Taliyaha ciiidanka Boolis-ka ee dowlad goboleedka Puntland Eng C/qaadir Shire Faarax Erag ayaa kormeero uu kuug-galayo Tayada iyo Tiradda Ciidamada Booliska Puntland ku maraya Deegaano ka tirsan Goballada Nugaal iyo Bari.
Ujeedka Kormeerka Taliyaha Ciidamada Booliska Puntland Eng Erag oo ah mid salka ku haya ogaanshaha Gudashada Waajibaadka shaqo ee Booliska Degmooyinka Puntland,Tirakoobada Ciidamada,ku wacyigalinta Ciidamada in ay yihiin shaqaalaha shacabka iyo isfhamsiinta Wadashaqaynta Shacabka iyo Boolis-ka.
Eng Erag ayaa inta uu ku jiray Kormerkiisa Booqday Saldhigyada ku yaal deegaaanda Qardho, Xumbays, Celay, Waaciye, Alxamudllilah oo ku jiraan Ciidamo Birmad iyo Boolis ah, kuwaaso Taliyuhu istaagay Saldhigyada iyo rug kasta oo ay dagenyihiin,isagoona uga Mahadceliyay Shaqadda Booliska u hayaan Shacabkooda.
Sidoo kale,Taliyaha Ciidamada Booliska ee dowlad goboleedkaPuntland Eng C/qaadir Shire Faarax Erag ayaa sheegay in Kulliyada Carmo ee Puntland dhawaan ay ka bilaaban doonaan tobobaro la siin-doono heerarka kale duwan ee Booliska Puntland.
Ugu Danbaytii Eng C/qaadir Shire Faarax Erag ayaa u dhaqaaqay Magaalada Bossaso ee Gobalka bari halkaaso la filayo in uu kormeero Ciidamda Booliska iyo Birmadka ee halkaasi ku sugan,si u ogaado Baahidooda,uguna bishaareeyo toboro Booliska oo dhawaan ka bilaabi-doona Gobalka Bari.
Safiirka Midowga Afrika u fadhiya Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdullahi Warfaa oo la hadlay Warbaahinta Qaranka ayaa faah-faahin ka bixiyay...