Tuesday, April 14, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Maamulka Baarlamaanka Federaalka Oo Shaaciyey Xiliga Ay Bilaabanayaan Shaqooyinka Xildhibaannada Lasoo Doortay “VIDEO”

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
9 years ago
in Wararka
0
Baarlamaanka Soomaaliya Heer Maxkamadeed Ayuu La Tiigsanayaa Dadka Magaciisa Uga Been Abuurtay Internetka…..WARSAXAAFADEED
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Xoghayaha guud ee Golaha Shacabka Mudane C/kariin Xaaji Cabdi (Buux) oo la hadlay Warbaahinta ayaa ugu horeyn shaaciyey in Xildhibaannada Baarlamaanka Federaalka ee lasoo doortay ugu horeyn looga baahan yahay iney tagaan Xafiiska Guddiga Doorashooyinka dadban ee 2016 halkaasi oo iminka lagu diyaariyey shahaadooyinkooda cadeynaya natiijada doorashada ay kusoo guuleysteen marka ay soo qaataan kadibna looga baahan yahay in ay la yimaadaan maamulka Baarlamaanka gaar ahaanna xarunta Villa Hargeysa si loogu diyaariyo diiwaan gelintooda iyo kaararka aqoonsiga.

“maamulka Baarlamaanka waxa uu diyaariyey wax walba oo ay u baahnaayeen iney ku bilowdaan howlaha Baarlamaanka sida diiwaan gelinta iyo kaararka aqoonsiga ee la siiyo Xildhibaanka, bisha 01-December ayey si rasmi ah guddiga doorashooyinka u bilaabi doonaan bixinta shahaadooyinka marka uu mudanaha soo qaatana shahaadada waa in uu la yimaadaa maamulka Baarlamaanka Villa Hargeysa isaga oo wata laba sawir iyo cadeynta qofka” ayuu yiri Xoghayaha guud ee Golaha Shacabka Mudane C/kariin Xaaji Cabdi (Buux).

Related posts

Madaxweynaha  Azerbaijan oo warqadaha aqoonsiga Danjirenino ka guddoomay Safiirka Soomaaliya

Madaxweynaha Azerbaijan oo warqadaha aqoonsiga Danjirenino ka guddoomay Safiirka Soomaaliya

April 14, 2026
Wasiirka Wasaaradda Qoyska oo si rasmi ah u gudbisay Axdiga Afrika ee Xuquuqda iyo Daryeelka Carruurta

Wasiirka Wasaaradda Qoyska oo si rasmi ah u gudbisay Axdiga Afrika ee Xuquuqda iyo Daryeelka Carruurta

April 14, 2026

“si loo dedejiyo howlaha hor yaala Baarlamaanka maamulka Golaha waxa uu diyaariyey wax kasta oo looga baahan yahay, holwadeenadeenna waxey diyaar u yihiin iney shaqeeyaan maalin kasta oo shaqo laga bilaabo 09:00AM Subaxnimo ilaa 04:00PM galabnimo waxaan maamul ahaan aad ugu rajo weynnahay in kulanka ugu horeeya ee Baarlamaanka 10aad uu noqdo 06-December-2016 waase marka la helo tirada loo baahan yahay oo ah 184 Xildhibaan waxaanna rajeynayaa mudada kooban ee noo hartay in howlahan lagu qaban doono “ ayuu yiri Xoghayaha Golaha Shacabka.

Ugu dambeyntii Xoghayaha guud ee Golaha Shacabka Mudane C/kariin Xaaji Cabdi (Buux) ayaa tilmaamay in fariintiisa ay ku socoto Baarlamaanka Federaalka oo ah labada Aqal oo kala ah Aqalka sare iyo Golaha Shacabka oo marka ay wada joogaan la isku yiraahdo Baarlamaanka Federaalka.

—DHAMAAD—

Xafiiska Warfaafinta iyo Xiriirka Dadweynaha Ee Guddoonka Baarlamaanka

Media and Public Relation Office Of Speaker

Email:- [email protected]

Previous Post

Sawiro:Maxaabiis tababar lagu siiyey Magaalada Muqdisho

Next Post

FIFA oo u tacsiyadeysay Qoysaskii ay ka baxeen ciyaartooydii ku dhimatay shilka

Next Post
FIFA oo u tacsiyadeysay Qoysaskii ay ka baxeen ciyaartooydii ku dhimatay shilka

FIFA oo u tacsiyadeysay Qoysaskii ay ka baxeen ciyaartooydii ku dhimatay shilka

Madaxweynaha  Azerbaijan oo warqadaha aqoonsiga Danjirenino ka guddoomay Safiirka Soomaaliya

Madaxweynaha Azerbaijan oo warqadaha aqoonsiga Danjirenino ka guddoomay Safiirka Soomaaliya

April 14, 2026
0

Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u fadhiya Azerbaijan, Mudane Cabdinuur Daahir Fiidow, ayaa si rasmi ah waraaqihiisa aqoonsiga safiirnimo ugu gudbiyay...

Wasiirka Wasaaradda Qoyska oo si rasmi ah u gudbisay Axdiga Afrika ee Xuquuqda iyo Daryeelka Carruurta

Wasiirka Wasaaradda Qoyska oo si rasmi ah u gudbisay Axdiga Afrika ee Xuquuqda iyo Daryeelka Carruurta

April 14, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka XFS Amb Khadiija Maxamed Al-Makhsuumi ayaa maanta si rasmi ah u gudbisay nuqulka...

Wasiirka Maaliyadda XFS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Washington

Wasiirka Maaliyadda XFS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Washington

April 14, 2026
0

Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Biixi Imaan Cige iyo Wafdi uu hoggaaminayo ayaa dhawaan gaaray magaalada Washington DC oo...

Ciidamada xoogga dalka oo howlgallo ay sameeyeen ku soo qabtay maleeshiyaad ka tirsan Al-Shabaab “SAWIRRO”

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo howlgallo ka dhan ah Khawaarijta ka wada Jubbooyinka

April 14, 2026
0

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo Ciidamada Amniga Jubbaland, ayaa howlgal ballaaran ka wada deegaanno ka tirsan Gobollada Jubbada Hoose iyo...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In