Sunday, March 22, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

RW Ku-Xigeenka dalka oo la kulmay dhigiisa dalka Urdun(SAWIRRO)

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
9 years ago
in Wararka
0
RW Ku-Xigeenka dalka oo la kulmay dhigiisa dalka Urdun(SAWIRRO)
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cumar Carteh ayaa la kulmay Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka ahna Wasiirka Maal-gashiga dalka Urdun Dr Jawaad Al Canani ayaga oo ka wada hadlay xiriirka labada dal, maal-gashiga, iyo sidii wax looga qaban lahaa fikirka xagjirnimada ee caalamka Islaamka ka jirta.

“Urdun waa dal xidhiidh walaaltinimo naga dhaxeyo oo waqtigan ay tahay in aan iska kaashano maal-gashiga, waxbarashada, iyo sidii dhalinyarada xirfado shaqo loogu abuuri lahaa”.

Related posts

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo la kulmay qaar kamid ah Odayaasha iyo Waxgaradka deegaannada Koonfur Galbeed

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo la kulmay qaar kamid ah Odayaasha iyo Waxgaradka deegaannada Koonfur Galbeed

March 22, 2026
Xiddigaha Xulka Qaranka Soomaaliya oo kulan ciyaareedka AFCON-2027 kaga qayb galaya Mozambique

Xiddigaha Xulka Qaranka Soomaaliya oo kulan ciyaareedka AFCON-2027 kaga qayb galaya Mozambique

March 22, 2026

Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka dalka ayaa sidoo kale kala hadlay dhigiisa dalka Urdun sidii Soomaaliya ay uga faa’ideysan laheyd horumarka dhanka caafimaadka ee ay gaadhay dalka Urdun islamarkaana Soomaaliya ay u noqon karto albaab ay ka soo gasho Afrika.

“Soomaaliya waa dal saameyn weyn ku leh ganacsiga geeska Afrika oo ay cadeyn u tahay sida dadka Soomaaliyeed ay ganacsiyo guuleystay uga abuureen dalalka geeska Afrika, waa fursad muhiim u ah Urdun si ay geeska Africa u la yeelato xiriir ganacsi; dhanka kale waxa aan doneynaa in aad naga caawisaan sare u qaadida tayada caafimaadka dalka”.

Ugu dambeyn Mudane Maxamed Cumar Carteh ayaa sheegay in Soomaaliya ay safka hore uga jirto sidii Dowladaha Carabta iyo wadamada Afrika u dhexmari lahaa xiriir dhaqaale.

jordan

jor

Previous Post

Wafdi uu Hogaaminayo wasiir ku xigeenka qorshaynta Soomaaliya oo Garoowe Gaaray (Sawiro)

Next Post

Tartanka Kubada Koleyga Gabdhaha oo dhawaan ka Furmi doono Magaalada Garoowe.

Next Post
Tartanka Kubada Koleyga Gabdhaha oo dhawaan ka Furmi doono Magaalada Garoowe.

Tartanka Kubada Koleyga Gabdhaha oo dhawaan ka Furmi doono Magaalada Garoowe.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo la kulmay qaar kamid ah Odayaasha iyo Waxgaradka deegaannada Koonfur Galbeed

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo la kulmay qaar kamid ah Odayaasha iyo Waxgaradka deegaannada Koonfur Galbeed

March 22, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa kulan la qaatay odayaasha...

Xiddigaha Xulka Qaranka Soomaaliya oo kulan ciyaareedka AFCON-2027 kaga qayb galaya Mozambique

Xiddigaha Xulka Qaranka Soomaaliya oo kulan ciyaareedka AFCON-2027 kaga qayb galaya Mozambique

March 22, 2026
0

RADIO MUQDISHO(Mozumbique):-Xiddigaha Xulka Qaranka Soomaaliya ee kubadda Cagta ayaa ka ambabaxay garoonka diyaaradaha ee Aaden Cadde International Airport, iyagoo ka...

Safiirkii ugu horreeyay ee Soomaaliya u fadhin doona dalka Finland oo warqadihii aqoonsiga laga guddoomay

Safiirkii ugu horreeyay ee Soomaaliya u fadhin doona dalka Finland oo warqadihii aqoonsiga laga guddoomay

March 21, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Sweden, Cabdikarin Axmed Maxamed, ayaa toddobaadkan waraaqihiisa aqoonsiga u gudbiyay Madaxweynaha Finland, Alexander Stubb....

Federal Government of Somalia’s Weekly Briefing

Federal Government of Somalia’s Weekly Briefing

March 21, 2026
0

RADIO MUQDISHO:- Federal Government of Somalia’s Weekly Briefing Mogadishu, Friday, 20th March, 2026 Read here..... 1- President Hassan Sheikh Mohamud...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In