Thursday, October 22, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Galmudug iyo Puntland oo heshiis ay goob-joog ka ahaayeen Madaxda D.F. S iyo Q.M Muqdisho ku gaaray “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
10 years ago
in Wararka
0
Galmudug iyo Puntland oo heshiis ay goob-joog ka ahaayeen Madaxda D.F. S iyo Q.M Muqdisho ku gaaray “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

IB0A6392Dowlad gobolleedyada Puntland iyo Galmudug, ayaa heshiis saddex qodob ah ka gaaray colaadda ka taagan magaalada Gaalkacyo kaddib kulan ka dhacay magaalada Muqdisho.

Shirka lagu soo gabo-gabeenayey colaadda magaalada Gaalkacyo oo soo laalaabatay muddooyinkii u dambeeyey, waxaa marti-galiyey madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, waxa uu ka dhacay madaxtooyada.

Related posts

Ra’iisal wasaare Xamse oo u hambalyeeyey hoggaanka cusub ee Galmudug

Ra’iisal wasaare Xamse oo u hambalyeeyey hoggaanka cusub ee Galmudug

October 22, 2026
MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO HAMBALYO U DIRAY HOGGAANKA CUSUB EE GALMUDUG

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO HAMBALYO U DIRAY HOGGAANKA CUSUB EE GALMUDUG

October 22, 2026

shirka waxaa joob-joogeyaal ka ahaa Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya iyo Wakiilka Q.M u fadhiya Soomaaliya Michael Keating.

Madaxweyneyaasha dowlad gobolleedyadaasi Puntland iyo Galmudug, madaxda D.FS iyo Wakiil Q.M ayaa shir saxaafadeed qabtay shirka kaddib.

Madaxweynaha dowlad gobolleedka Puntland Cabdiweli Maxamed Cali (Gaas), ayaa fursad weyn ku tilmaamay kulanka lagu soo afjarayey colaadda Gaalkacyo, waxa uu sheegay in saddex qodob lagu heshiisyey oo ah in isu socodka magaalada dib loo soo celiyo, in ciidammo Boliis isku dhaf ah la geeyo iyo in Bisha Feberaayo kulan kale la isugu yimaado si looga hadlayo waxyaabaha ka dhaqan-galay qodobbada lagu heshiiyey.

Madaxweynaha dowlad  gobolleedka Galmudug, C/kariim Xuseen Guuleed, ayaa  guul weyn ku tilmaamay in ciidammada la kala qaado, laguna dedaallo sidii looga wada qeyb-qaadan lahaa dhaqangelinta heshiiska saddexda qodob ah.

Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Mudane Cumar C/rashiid Cali Sharma’arke, ayaa sheegay in uu rajeynayo in aysan dib u soo laaban colaadda magaalada Gaalkacyo oo hab amni iyo mid siyaasadeedba lagu xalinayo.

Wakiilka Q.M u fadhiya Soomaaliya Michael Cheating, ayaa sheegay in Q.M ay go’an tahay in ay taageerto heshiiskaan colaadda lagu daminayo, shacabka labada dowlad goboleedna uu ugu baaqayo in ay u istaagaan dhaqangelinta nabadda Gaalkacyo.

Ugu dambeyntii Madaxweynaha J. Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in sannadkaan cusub ee 2017-ka uu ku bilowdey maalin nabaddeed, waxa uu tilmaamay in Gaalkacyo ay Istaraatiiji u yahay dhaqaalaha Soomaaliya, muhiimna ay tahay in loo wada istaago in la  fuliyo heshiiska hadda la wada gaaray.

Heshiiskaan saddex qodob ah ee Colaadda Gaalkacyo lagu soo afjarayo ayaa haddii uu dhaqangalo bisha labaad ee sannadkaan  waxaa dhici doona kulan kale oo lagu eegayo waxyaabaha ka hirgalay iyo sidii loo sii wadi lahaa nabadda iyo xasiloonida magaalada gaalkacyo.

IB0A6303 IB0A6312 IB0A6392

 

 

Previous Post

Guddoomiye cusub oo loo magacaabay Degmada Hiliwaa

Next Post

Guddiga qaban qaabada doorashadda Guddoonka Baarlamanka oo la magacaabay

Next Post
Dhageyso: Barnaamijka kulanka Todobaadka oo looga hadlay qorshaha baarlamaanka cusub horyaalla

Guddiga qaban qaabada doorashadda Guddoonka Baarlamanka oo la magacaabay

Ra’iisal wasaare Xamse oo u hambalyeeyey hoggaanka cusub ee Galmudug

Ra’iisal wasaare Xamse oo u hambalyeeyey hoggaanka cusub ee Galmudug

October 22, 2026
0

Ra'iisal wasaaraha xukuumadda FS ayaa hambalyo u diray hoggaamiyaha iyo Hoggaamiye Ku-xigeenka Dowlad-goboleedka Galmudug Mudane Liibaan Axmed Xasan iyo Abdiwali...

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO HAMBALYO U DIRAY HOGGAANKA CUSUB EE GALMUDUG

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO HAMBALYO U DIRAY HOGGAANKA CUSUB EE GALMUDUG

October 22, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa hambalyo u diray Hoggaamiyaha cusub ee Dowlad Goboleedka Galmudug, Mudane Liibaan...

Wakiilada Baarlamaanka Galmudug oo doortay hoggaanka cusub ee maamulkaasi

Wakiilada Baarlamaanka Galmudug oo doortay hoggaanka cusub ee maamulkaasi

October 22, 2026
0

Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Galmudug Mudane Xuseen Maxamed Nuur ayaa maanta ku dhawaaqay natiijadii doorashada Galmudug oo uu ku guuleystay Mudane...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo la kulmay guddi isu xil-saaray nabadaynta Koofur Galbeed

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo la kulmay guddi isu xil-saaray nabadaynta Koofur Galbeed

October 21, 2026
0

Guddoomiyaha Shacabka Shacabka ee Baarlamaanka Dalka ayaa guddiga ka dhageystay talooyin wax-ku-ool ah iyo aragtiyo muhiim ah oo ku saabsan...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In