Saturday, May 10, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka XFS ayaa Soo Xiray Shir Weyne Sanadeedka 2-aad ee U-adkeysiga Aafooyinka

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
December 5, 2016
in Wararka
0
Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka XFS ayaa Soo Xiray Shir Weyne Sanadeedka 2-aad ee U-adkeysiga Aafooyinka
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Muqdisho, 05, Dec, 2016….Ra’iisul Wasaare ku xigeenka XFS mudane Maxamed Cumar Cate ayaa maanta soo gunaanaday shir looga tashanayey u adkaysiga afooyinka oo ay ka soo qayb galeen qaar ka mid ah Hay’adaha dowladda, wakiilo ka socday maamulada goboladda, Hay’adaha Samafalka, iyo khabiiro dhanka beeraha iyo xoolaha ah.

Ugu horayntii Lataliyaha Ra’iisul Wasaaraha ee dhanka u adkaysiga Afooyinka Cabdi Axmed Baafo oo soo qaban qaabiyey shirka ayaa sheegay in shirkaan qaybtiisii hore ay Soomaalidu si adag ugu hadashay sidii loo samayn lahaa isku xir guud inta aysan dhicin afooyyinku.

Related posts

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo qaabilay Safiirka Shiinaha oo booqasho sharafeed ugu yimid

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo qaabilay Safiirka Shiinaha oo booqasho sharafeed ugu yimid

May 10, 2025
Guddoomiyaha guddiga doorashooyinka oo Shacabka uga jawaabay su’aalo ay waydiiyeen

Guddoomiyaha guddiga doorashooyinka oo Shacabka uga jawaabay su’aalo ay waydiiyeen

May 10, 2025

“Halku dhiga Sanadkaan aan dooranaya ayaa ahaa “Awood isugu gaynta barnaamijyo wax ka taraya abaaraha soo noq noqda” waana arin lagu farxo in maanta Soomaaliya ka tashanayso sidii loo samayn lahaa isku xir guud oo laga yeelanayo u adkaysiga afooyinka iyo masiiboyinka dabiiciga ah, shirka qaybtiisi hore waxaa ku kulmay wakiilada ka socday dowlad goboleedyada iyo dowladda dhexe, waxaana isla garanay in lagama maarmaan tahay in wax weyn laga badalo qaabka hada loo shaqeeyo oo ah in lagu baraarugo masiibooyinka iyagoo dhacay, lalana yimaado isku xir guud iyo diyaar garow dhanka u adkaysiga afooyinka” ayuu yiri Baafo.

Sidoo kale Ra’iisul Wasaare ku xigeenka XFS oo ka soo qayb galay xirtaanka shirka ayaa sheegay in sanadkaan dalka ay ka jiraan abaaro aad u daran, oo saamayn lixaad leh ku yeeshay dadka iyo duunyadaba.

“Dalka waxaa ka jira abaaro aad u daran oo mudo dheer soo noq noqonayey, waxaa hada la qiyaasayaa in 50 % wax ka yar ay roobabku dalka ka da’ayaan, xoolihii baadkii ayaa  ka sii dhamanaya, dadkana cuntada gaaabsi ku ah, markii sidaan wax u  dhacaan ayaan baraarugnaa, waxaa hada dolwadu wadaa qorshe qaran oo qayb ka ah ka hortaga afooyinka, abaartu markay dhacdo waxaa la samayn karaa gurmad, waxayna qaadanaysaa mudo sidii looga soo kabsan lahaa, waxaan loo baahan isku xirka dowlada faderaalka iyo dowlad goboleedyada, maanta waxaa muuqata in uu jiro isu soo dhawaansho dhanka wada shaqaynta ah” ayuu yiri RW ku xigeenku.

Ugu danbayntii shirkaan oo socday mudo sadex maalin ah ayaa gaba-gabdii laysku raacay:

 

  • In shirarka isku xirka maamulada iyo dowlada dhexe marba gobol lagu qabto, kan ugu horeeyana uu ka dhacco bisha Maarso magaalada Jowhar ee xarunta Hirshabelle,
  • In sadexdii boloodba mar laysugu yimaado shir noocaan ah.
  • In u adkaysiga afooyinka lagala xiriiro Wasaaraddaha Qorshaynta ee heer maamul goboleed iyo mid Federaal.
  • In Soomaalidu isku tashato oo miisaaniyadda ku baxaysa shirarkanoo kale ay bixiyaan maamulada gobolada iyo dowladda dhexe, si ay u noqoto wax Soomaalidu leedahay ah.
  • In Wasaaradaha Qorshayntu ee heer maamul goboleed iyo mid federal ay keenaan mashaariic qaran ee la xiriira u adkaysiga afooyinka.
  • In la dhiso awooda hay’adaha heer faderaal iyo heer maamul gooleed ee u adkaysiga Afooyinka.

IMG_5336 IMG_5297 IMG_5323 IMG_5278 IMG_5271 IMG_5248 IMG_0651 DSC00024 DSC00044 DSC00002

Previous Post

Dhageyso warka subax ee Radio Muqdisho

Next Post

Xildhibaan Eng, Cabdiqaadir Carabow oo sheegay in uu gacan ka geysan doono horumarka dalka “Dhageyso”

Next Post
Xildhibaan Eng, Cabdiqaadir Carabow oo sheegay in uu gacan ka geysan doono horumarka dalka “Dhageyso”

Xildhibaan Eng, Cabdiqaadir Carabow oo sheegay in uu gacan ka geysan doono horumarka dalka "Dhageyso"

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo qaabilay Safiirka Shiinaha oo booqasho sharafeed ugu yimid

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo qaabilay Safiirka Shiinaha oo booqasho sharafeed ugu yimid

May 10, 2025
0

RADIO MUQDISHO: Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali, ayaa maanta oo Sabti ah ku qaabilay xafiiskiisa...

Guddoomiyaha guddiga doorashooyinka oo Shacabka uga jawaabay su’aalo ay waydiiyeen

Guddoomiyaha guddiga doorashooyinka oo Shacabka uga jawaabay su’aalo ay waydiiyeen

May 10, 2025
0

RADIO MUQDISHO: Waxa xalay magaaladda Muqdisho lagu qabtay maddal si weyn loo soo agaasimay taas oo su’aalo lagu waydiinayey Guddoomiyaha...

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed oo kormeeray goobo ay saameeyeen roobkii ka da’ay Muqdisho

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed oo kormeeray goobo ay saameeyeen roobkii ka da’ay Muqdisho

May 10, 2025
0

RADIO MUQDISHO: Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed Sarreeye Guuto Asad Cismaan Cabdullaahi ayaa kormeeray xalay goobo gurmad ay qeyb ka yihiin...

ogeysiis dadweyne

ogeysiis dadweyne

May 9, 2025
0

Lifaaqa 3 - Ogeysiis Dadweyne   Lifaaqa 4 - Application Form_SOM

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In