Tuesday, December 16, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Guddoonka Baarlamaanka Federaalka Oo Muqdisho Kula Kulmay Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Dadban “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
9 years ago
in Wararka
0
Guddoonka Baarlamaanka Federaalka Oo Muqdisho Kula Kulmay Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Dadban “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan “Jawaari”, Guddoomiye ku xigeenka koobaad Mudane C/weli Sheekh Ibraahim Muudeey, Guddoomiye ku xigeenka labaad Mudane Mahad Cabdalla Cawad oo uu wehliyo Xoghayaha guud ee Golaha Shacabka Mudane C/kariin Xaaji Cabdi (Buux) ayaa maanta kormeeray xarunta guddiga hir gelinta doorashooyinka dadban ee heer Federaal ayagoo guddiga kala hadlay dhameystirka doorashooyinka.

Guddoomiyaha guddiga hirgelinta doorashooyinka dadban ee heer federaal AVV Cumar Dhageey oo ugu horeyn kulanka ka hadlay ayaa warbixin ka siiyey Guddoonka Golaha Shacabka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya heerarkii kala duwanaa ay soo marsiiyeen hirgelinta doorasho dadban iyo maareynta kuraaska harsan waxaana uu dhinaca kale guddoonka ku wargeliyey in ay soo diyaariyeen habraaca loo marayo bedelka kuraasta hadii Xildhibaan geeriyoodo ama is casillo kaasi oo ah in dib loo qabto doorashada kursigaas.

Related posts

Guddiga Dib-u-eegista Dastuurka oo Kulan Latashi la yeeshay Xafiiska Hantidhowrka Guud ee JFS”

Guddiga Dib-u-eegista Dastuurka oo Kulan Latashi la yeeshay Xafiiska Hantidhowrka Guud ee JFS”

December 16, 2025
Wasiirka Caafimaadka oo Furay Ololaha Tallaalka Cudurka Gowracatada

Wasiirka Caafimaadka oo Furay Ololaha Tallaalka Cudurka Gowracatada

December 16, 2025

Guddoomiye ku xigeenka labaad ee Golaha Shacabka Mudane Mahad Cabdalla Cawad oo khudbad ka jeediyey kulanka ayaa ugu horeyn bogaadiyey shaqada guddigan ay soo qabteen, sidoo kalena waxa uu ammaanay iney soo raaciyeen habka loo marayo buuxinta kursiga la banneeyo waxaase uu ugu daray iney muhiim tahay in la cadeeyo in kuriga ay gabar ku fadhiday aan rag lagu bedeli karin in lagu muujiyo, sidoo kale waxa uu ka hadlay dhameytirka kuraasta muranka uu ka jiro ee Shanta ah oo uu xusay in ay biyo kama dhibcaan tahay in guddiga heer federaal howshaasi dhameystirkeeda ay mas’uuliyad ka saaran tahay.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan “Jawaari” oo gebagebadii kulanka ka hadlay ayaa u mahad celiyey guddiga hirgelinta doorashooyinka dadban heer federaal iyo heer dowlad goboleed, baarlamaannada dowlad goboleedyada, ciidammada qalabka sida ee Soomaaliya iyo kuwa midowga Afrika ee AMISOM waxaana uu dhanka kale u jeediyey codsi guddiga doorashooyinka, odayaasha dhaqanka iyo cid kasta oo saameyn ku leh dhameystirka doorashooyinka dadban taasi oo ah arin saameyn ku leh doorashada Madaxweynaha dalka.

Kulankan ayaa noqonaya kulankii ugu horeeyey ee ay si wadajir ah Guddoonka cusub ee Golaha Shacabka oo dhowaan la doortay ay ula qaataan guddiga doorashooyinka dadban waxaana ay bilow u tahay howsha loo ig maday Guddoonka cusub ee Golaha Shacabka.

MA1_7233 MA1_7261 MA1_7278 MA1_7289 (1) MA1_7295 MA1_7323

—DHAMAAD—

Xafiiska Warfaafinta iyo Xiriirka Dadweynaha Ee Guddoonka Baarlamaanka

Media and Public Relation Office Of Speaker

Previous Post

Wasiirka Cadaaladda ee Jubbaland oo kulan la qaatay Soomaali ku nool Mareykanka “SAWIRRO”

Next Post

Dhageyso warka subax ee Radio Muqdisho

Next Post
Dhagayso Warka Habeen Ee Radio Muqdisho

Dhageyso warka subax ee Radio Muqdisho

Guddiga Dib-u-eegista Dastuurka oo Kulan Latashi la yeeshay Xafiiska Hantidhowrka Guud ee JFS”

Guddiga Dib-u-eegista Dastuurka oo Kulan Latashi la yeeshay Xafiiska Hantidhowrka Guud ee JFS”

December 16, 2025
0

Guddiga Madaxa banaan ee Dib- u- eegista Dastuurka ayaa Kulan Latashi hordhac ah oo ku saabsan Cutubka Maaliyadda oo la...

Wasiirka Caafimaadka oo Furay Ololaha Tallaalka Cudurka Gowracatada

Wasiirka Caafimaadka oo Furay Ololaha Tallaalka Cudurka Gowracatada

December 16, 2025
0

Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Dr Cali Xaaji Aadan iyo gudoomiye ku xigeenka arimaha bulshada maamulka...

Taliyaha Ciidanka Dhulka XDS oo kormeer shaqo ku tegay degaanno dhaca jiinka Webiga Shabeelle

Taliyaha Ciidanka Dhulka XDS oo kormeer shaqo ku tegay degaanno dhaca jiinka Webiga Shabeelle

December 16, 2025
0

Taliyaha Ciidanka Dhulka Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS), Sareeye Guuto Sahal Cabdullaahi Cumar (Gen. Khaalid), ayaa kormeer shaqo ku tegay deegaanno...

Wasiir Ku-xigeenka Ganacsiga oo ka qaybgalay Madasha Heshiiska Xorta ah ee Qaaradda Afrika

Wasiir Ku-xigeenka Ganacsiga oo ka qaybgalay Madasha Heshiiska Xorta ah ee Qaaradda Afrika

December 16, 2025
0

Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, Mudane Maxamuud Axmed Cabdullahi (Abukaate), ayaa ka qaybgalay shirkii labaad...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In