Taliyaha Ciidamada Booliska Puntland Jen. Erag ayaa kormeekiisa Gobalka Mudug ka bilaabay Taliska qaybta Booliska Gobalka Mudug oo u Warbixin kaga dhagaystay Taliyaha Qaybta Booliska G/dhexe C/waaxid Aw-doon oo tilmaamay in Ciidamada Gobalka si weyn uga shaqeeyan Ilaainta Mandiqada iyo sugida Amniga.
Sidoo kale,Taliyaha Ciidamada Booliska Puntland Jen. C/qaadir Shire Faarax (Erag) ayaa inta uu ku sugnaa Gaalkacyo kormeeray Saldhigyada Warshad-galayda, kan dhexe, Xarunta danbi baarista,Saldhiga Miir,Xarunta Ciidamada SPU,kantaroolka Bari,kan koonfureed,Laamaha ilaalada Cashuuradda, Wadooyinka, iyo Xarumo kale oo dhamaantood Ciidamadii jooogay u tirokoobid ku sameeyay.
Taliyaha Ciidamada Booliska Puntland Jen. C/qaadir Shire Faarax (Erag) ayaa Dhamaan Ciidamadii uu ugu taagay Saldhigyada iyo rugahooda Booliska u sheegay in kormeerkiisan uu yahay uu kuurgalida tayada iyo tiradda Ciidamada Booliska, isfahansiinta Ciidamada Booliska iyo shacabka ,wuxuuna intaas ku daray inay Boolisku yihiin u Adeegyaasha Bulshada.isagoona xusay in Sirta shacabka ay boolisku xifdiyaan.
Dhinace kale,Taliyaha Ciidamda Booliska Puntland Jen.Erag ayaa Kulamo gaar ah la qaatey inta ku suganaa Gobalka Mudug,Maamulka Degmada Gaalkacyo,kan Gobalka Mudug,Saraakiishii hore ee Ciidamada Booliska Soomaaliya ee Howlgabka ah iyo Qaybaha kala duwan ee Bulshada,kuwaaso uu kala hadlay Xoojinta Amaanka Magaalada Gaalkacyo iyo in si wadajir ah loga qayb qaato.
Waxaana intaas kadib Taliyaha Ciidamada Booliksa Puntland Jen.Erag u gaaray Degmada Galdogob oo ay ku so dhaweeyen Gudoomiyaha Degmada Galdogob Xassan ( Ayaxle),Taliya qaybta Booliska Degmada Galdogob iyo Mas’uuliyiin kale,kuwaaso tirakoobada Ciidamada kadib u taliyuhu u sheegay in shacabku Degmooyinku yihiin indhihii,Gacmihii iyo Laguhii ay boolisku ku howl-galilahaayen,sidaas daraadeedna lo baahan-yahay in la xoojiyo Xiriirka Bulshada Booliska Puntland.
Ugu Danbaytii Taliyaha Ciidamada Booliska Puntland Jen Erag ayaa gaarey Deegano ka mid ah Degmooyinka Saax,Tawfiiq iyo Xarfo,isagoona kormeerka iyo tirakoobida Ciidamada Booliska Gobalka Mudug ku so gabo gabeeyay Degmada Jariiban oo ka tagay Deegaanada Gacna-fale,Gobshe,Ceel bardaale,guuca,Mareer,Bali-busle iyo Deegaanka Garacad oo dhaantood booliska jooga u tirkoobid ku sameeyay.
si’kastaba ha ahaate Taliyaha Ciidamada Booliska Puntland ayaa Dhawaan Bilaabi-doona Wajigii labaad ee Tirakoobada Ciidamada Booliska Puntland,waxaana hadda uu so dhameeyay Goballada Mudug,Nugaal,Sool,Karkaar iyo Qaar ka mid ah Gobalka Bari ee Puntland.