Sunday, June 15, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Tallaabadii Xildhibaano ka tirsan Galmudug ay qaadeen oo laga soo horjeestay “SAWIRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
January 13, 2017
in Wararka
0
Tallaabadii Xildhibaano ka tirsan Galmudug ay qaadeen oo laga soo horjeestay “SAWIRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Mudanayaasha labada aqal ee dawlad goboleedka Galmudug laga soo doorto shir ay isugu yimaadeen maanta, waxey walaac ka muujiyeen xaaladda xasilooni-darrada siyaasadeed ee ka soo korortay dawlad goboleedka Galmudug, taasoo abuuraysa qalqal iyo jahwareer hor leh xilli deegaanada Galmudug ay ka jirto duruufo adag oo isugu jira abaaro iyo colaad.

Mudanayaasha Labada aqal waxey ayagoo dhowraya madax-banaanida hey’daha dawlad goboleedka Galmudug, shuruucda iyo dastuurka Galmudug, ixtiraamayana golayaasha kala duwan ee maamulkaas, isla markaana garowsan mas’uuliyadda ka saaran horumarka iyo ilaalinta xasiloonida Galmudug, waxay ka digayaan falalka xildhibaanada Galmudug qaarkood & dad danaystayaal ahi ay horboodayaan ee lagu abuurayo qaska iyo qalalaasaha, kuwaasoo ay muuqato in ay lid ku yihiin jiritaanka iyo horumarka Galmudug, ayna ka faa’ideysanayaan dad cadow ku ah horumarka iyo xasiloonida Galmudug.

Related posts

Ciidamada Xoogga Dalka oo howlgallo ka fuliyay deegaanno ka tirsan Bakool

Ciidamada Xoogga Dalka oo howlgallo ka fuliyay deegaanno ka tirsan Bakool

June 15, 2025
Madaxweyne Xasan Sheekh”Madaxda Dowladda waxaa laga rabaa inay la tashadaan shacabka oo laga dhaafo waxa ay dhibsanayaan”

Madaxweyne Xasan Sheekh”Madaxda Dowladda waxaa laga rabaa inay la tashadaan shacabka oo laga dhaafo waxa ay dhibsanayaan”

June 15, 2025

Mudanayaasha Labada aqal ee qaranka u matala Galmudug waxay si cad uga soo horjeedaan tallaabadii tiro xildhibaano ah taariikh 10-kii Janaayo 2017, shir ay ku qabteen xarun aan xaruntoodii aheyn ayadoo kalfadhigii baarlaamku xirnaa, ayna ku andacoodeen in ay xilka uga qaadeen madaxweynaha Dawlad goboleedka Galmudug, taasoo aheyd mid lagu degdegey, siyaasadeysneyd, dastuurka hareermarsaneyd, isla markaana ay gadaal ka riixayeen shakhsiyaad dano & damac siyaasadeed leh, oo u bareeray in ay majaxaabiyaan dawlad goboleedka curdinka ee Galmudug ee dadka Galmudug ay wada og yihiin dhibkii lagu dhisay iyo qiimaha ay ugu fadhido, falalka noocan ah haddii aan si wadajir ah looga hortagin waxey abuuri karaan qalalaase siyaasadeed oo ku fidi kara dawlad goboleedyada kale, xilli dalku ku jiro doorashooyin.

Mudanayaasha labada aqal waxay soo dhoweynayaan wadahadalka u furmay xildhibaanada Galmudug iyo madaxweynaha, kaasoo aan rajeyneyno in uu wadada u xaari doono isfaham iyo wada shaqayn horseedi doona xasilooni siyaasadeed oo dhex marta xildhibaanada iyo madaxda Galmudug, ayadoo mudanayaasha labada aqal ee heer federaal ay diyaar u yihiin in ay kaalin muuqata ka cayaaraan tallaabo kasta oo lagu xalinayo tabashooyinka xildhibaanada.

Gabagabadii, Waxaan waxgaradka reer Galmudug, hey’adaha kala duwan ee maamulkaas ugu baaqaynaa ilaalinta shuruucda iyo dastuurka u degsan Galmudug iyo in laga wada shaqeeyo horumarka iyo baraaraha shacabka Galmudug, ayadoo aan adkayneyno lagama maarmaanimada in aan xoogga isugu geyno gurmad u sameynta dadka iyo duunyada abaaruhu ku habsadeen ee ku nool deegaanada Galmudug, taasoo ka turjumaysa mas’uuliyadaha aan umadda u heyno iyo dareen bani’aadamnimo.

Previous Post

DAAWO SAWIRRADA TALIYAHA CIIDANKA BOOLISKA OO DALACSIIYAY ASKAR

Next Post

Madaxweynaha Galmudug oo xil ka qaadis ku sameeyay Wasiirka arrimaha gudaha ee galmudug

Next Post
Madaxweynaha Galmudug oo sharci darro ah ku tilmaamay shirkii ka dhacay Cadaado

Madaxweynaha Galmudug oo xil ka qaadis ku sameeyay Wasiirka arrimaha gudaha ee galmudug

Ciidamada Xoogga Dalka oo howlgallo ka fuliyay deegaanno ka tirsan Bakool

Ciidamada Xoogga Dalka oo howlgallo ka fuliyay deegaanno ka tirsan Bakool

June 15, 2025
0

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa sadexdii cisho ee u dambeysay si isdaba joog ah hawlgallo amni xaqiijin ah uga fuliyey...

Madaxweyne Xasan Sheekh”Madaxda Dowladda waxaa laga rabaa inay la tashadaan shacabka oo laga dhaafo waxa ay dhibsanayaan”

Madaxweyne Xasan Sheekh”Madaxda Dowladda waxaa laga rabaa inay la tashadaan shacabka oo laga dhaafo waxa ay dhibsanayaan”

June 15, 2025
0

RADIO MUQDISHO: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa sheegay in ay muhiim tahay in madaxda dowladda ay...

Wasiirka Caafimaadka oo ka qayb galay shir caalami ah oo looga hadlayay barnaamijka “One Health”

Wasiirka Caafimaadka oo ka qayb galay shir caalami ah oo looga hadlayay barnaamijka “One Health”

June 15, 2025
0

RADIO MUQDISHO:Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada ee XFS Dr. Cali Xaaji Aadam, ayaa magaalada Tunis uga qayb galay shir heer...

Guddoomiye cusub oo loo magacaabay degmada Warta Nabadda

Guddoomiye cusub oo loo magacaabay degmada Warta Nabadda

June 14, 2025
0

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) ayaa Mudane Liibaan Cali Maxamed u magacaabay...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In