Sunday, July 19, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Horumarinta Qorshaha Qaranka ee Xanaanada Xoolaha Soomaaliya oo laga hadlayo “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
10 years ago
in Wararka
0
Horumarinta Qorshaha Qaranka ee Xanaanada Xoolaha Soomaaliya oo laga hadlayo “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasaaradda Xanaanada Xoolaha, Dhirta iyo daaqa ee Dowladda Federaalka Soomaaliya oo kaashaneysa Hay’adda cunada iyo beeraha u qaabilsan Qaramada Midoobay ee FAO ayaa soo qaban qaabisay shir looga hadlayay horumarinta qorshaha Qaranka ee Xanaanada xoolaha Soomaaliya ee seddaxda sano ee soo socota oo ay ka qeyb galeen Wasaaradaha xanaanada xoolaha ee Dowlad Goboleedyada iyo sidoo kale qubaro dhinaca xanaanada xoolaha ah.

Shirkan ayaa waxa uu daba socdaa laba shir oo bartamihii sanadkan ka dhacay magaaladda Muqdisho, kuwaasoo Wasaaradda Xanaanada Xoolaha ,Dhirta iyo daaqa ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya iyo Wasaaradaha xanaanada xoolaha ee Dowlad Goboleedyada ay uga hadleen sidii ay u wada shaqeyn lahaayeen Dowladda Dhexe iyo dowlad goboleedyada iyo in si wadajir ah looga wada shaqeeyo qorshaha xanaanada xoolaha Soomaaliya ee seddaxda sano ee soo socota,waxaana shirka maanta furitaankiisa goob joog ahaa Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya.

Related posts

Madaxweynaha Shiinaha oo ku baaqay in Sirdoonka Macmalka ah (AI) loo adeegsado horumarka aadanaha

Madaxweynaha Shiinaha oo ku baaqay in Sirdoonka Macmalka ah (AI) loo adeegsado horumarka aadanaha

July 19, 2026
Wasaaradda Warfaafinta XFS oo ka tacsiyadaysay geerida marxuum Xasan Bile

Wasaaradda Warfaafinta XFS oo ka tacsiyadaysay geerida marxuum Xasan Bile

July 19, 2026

Wakiilada ka socda Dowlad Goboleedyada ee shirka joogay ayaa ka hadlay muhiimada shirkan uu yahay iyo sidoo kale sida Wasaarada Xanaanada Xoolaha ee dowlada dhexe iyo kuwa maamul goboleedyada ay uga wada shaqeyn karaan horumarinta xanaanada xoolaha soomaaliya.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Xanaanadda Xoolaha ,dhirta iyo daaqa ee Dowladda Soomaaliya Maxamed Cumar oo shirka furay ayaa ka hadlay muhiimada shirkan uu leeyahay oo uu tilmaamay in ay ka soo bixi doonaan hanaan Qaran oo ku aadan qorshaha lagu horumarin karo Xanaananda Xoolaha dalka.

Xildhibaan Cabdinaasir Siciid Muuse iyo Xildhibaan Sadiiq Warfaa oo labadaba  ka tirsan Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya ayaa ku amaanay Wasaaradda Xanaanada Xoolaha ee dowlada dhexe iyo kuwa maamul goboleedyada sida ay uga go’antahay ka mira dhalinta qorshaha horumarinta Xanaanada Xoolaha.

Wasiirka Xanaanada Xoolaha Dhirta iyo Daaqa ee Dowladda Federaalka Soomaaliya Saciid Xsueen Ciid ayaa tilmaamay in qodobada ka soo baxa shirka ay noqon doonaan kuwa horseeda horumarinta Xanaanada Xoolaha, lana dhaqan gelin doono.

Shirkan oo socon doona mudo laba cisha ah ayaa lagu sii amba qaadi doonaa qodobo dhowr ah oo ka soo baxay shirarki horey loogu qabtay Muqdisho,  waxaana ka qeyb galayaasha ay ka hadli doonaan horumarinta qorshaha Qaranka ee Xanaanada xoolaha Soomaaliya.

 vlcsnap-2016-12-28-14h20m02s45 vlcsnap-2016-12-28-14h20m13s145 vlcsnap-2016-12-28-14h20m31s82 vlcsnap-2016-12-28-14h20m51s7

Previous Post

Marwada Madaxweynaha Dalka Marwo Qamar oo kulan casho sharaf ah u sameysay gabdhaha Kubadda Kolleyga ee G/Banaadir

Next Post

Kulan loogu magac daray Walaaleynta Jaaliyada Soomaaliyeed ee South Africa ayaa Lagu qabtay Magaalada Johannesburg.

Next Post
Kulan loogu magac daray Walaaleynta Jaaliyada Soomaaliyeed ee South Africa ayaa Lagu qabtay Magaalada Johannesburg.

Kulan loogu magac daray Walaaleynta Jaaliyada Soomaaliyeed ee South Africa ayaa Lagu qabtay Magaalada Johannesburg.

Madaxweynaha Shiinaha oo ku baaqay in Sirdoonka Macmalka ah (AI) loo adeegsado horumarka aadanaha

Madaxweynaha Shiinaha oo ku baaqay in Sirdoonka Macmalka ah (AI) loo adeegsado horumarka aadanaha

July 19, 2026
0

Beijing/Shanghai – 17 Luulyo 2026 Madaxweynaha Jamhuuriyadda Shacbiga Shiinaha, Xi Jinping, ayaa ku baaqay in dunidu ka faa’iidaysato fursadaha uu...

Wasaaradda Warfaafinta XFS oo ka tacsiyadaysay geerida marxuum Xasan Bile

Wasaaradda Warfaafinta XFS oo ka tacsiyadaysay geerida marxuum Xasan Bile

July 19, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdulfitaax Qaasim Maxamuud, Wasiir Ku-Xigeenka Wasaaradda, Mudane Cabdiraxmaan Yuusuf...

Taliska Qeybta 27-aad ee CXDS oo digniin adag u diray dadka la shaqeeya Khawaarijta ee Gobolka Hiiraan

Taliska Qeybta 27-aad ee CXDS oo digniin adag u diray dadka la shaqeeya Khawaarijta ee Gobolka Hiiraan

July 19, 2026
0

RADIO MUQDISHO(HIIRAAN):-Cornel Cali Axmed Xaashi (Cali Cagey), Taliyaha Qeybta 27-aad ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, ayaa digniin adag u diray...

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐡𝐚 𝐨𝐨 𝐌𝐚𝐠𝐚𝐜𝐚𝐚𝐛𝐚𝐲 𝐆𝐮𝐝𝐝𝐢𝐠𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧 𝐞𝐞 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐭𝐚 𝐗𝐢𝐫𝐟𝐚𝐝𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐒𝐡𝐚𝐪𝐨-𝐚𝐛𝐮𝐮𝐫𝐤𝐚

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐡𝐚 𝐨𝐨 𝐌𝐚𝐠𝐚𝐜𝐚𝐚𝐛𝐚𝐲 𝐆𝐮𝐝𝐝𝐢𝐠𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧 𝐞𝐞 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐭𝐚 𝐗𝐢𝐫𝐟𝐚𝐝𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐒𝐡𝐚𝐪𝐨-𝐚𝐛𝐮𝐮𝐫𝐤𝐚

July 18, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa magacaabay Guddi heerkiisu sarreeyo oo qaabilsan horumarinta xirfadaha iyo...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In