Friday, May 9, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiirka Warfaafinta oo ka qeybgalay Munaasabadda 53-aad ee aas-aaska Wakaaladda SONNA +Sawirro

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
January 5, 2017
in Wararka
0
Wasiirka Warfaafinta oo ka qeybgalay Munaasabadda 53-aad ee aas-aaska Wakaaladda SONNA +Sawirro
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Talxiiska ee Xukuumadda Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdi Xayir Maareeye ayaa ugu hambalyeeyay Madaxda iyo Shaqaalaha Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed ee SONNA sanadguuradii 53-aad ee ka soo wareegtay aa-aaskeedii oo ku aadaneyd 5-tii Janaayo 1964-kii.

Wasiirka oo ka hadlaayay Munaasabadda lagu xusaayay sanad-guuradii 53-aad ee aas-aaska iyo sanad guuradii 1-aad ee ka soo wareegtay markii dib loo howlgaliyay Wakaaladda SONNA oo lagu qabtay Xaruunta Wasaaradda Warfaafinta ee Magaalada Muqdisho, ayaa waxaa uu aad ugu dheeraaday dadaalkii loo galay sidii ay dib ugu howlgalshay iyo dadaalkii ay ugu suurogashay inay ka soo dhalaalaan shaqadii loo egmaday.

Related posts

Xiisadda u dhaxeysa India iyo Pakistan oo sii kordhaya

Xiisadda u dhaxeysa India iyo Pakistan oo sii kordhaya

May 9, 2025
Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka oo farriin u diray Waalidiinta, Dhalinyarada iyo Shabakadaha Tahriibka

Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka oo farriin u diray Waalidiinta, Dhalinyarada iyo Shabakadaha Tahriibka

May 9, 2025

“ in Hey’ad la kiciyo ma fududa balse juhdi dheer iyo dadaal dheer kadib waxaa noo suurtogashay in aan dib u howlgalino Wakaaladda SONNA, islmarkaana aan hirgalinno dhisme cusub, balse waan ku guuleysanay arrimahaasi oo dhan fulintooda waana ku ammaanayaa intii howshaasi ka qeybqaadatay” ayuu yiri Mudane Maareeye.

Wasiirka oo sii ambaqaadayay hadalkiisa ayaa sheegay in Wakaaladda SONNA dib loo howgaliyay sanadkii ee 2015-kii, isagoo qiray tan iyo waqtigaan ay qabatay howlo aad u muhiim ah ayna kasbatay dareenka shucuub badan iyo Wakaalado Warareed oo badan.

“ Wakaaladda Wararka ee SONNA waa isha kaliya ee laga xiga karo dhamaan wixii Warar ah ee ku saabsan gudaha Dalka Soomaaliya, waxayna masuul ka tahay soo ururinta, habeynta iyo faafinta Wararka, waxaana looga baahan yahay Hey’adaha Dawladda inay Wararka siiyaan Wakaaladda”, ayuu yiri Wasiirka Warfaafinta Maxamed Cabdi Xayir Maareeye.

Wasiirku waxa uu ugu dambeyntii ku booriyay Madaxda iyo Hawlwadeenada Wakaaladda Wararka ee SONNA inay laba jibaaraan howshooda, si ay uga jiba keenaan masu’uuliyadda ay qaranka u hayaan, islmarkaana ka haqabtiraan shacabka Soomaaliyeed Wararka iyo dhacdooyinka Dalka gudahiisa iyo dibaddiisaba.

Munsaabaddasi oo ay ka so qeybgaleen Maareeyaha Golaha Murtida iyo Madadaalada Abwaan Cabdi Dhuux Yuusuf, Agaasimayaasha Waaxyaha ee Wasaaradda Warfaafinta, Ururka Suxufiyiinta Soomaaliyeed, Ururada Bulshada Rayedka, Warbaahinta Madxa banana qaarkood iyo Marti sharaf kale oo lagu casuumay, ayaa waxaa kaloo ka hadlay Wasiir ku xigeenka Warfaafinta Cabdullahi Colaad Rooble oo isna ka sheekeeyay dadaalkii loo soo galay dib u howlgalinta Wakaaladda Wararka ee SONNA, isagoo xusay in arrintaasi lagu guuleystay, islmarkaana loo baahan yahay in dadaalka halkii laga soo wado.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Cabdirisaaq Yuusuf Cali Bahlaawi oo isna munaasabadaasi ka hadlay ayaa sheegay in Wakaaladda SONNA ay tahay meesha kaliya ee laga heli karo Warar sugan oo ka dhaca Dalka gudahiisa, loona baahan yahay in iyada oo kaliya la xigto sida ay ahaan jirta bari samaadkii.

