Sunday, April 12, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Daawo Sawirrada: Tartanka Kubadda Koleyga Gabdhaha oo ka furmay Garawe

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
9 years ago
in Wararka
0
Daawo Sawirrada: Tartanka Kubadda Koleyga Gabdhaha oo ka furmay Garawe
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Tartanka Ciyaarta Kubbada Koleyga Gabdhaha ee Maamul Gobaleedyada Dalka Soomaaliya ayaa Shalay galab ka furmay Magaalada Garawe ee Gobolka Nugaal.
Furitaankii Tartankaasi oo ay goob Joog ka ahaayeen Madax ka socotay Xirirka Kubbada Cagta iyo tan Koleyga Somaaliyeed ,Masuuliyiin ka tirsan Maamulka Puntland ,Maamulka gobalka Nugaal iyo khabiiro dhanka ciyaaraha ah.

Agaasimaah guud ee dhallinyarada iyo Ciyaaraha Puntland Axmed Cabdalla Tigana ayaa sheegay in wax lagu farxo ay tahay in 26 sano kadib dibloo bilaabo Ciyaaraha Kubadda Koleyga gaar ahaan gabdhaha Soomaaliyeed, isagoo xusayna in haweenku door muhiim ah kaga jiraan Bulshada Soomaaliyeed loona baahan yahay inay ka qeyb qaatan horumarka Ciyaaraha.

Related posts

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo shir guddoomiyay kulanka aan caadiga ahayn ee Guddiga Joogtada

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo shir guddoomiyay kulanka aan caadiga ahayn ee Guddiga Joogtada

April 12, 2026
Madaxweyne Xasan Sheekh oo dhagax dhigay dhismaha xarunta hay’adda daryeelka agoonta Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed

Madaxweyne Xasan Sheekh oo dhagax dhigay dhismaha xarunta hay’adda daryeelka agoonta Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed

April 12, 2026

Ilhaan Cumar oo ah xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Wadanka Maraykanka ahna Gabar Soomaaliyeed oo iyana furitaanka Ciyaarahaaasi ka hadashay ayaa farxad ku tilmaantay furitaanka tartankaasi, waxayna rajo wanagsana ka muujisay inay ka soo bixi doonto hal koox oo Saamaali oo idil matali karta, iyadoo u mahad celisay marti galinta tartankaasi ee Puntland.

Guddoomiyaha Gobalka Nugaal Cumar C/alaahi farawayne ayaa Bogaadiyay qabsoomida ciyaaraha Kubbada Koleyga Gabdhaha Soomaaliyeed si cadna u sheegay in haweenku ka soo muuqanayaan siyaasada dalka iyo ka qayb qaadashada arrimaaha Bulshada oo ay ugu horreyso ka shaqaynta nabadgalyada.

Wariayaha Warbaahinta Qaranka Yuusuf Maxamed Maxamuud ayaa sheegaya in Ciyaarahaasi ay ka qeybgalayaan kooxo kala matalayay Maamul-gobaleedyada Soomaaliya, ayaa ciyaartii koowaad ay dhexmartay kooxaha Puntland iyo kooxda Bilan,gabagabadiina ay guushu racday Kooxdii ku ciyaaraysay Magaca Puntland, halka ciyaartii labaadna ay isga hor yimaadeen Kooxaha ku ciyaarayay Gobolka Banadir iyo Hirshabeelle, waxayna guusha xalay la dheelmaday Gabdhaha Gobolka Banaadir.

gab1 gab-1 gab3 gab-640x360 kolayga-1 wo1 wo-1 wo2 wo3 wo4

Previous Post

Dhageyso warka subax ee Radio Muqdisho

Next Post

Barnaamijka kulanka todobaadka oo lagu falanqeeyay dhibaatooyinka Shabaab

Next Post
Horjooge Wacyi Galinta Beenta ah Shabaab U qaabilsanaa oo Dowladda isku Soo Dhiibay Maanta +Dhageyso

Barnaamijka kulanka todobaadka oo lagu falanqeeyay dhibaatooyinka Shabaab

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo shir guddoomiyay kulanka aan caadiga ahayn ee Guddiga Joogtada

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo shir guddoomiyay kulanka aan caadiga ahayn ee Guddiga Joogtada

April 12, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), ayaa shir guddoomiyey kulan ay...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo dhagax dhigay dhismaha xarunta hay’adda daryeelka agoonta Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed

Madaxweyne Xasan Sheekh oo dhagax dhigay dhismaha xarunta hay’adda daryeelka agoonta Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed

April 12, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ahna Taliyaha Guud ee Ciidamada Qalabka Sida, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, oo ay wehliyaan Wasiirka...

SAWIRRO:-Munaasabadda Sanad Guurada Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed

SAWIRRO:-Munaasabadda Sanad Guurada Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed

April 12, 2026
0

RADIO MUQDISHO:- Sawirro: Waxaa si habsami leh u socota munaasabadda xuska sanad-guurada 66-aad ee aasaaska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, taas...

Madaxweynaha JFS oo ka qaybgalay munaasabadda sanad guurada 12-ka April ee CXDS

Madaxweynaha JFS oo ka qaybgalay munaasabadda sanad guurada 12-ka April ee CXDS

April 12, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Madaxweynaha JFS, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa Wasaaradda Gaashaandhigga kaga qeyb galay xuska 66-aad ee sanad-guurada kasoo wareegtay aasaaska...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In