Tuesday, October 14, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweynaha cusub ee Ghana oo xilka la wareegay

caqiil by caqiil
9 years ago
in Wararka
0
Madaxweynaha cusub ee Ghana oo xilka la wareegay
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Nana Akufo-Addo, ayaa loo dhaariyay xilka cusub oo ah madaxweynaha dalka Ghana kadib markii uu bishii la soo dhaafay uu ka guuleystay madaxweynaha talada hayay John Mahama.

Ku dhowaad 11 hogaamiye oo qaaradda Afrika ka socday iyo in ka badan 6,000 oo ruux ayaa ka qeybgalaya xafladda caleemo saarka madaxweynaha cusub taas oo ka dhacaysa caasimadda dalkaas ee , Accra, xilli amniga si weyn loo adkeeyay.

Related posts

Xuska 14-ka Oktoobar ee Qaraxii Soobbe

Xuska 14-ka Oktoobar ee Qaraxii Soobbe

October 14, 2025
Soomaaliya oo ka qayb gashay shirka Ururka dhexdhexaadka Adduunka

Soomaaliya oo ka qayb gashay shirka Ururka dhexdhexaadka Adduunka

October 14, 2025

Mr Akufo-Addo, oo da’diisa tahay 72 sano jir ayaa ahaa qareen xuquuqda aadanaha u ololeeya, waxaana uu balan qaaday xilligii ololaha doorashada waxbarasho lacag la’aan ah dugsiyada sare iyo in uu hirgelin doono warshado badan si shaqo badan loo helo.

Hase yeeshee, dadka qaar ayaa waxaa ay su’aal gelinayaa sida uu ugu dhabeyn karo balan qaadiisa.

Madaxweynaha xilka ka degeya ayaa sidoo kale, ka qeybgali doona xafladda oo ka dhici doonta fagaare ku yaala magaalada caasimadda ah, waddooyinka waa weyn ee soo gala goobta ayaa gebi ahaamba la xirey.

Mr Akufo-Addo, oo ka tirsan xisbiga cusub  ee Wadaniyadda ( New Patriotic Party) ayaa labo mar horey ugu tartamay xilka madaxweynaha, iyadoo la aaminsan yahay in waxyaabaha sida weyn u caawiyay ay tahay dhibaatada dhaqaale ee wadanka heystay iyo balan qaadiisa oo ah in uu wax ka qaban doono arintaas.

Xilal kala duwan ayuu horey u soo qabtay oo ay kamid tahay wasiirka Cadaaladda iyo wasiirka arimaha dibada intii u dhaxeysay 2001-2007, isagoo wacad ku maray in dalka uu ka dhigi doono mid xisbiyo badan leh isla markaana sheegay in warshado uu ka furi doono in ka badan 200  degmo oo wadanka oo dhan ah.

John Mahama, oo ah madaxweynaha xilka ka degeya ayaa lagu dhaliiley in uu wax ka qaban waayay dhaqaale burburka ka jira dalka taas oo keentay in hey’adda lacagta aduunka ee IMF ay isku daydo in ay badbaadiyo dhaqaalaha dalka Ghana.

Dalka ku yaala galbeedka qaaradda Afrika ee Ghana ayaa ah wadan ay xisbiyo badan ay ku loolamaan talada, tan iyo 1992, isla markaana xilalka ay ugu kala wareegayeen si nabadgeliyo ah.

 

Previous Post

Janaraal Katumba oo booqday Baraawe-Sawirro

Next Post

Dowladda Turkiga oo mar kale shaqada ka erisay 6 kun shaqaale

Next Post
Dowladda  Turkiga oo mar kale shaqada ka erisay  6 kun shaqaale

Dowladda Turkiga oo mar kale shaqada ka erisay 6 kun shaqaale

Xuska 14-ka Oktoobar ee Qaraxii Soobbe

Xuska 14-ka Oktoobar ee Qaraxii Soobbe

October 14, 2025
0

14-ka Oktoobar,gaar ahaab 2017-kii waaa dhacdo aad u xanuun badan oo laheyd naxdin iyo amakaag,,kadib kolkii maalin qura ay dhibaatooyin...

Soomaaliya oo ka qayb gashay shirka Ururka dhexdhexaadka Adduunka

Soomaaliya oo ka qayb gashay shirka Ururka dhexdhexaadka Adduunka

October 14, 2025
0

Shirka Heer Wasiir ee Ururka Dhexdhexaadka Adduunka (Non-Aligned Movement – NAM) ayaa ka furmay magaalada Kampala ee dalka Uganda. ‎...

Maalinta Caalamiga ah ee Yareynta Khatarta Masiibooyinka oo laga xusay Muqdisho

Maalinta Caalamiga ah ee Yareynta Khatarta Masiibooyinka oo laga xusay Muqdisho

October 13, 2025
0

Iyadoo caalamku maanta u xusaysaa Maalinta Caalamiga ah ee Yareynta Khatarta Masiibooyinka, Soomaaliya waxay xusaysaa adkeysiga iyo geesinimada bulshada Soomaaliyeed...

𝐇𝐚𝐲’𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐈𝐌𝐅 𝐨𝐨 𝐒𝐨𝐨 𝐒𝐚𝐚𝐫𝐭𝐚𝐲 𝐖𝐚𝐫𝐛𝐢𝐱𝐢𝐧𝐭𝐚 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐤𝐚 𝐃𝐡𝐚𝐪𝐚𝐚𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚, 𝐊𝐚𝐝𝐢𝐛 𝐊u𝐥𝐚𝐧 𝐚𝐲 𝐘𝐞𝐞𝐬𝐡𝐞𝐞𝐧 𝐆𝐮𝐝𝐝𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐚𝐫𝐞 𝐞𝐞 𝐈𝐌𝐅

𝐇𝐚𝐲’𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐈𝐌𝐅 𝐨𝐨 𝐒𝐨𝐨 𝐒𝐚𝐚𝐫𝐭𝐚𝐲 𝐖𝐚𝐫𝐛𝐢𝐱𝐢𝐧𝐭𝐚 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐤𝐚 𝐃𝐡𝐚𝐪𝐚𝐚𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚, 𝐊𝐚𝐝𝐢𝐛 𝐊u𝐥𝐚𝐧 𝐚𝐲 𝐘𝐞𝐞𝐬𝐡𝐞𝐞𝐧 𝐆𝐮𝐝𝐝𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐚𝐫𝐞 𝐞𝐞 𝐈𝐌𝐅

October 13, 2025
0

Hay’adda Lacagta Adduunka ee IMF ayaa soo saartay Warbixinta dib-u-eegista 4-aad ee barnaamijka wada-shaqaynta ah ee ay la leedahay Dowladda...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In