Thursday, October 1, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiirka Cadaaladda ee Jubbaland oo kulan la qaatay Soomaali ku nool Mareykanka “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
10 years ago
in Wararka
0
Wasiirka Cadaaladda ee Jubbaland oo kulan la qaatay Soomaali ku nool Mareykanka “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ka soo jeeda Gobolada Jubbooyinka ayaa kulan xogwareysi ah la qaatay Wasiirka Cadaaladda Dastuurka iyo Diinta ee Jubbaland Aaden Aw-hirsi  oo dhawaan soo gaaray magaalada Columbus Ohio ee Dalka Mareykanka.

Kulankan oo ay soo abaabushay hay’adda Somali American Leadership Council ,waxa uu ahmiyad u alahaa kasoo qeybglayaal badan oo xog ka rabay in ay ka helaan deegaankaasi.

Related posts

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Tanzania

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Tanzania

October 1, 2026
Wasiirka Waxbarashada XFS oo kulan la qaatay Wasiir Ku-xigeenka Waxbarashada Turkiga

Wasiirka Waxbarashada XFS oo kulan la qaatay Wasiir Ku-xigeenka Waxbarashada Turkiga

October 1, 2026

Kulankan oo ay ka soo qeybgaleen dad u badan ganacsato iyo siyaasiyiin waxaa diiradda lagu saaray arimaha Horumarka iyo isbadalka ka jira dalka Soomaaliya.

Wasiirka ayaa bixiyay xogwareysi aad u dheer oo dhinacyo badna taabanaya, waxa uuna muujiyay sida wali loo sugayo doorka qurba joogta iyo sidii ay dalka dib ugu laaban lahayeen.

Dhinacyada Amniga, Ganacsiga, Waxbarashada, iyo arimaha qaxootiga la soo celiyay ayuu si weyn uga waramay waxayna dhamaan xogahan bixinayeen tusaalooyin sababaya in qurba joog badan ay ku dhiiradaan in ay dalka dib ugu laabtaan.

Aw-hirsi ayaa dhanka kale xusay sida wali ay gaabiska u yihiin arimaha la xariira xoreynta gobolka Jubbada Dhexe  iyo deegaanano kale sbabo la xariira diyaargarow qaatay mudo.

Wasiirka ayaa dhanka kale soo hadal qaaday halka ay marayaan arimihii dib u heshiisiinta oo qabyo noqday dadbadan ka dhursugayaan, waxa uuna sheegay in ay wali jiraan isbadalo laga dhursugayo balse aan la laalin wada hadaladii oo ay sii socon doonaan.

Qeybihii kala duwanaa ee ka hadlay kulankan waxa ay sheegeen sida lagama maarmaan ay utahay in lagu laabto dalka lana taageero isbadalka jira, waxay baaq iyo codsi u direen Baarlamanka Soomaaliya oo ay ku tilmaameen in gacantooda ay ku jirto Mustaqbalkii Soomaaliya lagana sugayo in ay Taariikh qoranta sameyaan oo ay jilasha danbe dhaxlaan.

Waa markii ugu horeysay oo Wasiir ka socda Jubbaland uu yimaado Ohio tan iyo intii dhidibada loo taagay.

IMG_1293 IMG_1295 IMG_1310 IMG_1312 IMG_1349 IMG_1376 IMG_1387 IMG_1395 IMG_1397 IMG_1407 IMG_1428 IMG_1444 IMG_1450

Deeqo Shire SONNA

Previous Post

Munaasabad Lagu taagyeeraayey Gudoonka Cusub ee Baarlamanka Dawlada Soomaaliya ayaa kadhacadey Magaalada baydhabo ee Xaruunta G/baay.

Next Post

Guddoonka Baarlamaanka Federaalka Oo Muqdisho Kula Kulmay Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Dadban “SAWIRRO”

Next Post
Guddoonka Baarlamaanka Federaalka Oo Muqdisho Kula Kulmay Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Dadban “SAWIRRO”

Guddoonka Baarlamaanka Federaalka Oo Muqdisho Kula Kulmay Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Dadban “SAWIRRO”

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Tanzania

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Tanzania

October 1, 2026
0

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa gaaray Magaalada Arusha...

Wasiirka Waxbarashada XFS oo kulan la qaatay Wasiir Ku-xigeenka Waxbarashada Turkiga

Wasiirka Waxbarashada XFS oo kulan la qaatay Wasiir Ku-xigeenka Waxbarashada Turkiga

October 1, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare, Mudane Faarax Sheekh Cabdulqaadir, ayaa Ankara kula kulmay Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Waxbarashada Türkiye,...

SoDMA oo  kulanka ansixinta Qaab-dhismeedka Soo-kabashada isugu yeertay Hay’adaha Dowladda JFS

SoDMA oo kulanka ansixinta Qaab-dhismeedka Soo-kabashada isugu yeertay Hay’adaha Dowladda JFS

October 1, 2026
0

Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA) ayaa magaalada Muqdisho ku qabatay kulan ay isugu yeertay Wasaaradaha iyo Hay’adaha Dowladda Federaalka...

Madaxweynaha JFS oo warqadaha aqoonsiga Danjirenino ka guddoomay Safiirada cusub ee Turkiga & Midowga Yurub

Madaxweynaha JFS oo warqadaha aqoonsiga Danjirenino ka guddoomay Safiirada cusub ee Turkiga & Midowga Yurub

October 1, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa qasriga Madaxtooyada Qaranka warqadaha aqoonsiga safiirnimo kaga guddoomay Danjireyaasha cusub ee...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In