Thursday, February 26, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Q. M. oo ka deyrisay xaaladda dadka ka barakacay degmada Qandala ee Gobolka Bari

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
9 years ago
in Wararka
0
Saraakiil QM ka tirsan oo maanta gaaray Cadaado
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Jimciyadda quruumaha ka dhaxaysa ayaa shaaca ka qaadday inay 25,700 oo Qof  ku barakaceen Dagaalkii dhowaan ka dhacay Magaalada Qandala ee Gobolka Bari, kaasoo u dhaxeeyay Ciidanka maamul Goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland iyo Ururka Daacish.

Hay’adda Qaramada midoobay u qaabbilsan Bini’aaddannimada ee OCHA ayaa intaasi raacisay in Dadka halkaasi ka cararay ay badankood yihiin Haween, Carruur iyo Dad waayeel ah, kuwaasoo u barakacay Tuulooyin ku hareereysan Degmada Qandala, halka kuwa kalena ay aadeen Magaalada Boosaaso oo 75 KM u jirta Qandala.

Related posts

Tartanka Sanadlaha Heer Qaran ee Xifdinta Qur’aanka Kariimka oo ka furmay Muqdisho 

Tartanka Sanadlaha Heer Qaran ee Xifdinta Qur’aanka Kariimka oo ka furmay Muqdisho 

February 26, 2026
Guddoomiyaha Dalladda Culimada Galmudug oo ku baaqay in Sakada la gaarsiiyo dadka ay abaaruhu saameeyeen

Guddoomiyaha Dalladda Culimada Galmudug oo ku baaqay in Sakada la gaarsiiyo dadka ay abaaruhu saameeyeen

February 26, 2026

Saraakiisha Ciidamada Puntland ayaa sheegay inay Magaalada kulaasha Badweynta Hindiya ee Qandala ay si buuxda ula wareegeen Arbacadii, markii ay kula dagaallameen Malleeshiyada Daacish ee uu hoggaamiyo Sheekh C/qaadir Muumin, kuwaasoo Gacanta ku hayay tan iyo dabayaaqadii Oktoobar ee Sanadkan.

UN-OCHA ayaa sheegtay in saaxiibbada qaabbilsan dhanka bini’aadannimada iyo madaxda maxalliga ah ay ka walaacsan yihiin inay sii xumaato xaaladaha Dadka barakacay, markii lasoo wariyay in Shacabkii halkaasi ka barakacay ay ku jiraan xaalado nolal xumo iyo Biyo la’aan.

Previous Post

Duuliye sare Maxamuud Maxamed Guuleed oo maanta lagu aasay Muqdisho

Next Post

Doorashooyinka Cadaado oo ku dhaw Gabagabo

Next Post
DAAWO SAWIRRADA:- Doorashada Xildhibaannada Golaha Shacabka Ee Baydhabo Ka Bilaabatay

Doorashooyinka Cadaado oo ku dhaw Gabagabo

Tartanka Sanadlaha Heer Qaran ee Xifdinta Qur’aanka Kariimka oo ka furmay Muqdisho 

Tartanka Sanadlaha Heer Qaran ee Xifdinta Qur’aanka Kariimka oo ka furmay Muqdisho 

February 26, 2026
0

Waxaa si rasmi ah u furmay Tartanka Sanadlaha Heer Qaran ee Xifdinta Qur’aanka Kariimka, kaas oo ay ka qeybgalayaan arday...

Guddoomiyaha Dalladda Culimada Galmudug oo ku baaqay in Sakada la gaarsiiyo dadka ay abaaruhu saameeyeen

Guddoomiyaha Dalladda Culimada Galmudug oo ku baaqay in Sakada la gaarsiiyo dadka ay abaaruhu saameeyeen

February 26, 2026
0

Guddoomiyaha Dalladda Culimada Dowlad Goboleedka Galmudug, Sheekh Muxudiin Yuusuf Barre, ayaa ugu baaqay ganacsatada Soomaaliyeed inay si gaar ah sanadkan...

Tartamayaasha C/casiis oo caawa u gudbay wareegga Labaad ee tartanka

Tartamayaasha C/casiis oo caawa u gudbay wareegga Labaad ee tartanka

February 25, 2026
0

Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii Lix iyo tobnaad oo ay qabaneyso Warbaahinta Qaranka, isla markaana si toos ah...

Taliyaha Ciidanka XDS oo kulan la qaatay hoggaanada ciidanka

Taliyaha Ciidanka XDS oo kulan la qaatay hoggaanada ciidanka

February 25, 2026
0

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed Sareeye Guuto Ibraahim Maxamed Maxamuud ayaa kulan muhiim ah la qaatay Taliyeyaasha Talisyada Ciidanka, Kaaliyaha...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In