Tuesday, December 23, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Ethiopia: Biyaha wabiga Nile waa loo sinaanaa

caqiil by caqiil
9 years ago
in Wararka
0
Ethiopia: Biyaha wabiga Nile waa loo sinaanaa
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiirka arimaha dalka Ethiopia, Workneh Gebeyehu , ayaa mar kale ku celiyay in dalkiisa ay ka go’an tahay in uusan wax yeeleynin xuquuqda ay ku leeyihiin dalalka uu maro wabiga aduunka ugu dheer ee Nile, isagoo ku baaqay in la wadaago isticmaalka biyaha wabiga.

Wasiirka oo hadalkan ka sheegay shir jaraa’id, ayaa hoosta ka xariiqay in wadankiisa uu diyaar u yahay in uu xoojiyo xiriirka uu la leeyahay dalalka uu wabiga maro si loo gaaro heshiis ku dhisan danaha dalalkaas.

Related posts

Xildhibaanada labada Aqal ee oo ansixiyay Miisaaniyadda Qaranka ee sanadka 2026

Xildhibaanada labada Aqal ee oo ansixiyay Miisaaniyadda Qaranka ee sanadka 2026

December 23, 2025
Ciidanka Xoogga Dalka oo Howlgal Qorsheysan ka Fuliyay Gobolka Shabeellaha Hoose

Ciidanka Xoogga Dalka oo Howlgal Qorsheysan ka Fuliyay Gobolka Shabeellaha Hoose

December 23, 2025

Bishii, Maarso ee sanadkii 2015, waxaa heshiis magaalada Khartoum ee dalka Suudaan ku gaaray dalalka Suudaan, Masar iyo Ethiopia, kaas oo daba socday markii dowladda Ethiopia ay dib u cusbooneysiisay dhismaha biyo xireenka, ayagoo isku waafaqay in la alkumo guddi isku dhaf ah oo qiimeyn ku sameeya si loo wadaagayo biyaha wabiga Nile.

Biyo xireenka Ethiopia ay ka sameysay wabiga Nile ayaa xukuumadda Qaahira ka carootay, ayadoo u arkeysa in waxyeelo soo gaarayso saamiga ay ku leedahay biyaha wabiga kaas oo gaaraya 55.5 billion oo miter cubic sanadkii.

Dowlada Ethiopia, ayaa sidoo kale ku celisay in biyo xireenka uusan wax saameyn ah ku yeelaneynin saamiga biyaha ay ku leeyihiin dowladaha Suudaan iyo Masar.

Mashruuca dowladda Ethiopia ay ku dhisayso biyo xireenka qaaradda Afrika ugu weyn ayaa ah mid ay ugu gol leedahay in ay ka dhaliso korantada, waxaana uu ku fadhiyaa dhul baaxadiisa dhan tahay  1,800 KM oo labo jibaaran. Iyadoo ay ku bixi doonto qiimo gaaraya 4.7 billion oo doolarka Amerikaanka ah.

 

Previous Post

Maamulka Gobolka Banaadir oo soo saaray war saxaafadeed ay uga hadlayaan Dhismaha Aqalka Sare.

Next Post

Tababar ku saabsan tayeynta garsoorayaasha oo ka furmay Muqdisho-Sawiro

Next Post
Tababar ku saabsan tayeynta garsoorayaasha oo ka furmay Muqdisho-Sawiro

Tababar ku saabsan tayeynta garsoorayaasha oo ka furmay Muqdisho-Sawiro

Xildhibaanada labada Aqal ee oo ansixiyay Miisaaniyadda Qaranka ee sanadka 2026

Xildhibaanada labada Aqal ee oo ansixiyay Miisaaniyadda Qaranka ee sanadka 2026

December 23, 2025
0

Xildhibaanada labada Aqal ee Baarlamaanka Faderaalka Soomaaliya oo maanta kulan wadajir ah yeeshay ayaa ansixiyey Miisaaniyadda Qaranka ee sanadka 2026,...

Ciidanka Xoogga Dalka oo Howlgal Qorsheysan ka Fuliyay Gobolka Shabeellaha Hoose

Ciidanka Xoogga Dalka oo Howlgal Qorsheysan ka Fuliyay Gobolka Shabeellaha Hoose

December 23, 2025
0

Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed oo kaashanayey kuwa Sirdoonka Qaranka iyo dadka deegaanka ayaa howlgal qorsheeysan oo lagu naafeynayey khawaariijta ka...

Wasiirka Deegaanka oo kormeer ku tagay deegaanno iyo degmooyin ka tirsan Galmudug

Wasiirka Deegaanka oo kormeer ku tagay deegaanno iyo degmooyin ka tirsan Galmudug

December 23, 2025
0

Wasiirka Deegaanka iyo Isbeddelka Cimillada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Bashiir Maxamed Jaamac, ayaa kormeer shaqo ku tagay deegaanno iyo degmooyin...

Booliiska Gobolka Banaadir oo xiray Askar ‘si sharci darro ah’ hub ugu dhex watay Muqdisho

Booliiska Gobolka Banaadir oo xiray Askar ‘si sharci darro ah’ hub ugu dhex watay Muqdisho

December 23, 2025
0

Taliska Booliiska Gobolka Banaadir ayaa soo bandhigay 11 askari oo lagu eedeeyay inay si sharci-darro ah hub ugu dhex wateen...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In