Sunday, December 21, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

RW Ku-Xigeenka dalka oo la kulmay dhigiisa dalka Urdun(SAWIRRO)

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
9 years ago
in Wararka
0
RW Ku-Xigeenka dalka oo la kulmay dhigiisa dalka Urdun(SAWIRRO)
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cumar Carteh ayaa la kulmay Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka ahna Wasiirka Maal-gashiga dalka Urdun Dr Jawaad Al Canani ayaga oo ka wada hadlay xiriirka labada dal, maal-gashiga, iyo sidii wax looga qaban lahaa fikirka xagjirnimada ee caalamka Islaamka ka jirta.

“Urdun waa dal xidhiidh walaaltinimo naga dhaxeyo oo waqtigan ay tahay in aan iska kaashano maal-gashiga, waxbarashada, iyo sidii dhalinyarada xirfado shaqo loogu abuuri lahaa”.

Related posts

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka oo ka qeyb-galay Munaasabadda Sanad-guuradii 82-aad ee Aasaaska Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka oo ka qeyb-galay Munaasabadda Sanad-guuradii 82-aad ee Aasaaska Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed

December 21, 2025
Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha oo bilaabay wejigii labaad ee ka jawaabista abaarta

Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha oo bilaabay wejigii labaad ee ka jawaabista abaarta

December 21, 2025

Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka dalka ayaa sidoo kale kala hadlay dhigiisa dalka Urdun sidii Soomaaliya ay uga faa’ideysan laheyd horumarka dhanka caafimaadka ee ay gaadhay dalka Urdun islamarkaana Soomaaliya ay u noqon karto albaab ay ka soo gasho Afrika.

“Soomaaliya waa dal saameyn weyn ku leh ganacsiga geeska Afrika oo ay cadeyn u tahay sida dadka Soomaaliyeed ay ganacsiyo guuleystay uga abuureen dalalka geeska Afrika, waa fursad muhiim u ah Urdun si ay geeska Africa u la yeelato xiriir ganacsi; dhanka kale waxa aan doneynaa in aad naga caawisaan sare u qaadida tayada caafimaadka dalka”.

Ugu dambeyn Mudane Maxamed Cumar Carteh ayaa sheegay in Soomaaliya ay safka hore uga jirto sidii Dowladaha Carabta iyo wadamada Afrika u dhexmari lahaa xiriir dhaqaale.

jordan

jor

Previous Post

Wafdi uu Hogaaminayo wasiir ku xigeenka qorshaynta Soomaaliya oo Garoowe Gaaray (Sawiro)

Next Post

Tartanka Kubada Koleyga Gabdhaha oo dhawaan ka Furmi doono Magaalada Garoowe.

Next Post
Tartanka Kubada Koleyga Gabdhaha oo dhawaan ka Furmi doono Magaalada Garoowe.

Tartanka Kubada Koleyga Gabdhaha oo dhawaan ka Furmi doono Magaalada Garoowe.

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka oo ka qeyb-galay Munaasabadda Sanad-guuradii 82-aad ee Aasaaska Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka oo ka qeyb-galay Munaasabadda Sanad-guuradii 82-aad ee Aasaaska Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed

December 21, 2025
0

RADIO MUQDISHO:-Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa ka qayb galay munaasabad isugu jirtay soo-dhaweyn iyo...

Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha oo bilaabay wejigii labaad ee ka jawaabista abaarta

Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha oo bilaabay wejigii labaad ee ka jawaabista abaarta

December 21, 2025
0

RADIO MUQDISHO:-Xoghayaha Joogtada ah ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha, Mudane Kamaal Daahir Guutaale, ayaa guddoomiyay shir muhiimaddiisu sarreyso oo lagaga arrinsanayay...

Ra’iisul Wasaare Xamse Oo Hambalyo U Diray Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed

Ra’iisul Wasaare Xamse Oo Hambalyo U Diray Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed

December 20, 2025
0

RADIO MUQDISHO:-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa hambalyo u diray Ciidanka Booliska Soomaaliyeed munaasabadda 82-guurada...

Wasaaradda Waxbarashada XFS Oo Hakad Gelisay Waxbarashada Gobolka Banaadir

Wasaaradda Waxbarashada XFS Oo Hakad Gelisay Waxbarashada Gobolka Banaadir

December 20, 2025
0

RADIO MUQDISHO:-Wasaaradda Waxbarashada,Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa ku wargelisay waalidiinta iyo bahda waxbarashada, in ay hakisay...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In