Wednesday, July 16, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Marwada Madaxweynaha Dalka Marwo Qamar oo kulan casho sharaf ah u sameysay gabdhaha Kubadda Kolleyga ee G/Banaadir

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
December 28, 2016
in Wararka
0
Marwada Madaxweynaha Dalka Marwo Qamar oo kulan casho sharaf ah u sameysay gabdhaha Kubadda Kolleyga ee G/Banaadir
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Qamar

Kulankaan casho sharafta ah oo ay soo agaasintay Marwada Madaxweynaha Dalka Marwo Qamar Cali Cumar ayaa lagu dhiiragalinayay tartankii Gabdhaha Kubadda Kolleyga Maamul goboleedyada ee lagu soo gabagabeeyay magaalada Garoowe.

Related posts

Danjire Yuusuf Jeego oo kulan mira-dhal ah la qaatay Wasiirka Tacliinta Sare ee Algeria

Danjire Yuusuf Jeego oo kulan mira-dhal ah la qaatay Wasiirka Tacliinta Sare ee Algeria

July 15, 2025
Shir muhiim ah oo ka dhacay Laascaanood

Shir muhiim ah oo ka dhacay Laascaanood

July 15, 2025

Casho sharafta waxaa ka qeybgalay Ururka Haweenka Qaranka, Kooxaha kubadda Kolleyga Maamul goboleedyada,  Xildhibaanno ka tirsan Golaha shacabka, iyo Aqalka sare ee baarlamaanka, iyo marti sharaf kale.

Guddoomiyaha Ururka Haweenka Batuulo Sheekh Axmed Gabale ayaa gabdhaha Kubadda Kolleyga u gudbisay fariin dhiiragelin oo ay uga siday Marwada Madaxweynaha.

“Waxaan halkaan idingugu soo gudbinayaa hambalyada Marwo Qamar Cali Cumar, waxa ay idinku dhiiragalineysaa horumarinta Isboortiga iyo in aad soo celisaan magaca Soomaaliya”ayay tiri Batuulo.

Sucaad Cabdullahi oo  ka mid ahayd qaban qaabiyaashii tartankaan ayaa sharaxday sida ay ku timid qabsoomida tartanka Kubadda Kolleyga Gabdhaha ee gobolka Benaadir.

“Waxaan ahaa maskaxii ka dambeysay barnaamijkaan, waxaan sameeyay marka aan arkay sida Gabdhaha ay u jecel yihiin isboortiga iyo sida ay ugu baahan yihiin caawin” ayay tiri Sucaad.

Xildhibaan Naciima Ibraahim Yuusuf oo ka tirsan aqalka sare ee Barlamanka Federaalka ayaa bogaadisay in saaxadda cayaaraha ay kusoo laabtaan Gabdhaha iyo in  la horumariyo isboortiga heerarkiisa kala duwan.

“Waan dhiiragalinayaa in mar kale saaxadda isboortiga lagu arko gabdhaha sidaasi awgeed waxaan ku baaqayaa in la horumariyo”ayay tiri Xildhibaan Naciima.

Gabdhaha Kubadda Kolleyga gobolka Banaadir ayaa ku guuleystay Koobka Cayaarihii Gabdhaha Kubadda Kolleyga Maamul goboleedyada ee lagu qabtay magaalada Garoowe, iyaga oo ka qaaday Kooxdii ka socotay Hirshabeelle.

 

 

Previous Post

Wafdi uu hogaaminayo Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka oo lagu soo dhaweeyay dalka Kuwait “SAWIRRO”

Next Post

Horumarinta Qorshaha Qaranka ee Xanaanada Xoolaha Soomaaliya oo laga hadlayo “SAWIRRO”

Next Post
Horumarinta Qorshaha Qaranka ee Xanaanada Xoolaha Soomaaliya oo laga hadlayo “SAWIRRO”

Horumarinta Qorshaha Qaranka ee Xanaanada Xoolaha Soomaaliya oo laga hadlayo "SAWIRRO"

Danjire Yuusuf Jeego oo kulan mira-dhal ah la qaatay Wasiirka Tacliinta Sare ee Algeria

Danjire Yuusuf Jeego oo kulan mira-dhal ah la qaatay Wasiirka Tacliinta Sare ee Algeria

July 15, 2025
0

Danjiraha Dowladda Federaalka ee Soomaaliya u fadhiya Dalka Algeria Danjire Yuusuf Axmed Xasan (Yuusuf Jeego) ayaa maanta Kulan muhiim ah...

Shir muhiim ah oo ka dhacay Laascaanood

Shir muhiim ah oo ka dhacay Laascaanood

July 15, 2025
0

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka Iyo Dib-u-heshiisiinta XFS Cali Yuusuf Cali-Xoosh, Guddoomiye Ku Xigeenka Labaad ee Aqalka Sare Senator C/laahi...

Guddiga Amniga ee Aqalka Sare oo tababar u furay howlwadeennada Hay’adaha Amniga

Guddiga Amniga ee Aqalka Sare oo tababar u furay howlwadeennada Hay’adaha Amniga

July 15, 2025
0

Guddiga Amniga iyo Difaaca Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa soo qabanqaabiyay tababar loogu talagalay xoojinta fahamka guud...

Xuska afgembigii dhicisoobay ee Turkiga oo lagu qabtay Muqdisho

Xuska afgembigii dhicisoobay ee Turkiga oo lagu qabtay Muqdisho

July 15, 2025
0

Wasiirka Amniga Gudaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, Jeneraal Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag), Wasiirka Gaashaandhigga Mudane Axmed Macallin Fiqi, Taliyaha Ciidanka...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In