Monday, April 20, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Ra’iisul wasaare ku xigeenka oo Booliska ku ammaanay sugidda Amniga “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
9 years ago
in Wararka
0
Ra’iisul wasaare ku xigeenka oo Booliska ku ammaanay sugidda Amniga “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Related posts

Wasiirka Caddaaladda XFS oo guddoomiyay kulanka dib u eegista howlaha Wasaaradda

Wasiirka Caddaaladda XFS oo guddoomiyay kulanka dib u eegista howlaha Wasaaradda

April 19, 2026
Shirweynaha Midowga Baarlamaanka Adduunka oo la soo gabagabeeyay

Shirweynaha Midowga Baarlamaanka Adduunka oo la soo gabagabeeyay

April 19, 2026

Ra’iisul-wasaare ku xigeenka dalka iyo Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa Maanta ka qeybgalay Bandhigga Todobaadka Ciidanka Booliska oo lagu qabtay Dugsiga Tababarka Jen. Kaahiye ee magaalada Muqdisho.

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed S/Gaas Maxamed Sheekh Xasan Xaamuud oo hadal gaaban goobta ka jeediyay ayaa dugsiga Jeneraal Kaahiye ku soo dhaweeyay Ra,iisl wasaare xigeenka Soomaaliya Maxamed Cumar Carte Qaalib.

Md. Maxamed Cumar Carte Qaalib ayaa halkaasi salaan kaga qaatay ciidamo ka tirsan Booliska oo akadeemiyada ku xaraysan, waxayna halkaas ku soo bandhigeen Gaada ka cayaar, iyadoo kooxda Heegan ee Ciidanka Booliska Soomaaliyeedna ay suugaan ka hadlaysa howlaha booliska iyo wada shaqayn booliska iyo Shacabka u soo bandhigeen.

Ra’iisul-wasaare ku xigeenka dowladda Soomaaliya ayaa ku amaanay Taliska Booliska waxqabadkiisa wuxuuna sheegay in Boolisku uu yahay saaxiibka shacabka, wuxuuna ku amaanay horumarka uu booliska ka sameeyey sugidda amniga goobaha doorashooyinka dalka.

Taliyaha Ciidanka Daraawiishta Booliska Soomaaliya, Taliyaha Hoggaanka Xiriirka Bulshada G/le sare Faadumo Xasan Maxamed Faadumo Neero iyo Taliayah Hoggaanka Ilaalada Canshuuraha gen, C/llaahi Xasan Bariise ayaa ciidamada tababarrada uga socda Akadeemiyada Kaahiye ugu deeqay xoolo loo qalo Ciidanka iyo waxyaaba kale.

vlcsnap-2016-12-08-13h44m39s113 vlcsnap-2016-12-08-13h44m50s219 vlcsnap-2016-12-08-13h45m00s59 vlcsnap-2016-12-08-13h45m20s239 vlcsnap-2016-12-08-13h46m09s229 vlcsnap-2016-12-08-13h46m37s15 vlcsnap-2016-12-08-13h47m06s39 vlcsnap-2016-12-08-13h48m13s185

Previous Post

Hay’adda Al-Rahma oo qalab Caafimaad ku wareejisay Maamulka isbitaalka Caabudwaaq

Next Post

Wasiir kuxigeenka Arrimaha Dibadda oo nuqul ka mid ah warqadaha aqoonsiga ka guddoomay danjraha cusub ee Yemen “SAWIRRO”

Next Post
Wasiir kuxigeenka Arrimaha Dibadda oo nuqul ka mid ah warqadaha aqoonsiga ka guddoomay danjraha cusub ee Yemen “SAWIRRO”

Wasiir kuxigeenka Arrimaha Dibadda oo nuqul ka mid ah warqadaha aqoonsiga ka guddoomay danjraha cusub ee Yemen "SAWIRRO"

Wasiirka Caddaaladda XFS oo guddoomiyay kulanka dib u eegista howlaha Wasaaradda

Wasiirka Caddaaladda XFS oo guddoomiyay kulanka dib u eegista howlaha Wasaaradda

April 19, 2026
0

Wasiirka Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka XFS Mudane Xasan Macallin Maxamuud ayaa shir-guddoomiyay kulanka toddobaadlaha ah ee hoggaanka sare ee Wasaaradda...

Shirweynaha Midowga Baarlamaanka Adduunka oo la soo gabagabeeyay

Shirweynaha Midowga Baarlamaanka Adduunka oo la soo gabagabeeyay

April 19, 2026
0

Shirweynihii Midowga Baarlamaanada Adduunka ee ka socday magaalada Istanbul ee Dalka Turkiga ayaa maanta lasoo gaba gabeeyey, waxaana shirkaasi Soomaaliya...

Midowga Africa oo si adag  uga horyimi Safiirka Israa’iil u soo magacaawday maamulka Soomaaliland

Midowga Africa oo si adag uga horyimi Safiirka Israa’iil u soo magacaawday maamulka Soomaaliland

April 19, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Midowga Afrika ayaa si adag uga horyimid safiirka ay Israa'iil u soo magacaawday maamulka Soomaaliland,tallaabadaas oo dhalisay hadal-hayn siyaasadeed...

Wasiirka Gaashaandhigga oo xilka u kala wareejiyey Xoghayaha cusub ee Wasaaradda midkii hore

Wasiirka Gaashaandhigga oo xilka u kala wareejiyey Xoghayaha cusub ee Wasaaradda midkii hore

April 19, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasiirka Gaashaandhigga, Mudane Axmed Macallin Fiqi, ayaa maanta xilka u kala wareejiyey Xoghayaha cusub ee Wasaaradda, Mudane Yuusuf Cali...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In