Thursday, March 19, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

IGAD oo taageero xoogan u muujisay qabsomidda doorashada Madaxtinimada Soomaaliya

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
9 years ago
in Wararka
0
Xiriirka ka dhexeeya Soomaaliya iyo saaxibadeeda IGAD’akhriso’
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Urur goboleedka IGAD ayaa taageero xooggan u muujiyay qabsoomidda doorashada Madaxtinimada Soomaaliya ee lagu wado inay dhacdo dabayaaqada sanadkan aynu ku jirno.

Madaxda Urur Goboleedka IGAD oo kulankooda 29aad ku yeeshay magaalada Addis Ababa ee xarunta dalka Ethiopia ayaa sheegay inay taageersanyihiin hanaanka doorashada dadban ee dalka, isla markaana ay soo dhaweynayaan dadaallada ku aadan sidii loogu guuleysan lahaa qabsoomidda doorashada Madaxtinimada ee Soomaaliya oo lagu wado inay dhacdo dhamaadka bisha December ee sanadkan.

Related posts

Mashruuca Zakaatul Fitriga oo si rasmi ah loo soo gabagabeeyey maalintiisii labaad

Mashruuca Zakaatul Fitriga oo si rasmi ah loo soo gabagabeeyey maalintiisii labaad

March 18, 2026
Guddoomiyaha SoDMA oo soo bandhigay istaraatijiyadda Hay’adda ee 2026-ka

Guddoomiyaha SoDMA oo soo bandhigay istaraatijiyadda Hay’adda ee 2026-ka

March 18, 2026

Ra’isul Wasaaraha Ethiopia Hailemariam Desalegn ayaa hoosta ka xariiqay in doorashada Madaxtinimada ee Soomaaliya la qaban doono xilliga loo qorsheeyay ee ah inta aysan dhamaan sanadkan 2016-ka

Mr Hailemariam Desalegn waxa uu sidoo kale tilmaamay in weerarada ay weli wadaan maleeshiyada Al-Shabab ay ugu wacanahay gaabis ka yimid xagga ciidamada Nabad ilaalinta Midowag Afrika ee AMISOM oo uu ku sheegay in ay ugu wacantahay taageeradii ay heli jireen oo aan gaarsiisneyn heerkii loogu talagalay.

Shirka Madaxda urur goboleedka IGAD ee diirada lagu saaray arrimaha Soomaaliya iyo Koonfurta Sudan ayaa waxaa ka qeyb galay Madaxweyneyaasha Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, Jabuti Ismaaciil Cumar Geelle, Koonfurta Sudan Silva Kir, Wadanka Sudan Cumar Xasan Al-bashiir iyo xubno kale oo ka socday sideedda dowladood e ay ku mideysanyihiin IGAD, waxaa kaloo ka qeb galay wakiilo ka socday Qaramada Midoobay iyo xubno la casuumay.

 

 

 

Previous Post

Maxkamad ku taala Jasiiradda Seychelles oo sii deysay dhalinyaro lagu eedeeyay burcad badeednimo

Next Post

Gaari ku qarxay agagaarka Siinka dheer xilli baaritaanno lagu hayay

Next Post
Maleeshiyaad ka tirsan UGUS oo miino kula qaraxday deegaanka Bakalle

Gaari ku qarxay agagaarka Siinka dheer xilli baaritaanno lagu hayay

Mashruuca Zakaatul Fitriga oo si rasmi ah loo soo gabagabeeyey maalintiisii labaad

Mashruuca Zakaatul Fitriga oo si rasmi ah loo soo gabagabeeyey maalintiisii labaad

March 18, 2026
0

Xarunta Boqor Salmaan ee Gargaarka iyo Hawlaha Bani’aadannimada, iyadoo kaashaneysa Hay’adda Al-Mahasin Foundation, ayaa maanta si rasmi ah u soo...

Guddoomiyaha SoDMA oo soo bandhigay istaraatijiyadda Hay’adda ee 2026-ka

Guddoomiyaha SoDMA oo soo bandhigay istaraatijiyadda Hay’adda ee 2026-ka

March 18, 2026
0

Gudoomiyaha Hey’adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle, ayaa soo bandhigay qeyb ka mid ah istiraatiijiyadda cusub ee...

Hay’adda SoDMA oo deeq gargaar ah ugu qeybisay Baydhabo qoysas danyar ah

Hay’adda SoDMA oo deeq gargaar ah ugu qeybisay Baydhabo qoysas danyar ah

March 18, 2026
0

Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka ee SoDMA, iyo Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, ayaa maalintii labaad magaalada...

DfS oo war kasoo saartay arrinta dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya

DfS oo war kasoo saartay arrinta dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya

March 18, 2026
0

Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta ee Dowladda Federaalka Soomaaliya (DFS), waxay si dhow ula socotaa xaaladaha ka soo cusboonaaday...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In