Monday, April 20, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Mudane Carteh “Xilka la ii doortay waxaan kor ugu qaadi doonaa sharafta iyo karaamada dhamaan dadka Soomaaliyeed”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
9 years ago
in Wararka
0
Mudane Carteh “Xilka la ii doortay waxaan kor ugu qaadi doonaa sharafta iyo karaamada dhamaan dadka Soomaaliyeed”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cumar Carteh oo shalay ku guuleystay kursiga 1aad ee Xildhibaanada Somaliland isaga oo helay 47 cod ayaa balan qaaday in uu kor u qaadi doono sharafta iyo karaamada Ummadda Soomaaliyeed, meelkasta oo a joogaan.

Mudane Maxamed Cumar Carteh oo qudbad xamaasad leh ka jeediyay goobta ayaa u ballanqaaday ergada iyo dadka Soomaaliyeed in masuuliyadda la saaray uu si hufnaan leh u gudan doono.

Related posts

Wasiirka Caddaaladda XFS oo guddoomiyay kulanka dib u eegista howlaha Wasaaradda

Wasiirka Caddaaladda XFS oo guddoomiyay kulanka dib u eegista howlaha Wasaaradda

April 19, 2026
Shirweynaha Midowga Baarlamaanka Adduunka oo la soo gabagabeeyay

Shirweynaha Midowga Baarlamaanka Adduunka oo la soo gabagabeeyay

April 19, 2026

“Allaahu Akbar, Allaahu Akbar, Allaahu Akbar; Illaah baa baxsha darjada kana qaada cidda uu doono. Waxaan u mahadcelinayaa dhamaan ergada ii doortay inaan magacooda ku matelo golaha shacabka, waxa aan u ballanqaadayaa inaan sharaftooda kor u qaado kana shaqeeyo danaha dadka Soomaaliyeed”.

Ra’iisul Wasaare ku-Xigeenka ayaa dhanka kale sheegay in dadka Soomaaliyeed u baahanyihiin nabad iyo horumar islamarkaana uu ka shaqeeyn doono.

“Dadka Soomaaliyeed waxa ay mudan yihiin una baahan yihiin dal nabdoon oo barwaaqo ah; waa taa balanta aan ku shaqeyn doono intii karaankeyga ah”.

Mudane Carteh ayaa ugu dambeyn bogaadiyay guddiyada doorashooyinka ee heer Federaal iyo heer Gobol islamarkaana mahadcelin ballaaran u jeediyay ciidamada amniga oo si sharafleh u gutay hawshii qaran ee ay u xil saarnaayeen.

—–DHAMAAD—–

unnamed (1) unnamed (7) unnamed

Previous Post

Madaxweynaha oo ku ammaanay Dowlad Gobolleedka K/Galbeed dhameeystirka doorashooyinka Golaha Shacabka

Next Post

Ciidan tababbar loogu soo xiray dalka Jabuuti “SAWIRRO”

Next Post
Ciidan tababbar loogu soo xiray dalka Jabuuti “SAWIRRO”

Ciidan tababbar loogu soo xiray dalka Jabuuti "SAWIRRO"

Wasiirka Caddaaladda XFS oo guddoomiyay kulanka dib u eegista howlaha Wasaaradda

Wasiirka Caddaaladda XFS oo guddoomiyay kulanka dib u eegista howlaha Wasaaradda

April 19, 2026
0

Wasiirka Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka XFS Mudane Xasan Macallin Maxamuud ayaa shir-guddoomiyay kulanka toddobaadlaha ah ee hoggaanka sare ee Wasaaradda...

Shirweynaha Midowga Baarlamaanka Adduunka oo la soo gabagabeeyay

Shirweynaha Midowga Baarlamaanka Adduunka oo la soo gabagabeeyay

April 19, 2026
0

Shirweynihii Midowga Baarlamaanada Adduunka ee ka socday magaalada Istanbul ee Dalka Turkiga ayaa maanta lasoo gaba gabeeyey, waxaana shirkaasi Soomaaliya...

Midowga Africa oo si adag  uga horyimi Safiirka Israa’iil u soo magacaawday maamulka Soomaaliland

Midowga Africa oo si adag uga horyimi Safiirka Israa’iil u soo magacaawday maamulka Soomaaliland

April 19, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Midowga Afrika ayaa si adag uga horyimid safiirka ay Israa'iil u soo magacaawday maamulka Soomaaliland,tallaabadaas oo dhalisay hadal-hayn siyaasadeed...

Wasiirka Gaashaandhigga oo xilka u kala wareejiyey Xoghayaha cusub ee Wasaaradda midkii hore

Wasiirka Gaashaandhigga oo xilka u kala wareejiyey Xoghayaha cusub ee Wasaaradda midkii hore

April 19, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasiirka Gaashaandhigga, Mudane Axmed Macallin Fiqi, ayaa maanta xilka u kala wareejiyey Xoghayaha cusub ee Wasaaradda, Mudane Yuusuf Cali...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In