Xaflad lagu soo dhaweynayay Taliyaha Ciidamada difaaca dalka Uganda General katumba Wamala oo Maalmahan booqasho ku joogay Somaaliya ayaa lagu qabtay Magaalada Muqdisho,iyadoo ay ka soo qeyb galeen Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed oo ay wehilnayeen Abaanduulaha Ciidanka xoogga dalka, saraakiil kale ,Wakiilka Qm u qaabilsan Somaaliya iyo saraakiil katirsan Howlaglka AMISOM.
Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed Sareeyo Gaas Maxamed Aadan Axmed oo ugu horeyn xafladda ka hadlay ayaa u mahadceliyay Dowladda Uganda oo ah Dowladda ay ka Socdaan Ciidanka ugu badan ee AMISOM, isagoona sheegay in Ciidanka Uganda ay u taagan yihiin inay ka qeyb qaataan xasilinta dalka.
Taliyaha Ciidamada Difaaca dalka Uganda General Katumba Wamala ayaa sheegay in Dowladda Uganda ay marwaliba taageereyso sidii Ciidanka qalabka sida ee Soomaaliya ay u Gaari lahaayeen isku filnaasho loogana maarmo joogitaanka Ciidanka AMISOM.
“AMISOM maaha xalka guud ee Soomaaliya balse waxay noqon kartaa oo kaliya qeyb kamid ah xalka ,xasilinta iyo nabadeynta dalkan, xalka dalkaan wuxuu kujiraa gacanta walaalaha Soomaalida waxaan ku dadaaleeynaa inaan idin taageerno siwalboo ay noqotaba balse waa inaad fadhiga ka kacdaan oo aad dadaashaan sidaa darteed waxaan idinka rajeynayaa inaa dib u habeyn ku sameysaan habka sugidda amniga” Ayuu Yiri Taliye Katumba Wamala.
Wakiilka Qm u qaabilsan Soomaaliya Micheal Ketting ayaa xusay in dalalka taageera Soomaaliya iyo Qm ay marwaliba diyaar u yihiin inay Dowladda Somaaliya ka caawinayaan dhinaca amniga iyo tayeynta Ciidanka.
“Midowga Africa,Ciidamada Amisom iyo saaxiibada caalmiga ee Somaaliya waa inay taageeraan Soomaaliya si ay ula wareegto masuuliyadda Amniga dalka oo ah mid aan iyaga looga maarmin xitaa hadii ay qaadaneyso sanado ,waana in laga shaqeeyaa dhismaha ciidamada qaranka, waxaan aaminsnahay in Amaanka Soomaaliya uusan u baahneen kaliya Miltariga oo ay qasab tahay tayeynta boliiska ,dhismaha Dowladnimada iyo xalinta khilaafaadka ,talaabooyinkaasi oo lagama maarmaan u ah nabadgaliyada dalka, dadka Soomaalida ah waa inay amaanka iyaga ka shaqeeyaan waayo Amaanka waxaa lagama maarmana u ah bulshada Soomaalida” Sidaasi Waxaa Yiri Wakiilka QM U Qaabilsan Soomaaliya.
Gaba gabadii xafladda ayaa Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka Somaaliyeed sareeyo Gaas Maxamed Aadan Axmed uu halkaasi shahaado sharaf ka tarjumeysa sida Uganda ay u garab is taagtay Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed Guddoonsiiyay Taliyaha Ciidamada Difaaca Uganda General katumba Wamala.