Agaasimaha Wakaaladda Wararka Waranka Soomaaliyeed ee SONNA Cabdiraxmaan Yuusuf Cadaala oo ka hadlay munaasabadda ayaa ku dheeraaday waxqabadka iyo dadaalkii loo soo galay muddadii halka sano aheyd uu xilkaasi hayay,wuxuuna tilmaamay in la suurtogaliyay soo nooleynta Wakaaladda oo u qeybsan Qeybta Wararka Gudaha, Carabiga iyo Luuqadda Ingiriiska, kuwaasi oo suurtogaliyay in ay faafiyaan Warar ku kala qoran Soomaali, Carabi iyo Ingiriis.

“waxaa kaloo jira qeybta News Alert-ga oo Mobilada fariinta Warasrka loogu gudbiyo Masuuliyiinta Dalka iyo shacabka Soomaaliyeedba, waxayna kala socon karaan Wararka markaasi jira ama dhacdooyin soo kordha, iyagoo Raadiye ama Joornaal ama TV haysan oo waxa ay ugu soo dhacaysaa Telefoonka gacanta uu qofku wato, iyo qeyb kale oo Bullitin ah oo Emailka loogu diro Masuuliyiinta Dalka, Safaaradaha iyo He’adaha UN-ka” Ayuu yiri Agaasihe Cadaala.

Agaasimaha oo ka hadlaayay Xiriirada Wakaaladdu la leedahay Wakaaladaha Wararka ee Dunida waxa uu sheegay in ay la leyhiin in ku dhow 10 Wakaalado Warareed oo ay isdhaafsadaan Wararka iyo khibradaha, wuxuuna hoosta ka xariiqay in in goor dhow ay heshiis wada yeelan doonaa Wakaaladdaha Wararka ee INTERTASS iyo Reuter oo ka kala dhisan Wadamada Ruushka iyo Boqortooyada Midowday ee Britain.

Xafladaasi oo si weyn loo soo agaasimay waxaa heeso iyo murti ku aadan Waqbadka Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed ee SONNA halkaasi ka soo jeediyay Fanaaniinta Hobolada Qaranka ee Waaberi, ugu dambeyntiina waxaa shahaado sharaf la gudoonsiiyay shaqsiyaad iyo Madaxda Waaxyaha Wakaaladda SONNA iyo Shaqsiyaad kaalin mug leh ka qaatay taabagalinta howlaha Wakaaladda, waxaana goobtaasi ku guddoonsiiyay Wasiirka Warfaafinta Mudane Maxamed cabdi Xayir Maareeye.img_0396img_0326img_0313img_0266img_0313img_0343img_0387img_0408img_0388img_0433img_0429img_0448

img_0544

img_0591

img_0584

img_0574

img_0560

img_0602

img_0642

img_0655

img_0665

img_0690

img_0701

img_0703

img_0707

img_0714

img_0774

img_0788

Previous Post

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya oo xarigga ka jaray  xarunta KMG ah aqalka sare ee Barlamaanka cusub ee Soomaaliya”SAWIRRO”

Next Post

Michael keating oo Gaaray Magaalada Baladweyne ee Gobolka Hiiraan.

Next Post
Michael Keating oo Baydhabo kula kulmay Madaxweynaha maamulka K/Galbeed

Michael keating oo Gaaray Magaalada Baladweyne ee Gobolka Hiiraan.

ogeysiis dadweyne

ogeysiis dadweyne

May 9, 2025
0

Lifaaqa 3 - Ogeysiis Dadweyne   Lifaaqa 4 - Application Form_SOM

Xiisadda u dhaxeysa India iyo Pakistan oo sii kordhaya

Xiisadda u dhaxeysa India iyo Pakistan oo sii kordhaya

May 9, 2025
0

Ugu yaraan 48 qof ayaa la soo wariyay in ilaa hadda la dilay ,iyadoo 32 ka mid ah lagu dilay...

Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka oo farriin u diray Waalidiinta, Dhalinyarada iyo Shabakadaha Tahriibka

Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka oo farriin u diray Waalidiinta, Dhalinyarada iyo Shabakadaha Tahriibka

May 9, 2025
0

Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka Dr Suleymaan Maxamed Maxamuud oo la hadlay wabaahinta qaranka ayaa ka warbixiyay dhibaatooyinka gaarka ah...

Dowladda Soomaaliya oo ku guuleysatay inay shaqaaleysiiso ku dhawaad 10-kun oo dhalinyaro ah

Dowladda Soomaaliya oo ku guuleysatay inay shaqaaleysiiso ku dhawaad 10-kun oo dhalinyaro ah

May 9, 2025
0

Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha bulshada XFS ayaa horumar ka sameysay heshiiska shaqaaleysiinta dhallinyarada Soomaaliyeed, si kor loogu qaado fursadaha shaqo...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In