Wednesday, March 25, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Cudurka Jadeecada oo ka dillaacay degaanno ka mid ah Jubbooyinka

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
9 years ago
in Wararka
0
Cudurka Jadeecada oo ka dillaacay degaanno ka mid ah Jubbooyinka
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Saraakiisha Caafimaadka ee Magaalada Kismaayo ayaa sheegay in 64 Carruur ah oo Labadii Toddobaad ee u dambeeyay uu soo ritay Cudurka Jadeecada lagu Daweynayo Cusbitalka guud ee Magaalada Kismaayo.

15 ka mid ah Carruurtan la xanuunsan Jadeecada ayaa la sheegayaa inay horay u qateen Tallaalka ka hortagga ah ee Dhallaanka la siiyo.

Related posts

Xukunka Ninkii Basaasay Feeryahanad Ramla Cali iyo Kooxdiisa

Xukunka Ninkii Basaasay Feeryahanad Ramla Cali iyo Kooxdiisa

March 24, 2026
Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka oo kulan mira dhal ah la qaatay Major General Claude K.

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka oo kulan mira dhal ah la qaatay Major General Claude K.

March 24, 2026

Saraakiisha Cuspitalka weyn ee Kismaayo ayaa sheegay in Carruurtan laga keenay Shanta Xaafadood ee Kismaayo iyo Degaanno kale oo ay ka mid yihiin Jamaame, Buulo-gaduud, Buulo-Xaaji, Beerxaani iyo Cabdalla Biroole oo Jubbada hoose ah iyo Degmada Jilib ee Gobolka Jubbada dhexe.

Caasho Xaaji Maxamed oo la joogta Labo Wiil oo ay Ayeeyo u tahay, lana xanuunsanaya Cudurka Jadeecada ayaa sheegtay, in xilliyo kala duwan ay Ilamahaasi qaateen dhammaan tallaalladii ay dhaqaatiirtu kula taliyeen.

Drs; Maryan Xuseen Maxamed oo ku takhasustay Caafimaadka Hooyada iyo Dhallaanka, ahna ku-xigeenka madaxa qeybta Jadeecada ee Cusbitalka ayaa sheegtay in ay dhacdo mararka qaar inuu Cudurku ku dhaco Carruur la tallaalay, taas oo ay sababi karto haddii tallaalkii ay qaateen ay tayadiisa xumeyd ama shaqaalaha siiyay aanay qabin tababar wanaagsan.

Jadeecadu waxay ka mid tahay Cudurrada aan Dawada lahayn ka hortag mooyee sida ay sheegtay dhaqtaraddu, wxanay Dadka ku boorrisay inay ka faa’iideystaan Cusbitalka ay taageerto hay’adda ICRC oo laga helo Dawooyin Lacag la’aan ah iyo Cuntooyin Nafaqaysan oo Jirkooda soo kaba.

Previous Post

Qarax loo adeegsaday gaari oo saakay ka dhacay deg. X/jajab

Next Post

Dhageyso warka subax ee Radio Muqdisho

Next Post
Dhagayso Warka Habeen Ee Radio Muqdisho

Dhageyso warka subax ee Radio Muqdisho

Xukunka Ninkii Basaasay Feeryahanad Ramla Cali iyo Kooxdiisa

Xukunka Ninkii Basaasay Feeryahanad Ramla Cali iyo Kooxdiisa

March 24, 2026
0

Cabdisalaam Maxamed Xasan, Cabdullahi Cusmaan Maxamed, Cabdinaasir Cumar Axmed Subeyr, Faadumo Cismaan Subeyr Cali iyo Leylo Seef Faarax Axmed, Ayaa...

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka oo kulan mira dhal ah la qaatay Major General Claude K.

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka oo kulan mira dhal ah la qaatay Major General Claude K.

March 24, 2026
0

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sarreeye-Guuto Ibraahim Maxamed Maxamuud, ayaa kulan muhiim ah la qaatay Taliyaha Taliska Hawlgallada Gaarka ah...

Wasaaradda Arrimaha Gudaha XFS oo maamul cusub u magacawday degmada Waajid

Wasaaradda Arrimaha Gudaha XFS oo maamul cusub u magacawday degmada Waajid

March 24, 2026
0

Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo dib u heshiisiinta ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya (XFS) ayaa si rasmi ah u magacawday maamulka...

Tababar lagu baranaayo aqoonta beeraha oo Muqdisho ka socda

Tababar lagu baranaayo aqoonta beeraha oo Muqdisho ka socda

March 24, 2026
0

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka JFS. Eng.Maxamed Xassan Cabdulle ayaa furay tababar aqoon kororsi ah oo ku saabsan...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In