Thursday, December 4, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Soomaaliya oo ka qeyb-gashay shirka warbaahinta Carabta (Sawirro)

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
9 years ago
in Wararka
0
Soomaaliya oo ka qeyb-gashay shirka warbaahinta Carabta (Sawirro)
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Agaasimaha Telefishinka Qaranka iyo xiriirka Warbaahinta gaarka loo leeyahay  ayaa dalka Tunisia uga qeyb-galay shirka Warbaahinta Jaamacadda Cara  oo lagu qabtay dalka Tunisia.

Shirkan oo ka dhacaya sanadkan Magaalada Xamaamaad ee Dalka Tunisiya ayaa waxaa kasoo qayb galay Agaasimeyaasha warbaahinta Dowladaha Carabta iyo Agaasimayaal ka kala socday hay’adaha madaxa bannaan ee ka jira Dalalka Carabta, Aasiya iyo Yurub.
Shirkan oo Soomaaliya uu ku  matalaayay Agaasmaha TV-ga Qaranka Soomaaliyeed Mudane Naasir Xasan Xuseen  oo uu  ku wehliyay Diblomaasi Fidow Maxamuud Fiidow, ayaa si weyn loogu soo dhoweeyey madasha shirka ee sannadkaan.

Related posts

Shirka Golaha Wasiiradda oo lagu ansixiyay Xeerka Ciqaabta Soomaaliyeed.  

Shirka Golaha Wasiiradda oo lagu ansixiyay Xeerka Ciqaabta Soomaaliyeed.  

December 4, 2025
Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo kulan kula yeeshay Zoomka deeq-bixiyaasha caalamka.

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo kulan kula yeeshay Zoomka deeq-bixiyaasha caalamka.

December 4, 2025

Qodobbada diiradda la saaray waxaa ka mid ahaa in la xoojiyo xiriirka warbaahinta iyo hey’adaha  kala duwan ee halkaasi isugu yimid iyo in la joogteeyo kulammadan oo kale si horumarka iyo caqabada jira looga hadlayo, taas oo wax weyn u tari doonta warbaahinta, gaar ahaan midda Soomaaliya.

shirka inta uu socdey waxaa dhacdey doorasho ku saabsaneyd madaxa ururka Warbaahinta Jaamacadda Carabta  iyo labadiisa ku xigeen, iyadoo madaxa ururka  ee sannadkaan loo doortay Mudane Maxamed Cawaash oo ka socday Dowladda aan walaalaha nahay ee Kuwait.

Mudane Maxamed Cawaash oo ka tirsan wasaaradda Warfaafinta Dalka Kuwait oo waraysi siiyay Telefishinka Qaranka Soomaaliya,  ayaa aad ugu mahad-naqay taageerada weyn ay siiyeen xubnihii ka socday Warbaahinta Soomaaliya, sidoo kalena sheegay in uu taageero u fidin doonno Warbaahnta Soomaaliya sidii ay noqdon lahayd mid awood badan oo dhan walba ka horumarsan.

Agaasimaha SNTV Naasir Xasan Xuseen oo Soomaaliya matalayey, ayaa sheegay in wax badan  ay ka faa’ideen shirka, isla markaana warbaahinta Soomaaliyeed loo muujiyey teegeero xooggan, waxa uu tilmaamay in iskaashiga warbaahinta Carabta uu ku dhisan yahay aqoon kororsi  iyo ka faa’ideysiga  nidaamka carsiga ah ee ay hadda ku shaqeeyaan warbaahinta caalamka.

“shirka inta uu socdey waxaa bar-bar socdey kulammo muhiim ah oo aan la qaatay agaasimeyaasha dhiggeyga ah ee ka socdey dalalka Carabta, kulammadaas, waxaan xoogga ku saaray in Warbaahinta Soomaaliya laga taageero dhinacyada aqoonta iyo Qalab, sida Telefishinka Qaranka iyo qeybaha kale ee warbaahinta dowladda, sidoo kale in la xoojiyo taageeridda kuwa gaar loo leeyahay, si Soomaalidu ay u hesho warbaahin ka saarta mugdiga, kana run sheegta horumarka dalkooda” ayuu yiri Naasir Xasan Xuseen agaasimaha SNTV.

Soomaaliya ayaa muddo sanado badan kaddib si toos ah u muujisay in ay dib ugu laabatay xubinnimadeedii Warbaahinta Jaamacadda Carabta oo faa’idooyin kala duwan leh, iyadoo sidoo kale Soomaaliya hey’adaheedu ay muujiyeen sida ay u koreen oo ay diyaarka ugu yihiin fulinta howlaha horumarinneed ee loo igmaday.

c c1 c2 c3 c4 c5 c6

Previous Post

Dhageyso Warka Habeen ee Radio Muqdisho

Next Post

Cudurka shuban biyoodka oo ka dilaacay degmada Jalalaqsi

Next Post
Maamulka degmada Jalalaqsi oo ku baaqay in laga caawiyo adeegyada caafimaadka

Cudurka shuban biyoodka oo ka dilaacay degmada Jalalaqsi

Shirka Golaha Wasiiradda oo lagu ansixiyay Xeerka Ciqaabta Soomaaliyeed.  

Shirka Golaha Wasiiradda oo lagu ansixiyay Xeerka Ciqaabta Soomaaliyeed.  

December 4, 2025
0

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, oo maanta yeeshay kulankoodii toddobaadlaha ahaa, ayaa ansixiyey shuruuc iyo heshiisyo muhiim u ah...

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo kulan kula yeeshay Zoomka deeq-bixiyaasha caalamka.

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo kulan kula yeeshay Zoomka deeq-bixiyaasha caalamka.

December 4, 2025
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka, Maxamuud Macalin Cabdulle, ayaa maanta kulan muhiim ah dhanka aaladda Zoomka kula yeeshay deeq-bixiyayaal ka...

Golaha Shacabka oo ansixiyay Heshiiska Aas-aasida Ciidanka Heeganka ee Bariga Afrika.

Golaha Shacabka oo ansixiyay Heshiiska Aas-aasida Ciidanka Heeganka ee Bariga Afrika.

December 4, 2025
0

Mudanayaasha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta xarunta Golaha ku ansixiyay Heshiiska Aas-aasida Ciidanka Heeganka Bariga Afrika...

Wasiirka Hawlaha Guud oo la kulmay Safiirka Midowga Yurub.

Wasiirka Hawlaha Guud oo la kulmay Safiirka Midowga Yurub.

December 4, 2025
0

Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud, DDib-u-Dhiska iyo Guriyeynta XFS, Mudane Xildhibaan Dr. Cilmi Maxamuud Nuur, ayaa kulan muhiim ah la yeeshay...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In