Doorashada xubnaha Aqalka Hoose ayaa caawa lagu soo gabo gabeeyay magaalada Baydhabo ee xarunta Gobolka Baay, halkaasi oo xarun KMG u ah dowlad goboleedka Koonfurgalbeed ee dalka.
Doorashada caawa la soo afmeeray waxaa ku tartamayay musharixiinta kala ah Xasan Macalin Xuseen oo la tartamayay musharaxa kale ee isna lagu magacaabo Xasan Xaaji Ibraahim, waxaana ku guuleystay Xasan Macalin Xuseen oo helay 40 cod, halka Xasan Xaaji Ibraahim uu isna la yimid 10 cod.
Sidoo kale Xuseen Maxamuud Sheekh Badni ayaa cod aqlibiyad leh kaga guuleystay musharixii la tartamayay ee lagu magacaabo Cumar Cali Maxamed oo aan wax cod ah helin, halka Xuseen Maxamuud Sheekh Badni uu helay 50 cod.
Magaalada Baydhabo ayaa caawa lagu soo gabo gabeeyay doorashada xubanaha labada Aqal, iyadoo Aqalka Hoose laga soo doortay 69 Xildhibaan iyo Sideed Xildhibaan oo Aqalka sare.
Dhawaan ayaa lagu wadaa in la sameeyo xaflad lagu soo dhaweynayo dhameystirka xubnaha labada Aqal.