Thursday, May 28, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Guddiga abaaraha Puntland oo baaq u diray guud ahaan Ummadda Soomaaliyeed “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
10 years ago
in Wararka
0
Guddiga abaaraha Puntland oo baaq u diray guud ahaan Ummadda Soomaaliyeed “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

 

Madaxweyne ku-xigeenka Dowlad goboleedka Puntland ahna guddoomiyaha guddiga abaaraha Cabdixakiin Xaaji Cadulaahi Cumar Camey ayaa baaq u diray Ummadda Soomaliyeed gaar ahaan shacab reer puntland sidii loogu soo gurman lahaa dadka ay abaaruhu saameeyeen.

Related posts

Guddoomiyaha golaha shacabka BJFS oo Baydhabo kula Dukaday boqolaal ruux

Guddoomiyaha golaha shacabka BJFS oo Baydhabo kula Dukaday boqolaal ruux

May 27, 2026
Madaxweyne Xasan Sheekh oo boqolaal shacab ah la oogay saaladda Ciidda Carafo

Madaxweyne Xasan Sheekh oo boqolaal shacab ah la oogay saaladda Ciidda Carafo

May 27, 2026

Mudane Cabdixakiin ayaa ka warbixiyey xaaladda abaareed ee ka jirta Puntland, waxaana uu sheegay in xaaladda abaareed ee Puntland ay tahay tii ugu xumayd ee soo marta abid Soomaaliya, Puntland-na ay tahay meesha keliya ay samaynta ugu badan  ku yeelatay abaartu, halakaysayna dadkii iyo duunyadiiba.

Sidoo kale Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland waxaa uu ugu baaqay guud ahaan Ummadda Soomaaliyeed,  ha’yadaha ka shaqeeya sama falka, beesha caalamka iyo cid kasta oo gacan ka geysan karta gurmadka abaaraha in ay si deg-deg ah uga qayb qaataan gurmadka abaaraha ee loo fidinayo dadka abaaruhu aafeeyeen.

”Ujeeddada aanu u qabanayno baaqani waa laba mid oo muhiima, tan hore waxaanu caalamka tusaynaa in Puntland ay u midaysantahay dhibtaan haysata Guud ahaan reer Puntland, ujeeddada labaadna waxa ay tahay is baraarujin qafkasta meel kastuu joogo dalka gudihiisa iyo debediisaba inuu aqoon san yahay maanta inaanay jirin wax lala hadhaa, sidaa awgeed waxaan leeyahay alleh colaadda nabad haynoogu bedelo abaartana aaran alleh haynoogu bedelo, waxanu wax ka qaban doonaa Insh Allah wax badan oo sahlaya in lagaga gudbo abartan daba dheraatay oo ay kow ka tahay yaraynta qiimaha biyaha iyo wax kasta oo aasaas u ah nolosha beni aadamka, ugu danbayn waxaan baaq u diraynaa Ummada Soomaliyeed gaar ahan kuwa reer Puntland, ha’yadaha ku hawlan beni aadanimada, beesha calamka iyo cid kasta oo ka qayb qadan karta gurmadkan loo fidanayo dadka abaaruhu saameeyen in laga wada qayb qaato si degdega” ayu yiri Madaxweyne ku xigeenka Puntland.

Gudoomiyaha Rugta ganacsiga Puntland Maxamed Caydiid Jaamac ayaa isna sidoo kale baaq u diray ganacsatada Soomaaliya iyo kuwa reer Puntland inay ka qayb qataan xaaladda abaareed ee ka jirta dalka, sidoo kale waxaa uu tibaaxay in nolosha dadka Soomaliyeed ay ku xiran tahay baadiyaha maantana ay la il daran yihiin abaar saamayn xooga ku yeelatay, waana inagu waajib buuyiri  inaan ka wada qayb qaadano gurmadka.

Culimada qaybta ka ah guddiga abaaraha Puntland ayaa iyana dhankooda sheegay in Alleh subxanahuu watacaalah inagu waajib yeelay inaan is caawino, maanta Alleh inagu intixaamayo abaarta saamaysay dadkeena tamarta yar.

IMG_1509 IMG_1512 IMG_1514 IMG_1516 IMG_1518 IMG_1520 IMG_1521  IMG_1528  IMG_1536 IMG_1539 IMG_1540  IMG_1543 IMG_1546 IMG_1554 IMG_1560 IMG_1568 IMG_1574 IMG_1578 IMG_1585 IMG_1589 IMG_1628

Previous Post

Guddoomiyaha degmada Waaberi oo ku baaqay in laga wada qeyb qaato amniga iyo nadaafadda

Next Post

Deg deg: Ciidamada amniga oo gacanta ku dhigay ninkii watay gaari goor dhaw ku qarxay Waddada Afasiyoone

Next Post
Khudbadihii madaxda ee xafladda caleemasaarka madaxweynaha Galmudug oo socota

Deg deg: Ciidamada amniga oo gacanta ku dhigay ninkii watay gaari goor dhaw ku qarxay Waddada Afasiyoone

Guddoomiyaha golaha shacabka BJFS oo Baydhabo kula Dukaday boqolaal ruux

Guddoomiyaha golaha shacabka BJFS oo Baydhabo kula Dukaday boqolaal ruux

May 27, 2026
0

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa maanta shacab iyo masuuliyiin kula...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo boqolaal shacab ah la oogay saaladda Ciidda Carafo

Madaxweyne Xasan Sheekh oo boqolaal shacab ah la oogay saaladda Ciidda Carafo

May 27, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa boqolaal ka mid ah shacabka Soomaaliyeed kula tukaday Salaadda Ciidda Carafo,...

Madaxweynaha JFS oo Shacabka Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay munaasabadda Ciidul-Adxa

Madaxweynaha JFS oo Shacabka Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay munaasabadda Ciidul-Adxa

May 26, 2026
0

Madaxweynaha JFS Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa shacabka Soomaaliyeed ugu hambalyeeyey munaasabadda barakeysan ee Ciidul-Adxa oo ah munaasabad xambaarsan qiime...

Wasiirka Qoyska XFS oo war kasoo saartay Doorashadii isku sidkaneed ee ka dhacday KGS

Wasiirka Qoyska XFS oo war kasoo saartay Doorashadii isku sidkaneed ee ka dhacday KGS

May 26, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Marwo Khadiija Maxamed Al-Makhzoumi, ayaa hambalyo u dirtay dhammaan...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In