
Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka oo shir guddoomiyay Madasha Isku Xirka Howlaha Ka Hortagga Fikirka Xagjirka ah

Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka oo shir guddoomiyay Madasha Isku Xirka Howlaha Ka Hortagga Fikirka Xagjirka ah

April 30, 2026

Guddoomiyaha degmada oo ay wehliyaan ku-xigeenadiisa iyo saraakiisha ciidanka amniga degmada ayaa kormeeray waddada Via Liberia oo maanulku ka sameeyay howlgal looga qaadayo ganacsiga waddada dhex deeda soo galay, iyadoo amar lagu siiyay bulshada in waddada aysan ku ganacsan.

“Waddada Liberia waxaa ay ka mid tahay waddooyinka muhiimka ah ee degmada waxaa jira dad ku dhex ganacsada, bilic ahaan iyo amni ahaanba uma wanaagsana waxaan u sheegeynaa dadkaas in ay ka waantoobaan”ayuu yiri Guddoomiye Xuseen.

Taliska ciidanka ilaallada degaanka ee degmada Waabari ayaa digniin u diray dadka dhismayaasha sharci darada ah ay uga dhisan yihiin degmadaas, waxaana uu sheegay qofkii mudo 10 cisho gudahood ah aan u hugaansamin amarka in laga bur burin doono dhismayaasha sharci darada ah .

 

 

Previous Post

Xildhibaan Nadiifo Aadan oo sheegtay inay ka qeyb qaadan doonto u gurmashada dadka ay abaaruhu saameeyeen

Next Post

Guddiga abaaraha Puntland oo baaq u diray guud ahaan Ummadda Soomaaliyeed “SAWIRRO”

Next Post
Guddiga abaaraha Puntland oo baaq u diray guud ahaan Ummadda Soomaaliyeed “SAWIRRO”

Guddiga abaaraha Puntland oo baaq u diray guud ahaan Ummadda Soomaaliyeed "SAWIRRO"

Agaasimaha Caafimaadka Galmudug oo akhriyay warmurtiyeedka shirka maalgelinta caafimaadka

April 30, 2026
0

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada ee Galmudug, Dr. Cabdiwali Maxamed Axmed, ayaa akhriyay warmurtiyeedka Shirweynaha 1aad ee...

Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka oo shir guddoomiyay Madasha Isku Xirka Howlaha Ka Hortagga Fikirka Xagjirka ah

Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka oo shir guddoomiyay Madasha Isku Xirka Howlaha Ka Hortagga Fikirka Xagjirka ah

April 30, 2026
0

Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa maanta shir guddoomiyay Madasha Isku Xirka Howlaha Ka Hortagga...

Wasiir Ku-xigeenka Arrimaha Dibadda oo Gaaray Johannesburg kadib Casuumaad uu ka helay Jaaliyadda Soomaaliyeed

Wasiir Ku-xigeenka Arrimaha Dibadda oo Gaaray Johannesburg kadib Casuumaad uu ka helay Jaaliyadda Soomaaliyeed

April 30, 2026
0

wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Maxamed Cali (Nadara), ayaa gaaray magaalada...

Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliya oo ka qayb galaya Shirweynaha 76-aad ee FIFA Congress

Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliya oo ka qayb galaya Shirweynaha 76-aad ee FIFA Congress

April 30, 2026
0

Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliya ahna Madaxweyne Ku-xigeenka CECAFA Mudane Cali Cabdi Maxamed, ayaa ka mid noqday 54 guddoomiye oo...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In