Sunday, August 30, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweynaha oo booqday Jubbaland kuna ammaanay doorka doorashooyinka 2016 “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
10 years ago
in Wararka
0
Madaxweynaha oo booqday Jubbaland kuna ammaanay doorka doorashooyinka 2016 “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Kismayo, 05 December 2016 – Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta soo gaaray magaalada Kismayo ee caasimada Dowlad Goboleedka Jubbaland, halkaas oo uu si diiran ugu soo dhoweeyey Mudane Ahmed Mohamed Islam (Madoobe), Madaxweynaha Jubbaland, ku xigeenadiisa, Wasiirka Gaashaandhiga Soomaaliya Mudane Abdulkadir Sheikh Ali Dini, Wasiirka Boostada & Isgaarsiinta Maxamed Jamac Mursal (Geele), Wasiiru Dowlaha Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Cabdiraxmaan Dheere, Xildhibaano iyo mas’uuliyiin kale.

Madaxweynaha Soomaaliya oo salaan sharaf ka qaatay cutubyo ciidamada ah ayaa isaga iyo wafdigiisa waxaa loo soo dhoweeyey si heer sare ah. Madaxweynaha oo weriyeyaasha kula hadlay Kismaayo ayaa sheegay in ujeedada socdaalkiisu ay aheyd inuu la yeesho kulamo wadatashi ah Madaxda Jubbaland oo uu ugu horreeyo Madaxweyne Axmed Madoobe, shacabka iyo xubnaha baarlamaanka labada Aqal si loo dedejiyo inta harsan ee doorashooyinka dalka.

Related posts

Guddoomiyaha SoDMA oo daah-furay mashruuc taakuleyn lacageed ah oo lagu taageerayo 130 qoys oo Agoon danyar ah

Guddoomiyaha SoDMA oo daah-furay mashruuc taakuleyn lacageed ah oo lagu taageerayo 130 qoys oo Agoon danyar ah

August 29, 2026
Markabka 𝗠𝗩 π—Ÿπ—”π—§π—¨π—™ oo lagu heystay xeebaha Eyl oo la soo furtay

Markabka 𝗠𝗩 π—Ÿπ—”π—§π—¨π—™ oo lagu heystay xeebaha Eyl oo la soo furtay

August 29, 2026

Madaxweynaha oo la hadlayey wariyeyeaasha ayaa yiri “Waxaan u imid Kismaayo si aan u dhiirigeliyo isla markaasna ugu ammaano Madaxda Jubbaland, Shacabka iyo guddiyada doorashooyinka ee heer Federal iyo heer Dowlad Goboleed oo suurtogeliyey in doorashooyinka ay u dhacaan sidii loogu talogalay, kuna qabsoomaan waqtigii loogu talogalay. Sidoo kale waxaan halkan u imid inaan wadatashiyo la yeesho Madaxda Jubbaland, Shacabka iyo Xildhibaanada Labada Aqal ee la soo doortay si loo dedjiyo doorashooyinka inta harsan.”

Madaxweynaha ayaa ugu danbeyntii sheegay in Soomaaliya ay maanta mareyso marxlad aan xildhibaanada Qaranka ku soo dooraneyno gobollada dalka oo tartarn dimoqraadiyadeed uu jiro, tanoo ah guul u soo hoyatay shacabka iyo dalka. Madaxweynaha ayaa sheegay in dadaalka hadda socda iyo ka guul gaarista go’aanadii habraaca doorashooyinka waa wax in muddo ah laga soo shaqeynayey iyadoo ujeedadeenu aheyd in dalka ay ka dhacaan doorashooyin ka sharciyad xoogan kana matalaad fiican kuwii 2012kii oo 135 Madax Dhaqameed ay soo xuleen Baarlamaankii 2012 iyadoo maanta ay in ka badan 14,000 oo Soomaali ah ay soo dooranayaan 275ta Xildhibaan, halka 54ta mudane ee Aqalka Sare ay soo doorteen Baarlamaanada Dowlad Goboleedyada, oo aan maanta leenahay xildhibaano lala xisaabtami kara.

unnamed (1) unnamed (2) unnamed (3) unnamed (4) unnamed (5) unnamed (6) unnamed

 

Previous Post

Ra’iisul wasaare Cumar oo soo jeediyey in la tixgaliyo mowqifka odoyaasha gobolada waqooyi

Next Post

Dhageyso warka subax ee Radio Muqdisho

Next Post
Dhageyso Warka Habeennimo Ee Radio Muqdisho

Dhageyso warka subax ee Radio Muqdisho

Guddoomiyaha SoDMA oo daah-furay mashruuc taakuleyn lacageed ah oo lagu taageerayo 130 qoys oo Agoon danyar ah

Guddoomiyaha SoDMA oo daah-furay mashruuc taakuleyn lacageed ah oo lagu taageerayo 130 qoys oo Agoon danyar ah

August 29, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa maanta daah-furay mashruuc taakuleyn lacageed ah oo lagu...

Markabka 𝗠𝗩 π—Ÿπ—”π—§π—¨π—™ oo lagu heystay xeebaha Eyl oo la soo furtay

Markabka 𝗠𝗩 π—Ÿπ—”π—§π—¨π—™ oo lagu heystay xeebaha Eyl oo la soo furtay

August 29, 2026
0

Ciidanka Badda Turkiga, oo iskaashi la sameynayay Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, ayaa soo furtay markabka 𝗠𝗩 π—Ÿπ—”π—§π—¨π—™, oo burcad-badeeddu 17-kii...

Mudaneyaasha Aqalka Sare oo maanta akhrinta Koowaad marsiiyay laba Hindise-Sharciyeed

Mudaneyaasha Aqalka Sare oo maanta akhrinta Koowaad marsiiyay laba Hindise-Sharciyeed

August 29, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Mudanayaasha Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta akhrinta koowaad marsiiyay laba hindise-sharciyeed oo muhiim u ah...

Hay’adda Aqoonsiga Qaranka ee NIRA oo Muqdisho ku qabatay kulan wacyigelin dadweyne

Hay’adda Aqoonsiga Qaranka ee NIRA oo Muqdisho ku qabatay kulan wacyigelin dadweyne

August 29, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Hay’adda Aqoonsiga iyo Diiwaangelinta Qaranka (NIRA) ayaa magaalada Muqdisho ku qabatay kulan dadweyne oo looga hadlay dhisidda kalsoonida iyo...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

Β© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

Β© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In