Guddiga doorashada baarlamaanka federaalka ee dalka ayaa ku dhawaaqay doorashada xilka guddoomiyaha Baarlamaanka in uu ku guuleystay Mudane Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari oo horey u soo qabtay xilkan afartii sano ee la soo dhaafay.
Tirinta codadka doorashada ayaa musharxiinta afarta qof ee xilkan ku tartamayay waxa ay kala ahaayeen Xildhibaan Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari, Xildhibaan Cabdirashiid Maxamed Xidig, Xildhibaan Cabdifataax Ibraahim Geeseey iyo Xildhibaan Idiris Cabdi Dhakhtar.
“259 mudane ayaa codeysay Xildhibaan Idiris Cabdi waxa uu helay 2 cod, Xildhibaan Cabdifataax Ibraahim Geeseey waxa uu helay 17 cod, Xildhibaan Cabdirashiid Maxamed Xidig waxa uu helay 97 cod, halka Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari uu helay 141 cod, sidaas darteed, laga bilaabo xilligan waxaa xilka guddoomiyaha baarlamaanka 10aad si rasmi ah ugu guuleystay Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari, iyadoo ay qasaartay labo cod oo kale, taasi oo ka dhigeysa in wadarta guud ay tahay 259 mudane” ayuu yiri Xildhibaan Cismaan Cilmi Boqore oo ah Guddoomiyaha KMG ah ee baarlamaanka.
Mudane Maxamed Sheekh Cismaan Jawaar ayaa markale ku guuleystay xilka Guddoomiyaha baarlamaanka 10aad ee dalka, waxaana uu noqonayaa mas’uulkii ugu horeeyay ee mar labaad ku guuleysta tartanka guddoonka baarlamaanka oo markale dib loo doorto.