Saturday, May 9, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweynaha Talyaaniga oo warqadaha Aqoonsiga ka guddoomay Danjiraha Soomaalia (Sawirro)

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
9 years ago
in Wararka
0
Madaxweynaha Talyaaniga oo warqadaha Aqoonsiga ka guddoomay Danjiraha Soomaalia (Sawirro)
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Related posts

Duqa Muqdisho oo shir-guddoomiyay kulanka amniga caasimadda

Duqa Muqdisho oo shir-guddoomiyay kulanka amniga caasimadda

May 9, 2026
Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka oo tababar u soo xiray howl-wadeennada ka shaqaynaya doorashada KGS

Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka oo tababar u soo xiray howl-wadeennada ka shaqaynaya doorashada KGS

May 9, 2026

Madaxweynaha dalka Talyaaniga Sergio Matarella ayaa warqadaha aqoonsiga ee Danjirenimo ka guddoomay danjiraha cusub ee Dowladda Federalka Soomaaliya u fadhin doona dalka Talyaaniga, Mudane Cabdiraxmaan Sheekh Ciise.

Munaasabad ka dhacday xarunta Madaxtooyada dalka Talyaaniga ee Magaalada Roma ayuu sidoo kale Sergio Matarella Madaxweynaha Talyaaniga waxaa uu Danjire Cabdiraxmaan ka guddoomay Dhambaal uu ka siday Madaxweynaha dalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

Matarella ayaa safiirka cusub u xaqiijiyey in Dowladda Talyaaniga ay si buuxda ula shaqeyn doonto, una fududeyn doonto gudashada waajibaadkiisa, asigoona qiray in lagama maarmaan ay tahay xoojinta xiriirka walaaltinimo iyo iskashi ee ka dhaxeeya labada dal.

Danjire Cabdiraxaman Sheekh Ciise, ayaa Madaxweynaha dalka Talyaaniga Sergio Matarella, ugu warbixiyay xaaladda dalka Soomaaliya, iyo sida ay Dowladiisa ugu qanacsan tahay taageerada ay la garab taagan tahay Talyaaniga, waxa uuna sheegay inuu ku faraxsan yahay inuu dalka Taliyaaniga ka hawlgalo asigoo safiir ah, waxa uuna sheegay inuu wadashaqeyn buuxda la yeelan doonno Dowladda iyo shacabka Talyaaniga.

Marwada Danjiraha Drs. Khadiija, u qeyb-sanaha Safaarada ee dhinaca Mallitariga Aweys Macow iyo Madaxa Baratakoolka Safaarada Aweys Abuukar Aweys, ayaa Danjire C/raxmaan ku wehliyay munaasabada lagaga guddoomiyay Warqadaha Aqoosniga.

Danjire Cabdiraxmaan Sheekh Ciise, ayaa noqonaya safiirkii labaad oo ay Dowlada Soomaaliya u Magacawdo dalka talyaaniga, tan iyo wixii ka danbeeyay bur-burkii dalka kadib.

italia-4 italia-6 italia-7

Previous Post

Booliiska Mareykanka oo baaraya wiil Soomaali ah oo weerar ka geystay Jaamacadda Columbus Ohio+Sawirro

Next Post

Gudoomiyaha maxkamadda sare oo sheegay in uu bilowday qorshe lagu tayeeynayo maxkamadaha dalka+Sawirro

Next Post
Gudoomiyaha maxkamadda sare oo sheegay in uu bilowday qorshe lagu tayeeynayo maxkamadaha dalka+Sawirro

Gudoomiyaha maxkamadda sare oo sheegay in uu bilowday qorshe lagu tayeeynayo maxkamadaha dalka+Sawirro

Duqa Muqdisho oo shir-guddoomiyay kulanka amniga caasimadda

Duqa Muqdisho oo shir-guddoomiyay kulanka amniga caasimadda

May 9, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), ayaa caawa shir-guddoomiyey kulanka amniga caasimadda...

Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka oo tababar u soo xiray howl-wadeennada ka shaqaynaya doorashada KGS

Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka oo tababar u soo xiray howl-wadeennada ka shaqaynaya doorashada KGS

May 9, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha, Mudane Cabdikariim Axmed Xasan, oo uu wehlinayay Xoghayaha Guud ee Guddiga,...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo u ambabaxay dalka Jabuuti

Madaxweyne Xasan Sheekh oo u ambabaxay dalka Jabuuti

May 9, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray magaalada Jabuuti ee caasimadda Jamhuuriyadda...

Hay’adaha cadaaladda oo xoojinaya wada-shaqeyntooda

Hay’adaha cadaaladda oo xoojinaya wada-shaqeyntooda

May 8, 2026
0

Wasiiro ka tirsan XFS, Xildhibaano ka tirsan labada Aqal ee BJFS, Taliyaha Ciidanka Asluubta iyo masuuliyiin kale ayaa xay Muqdisho...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In