Madaxweynaha Dawlad goboleedka Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta si rasmi ah u daahfuray biyo dhaanka wejiga labaad ee gurmadka abaaraha deegaannada Puntland.
Daahfurka qaybta 2aad ee biyo dhaamiska gurmadka abaaraha gobolada Dawlad goboleedka Puntland waxaana Dr Cabdiweli Gaas ku wehelinayey guddiga Abaaraha Puntland oo isugu jira Mas’uuliyiin ka tirsan Goloyaasha Puntland iyo xubno ka mida Haya’adda Biyaha, Tamarta iyo khayraadka dabiiciga ah ee Puntland.
Madaxweynaha Puntland oo si rasmi ah u dahfuray wejiga labaad ee biyo dhaanka loofidinayo dadka abaaruhu sameyeen ayaa sheegay gurmad kani in uu ka koobnaan doono 4,000 oo booyadood taas oo la gaarsiin doono dhamaan dad ka abaaruhu saameyeen ee ku dhaqan gobollada Puntland.
Sido kale Dr Cabdiweli ayaa tilmaamay in Puntland ay markasta dareensan tahay lana socoto xaalada abaareed ee dalka ka jirta islamar’ahantaana ay Dawladdu u heelantahay wax ka qabashada iyo la tacaalida dadka abaartu wax yeelaysay ee reer Puntland, waxaana uu Madaxweynuhu cadeeyey in ay si isku mida wax ugu qaban doonaan dhammaan Ummadda Soomaaliyed ee ku soo hayaantay Dhulka Puntland.
Dhinaca kale guddiga abaaraha Puntland ayaa dhankooda ka warbixiyey xaalada abaareed ee dalka ka jirta, waxaana ay sheegeen in guud ahaan dadka abaartu halakaysay ay u baahan yihiin wax kasta oo aasaas u ah nolosha dad iyo duunyaba oo ay ka mid yihiin Biyo, Cunto, hu’ iyo sidoo kale dib u dejin dadka abaarta ka soo galay magaalooyinka iyo tuulooyinka Puntland islamarkaana ay ka baxeen xoolihii ay dhaqan jireen.
Ugu danbayn, Madaxweynaha Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa illahay u weydiiyey Inuu ka dulqaado abaarta dabada dheeraatay Ummadda Soomaaliyeed gaar ahaan shacabka reer Puntland , islamarkaana waxana uu Alleh ‘’SWC’’ uga beryey in uu ugu bedelo raxmadiisa.