Thursday, August 21, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweynaha J.F. Soomaaliya oo warqadaha aqoonsiga ka guddoomay safiirka Sacuudiga “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
January 18, 2017
in Wararka
0
Madaxweynaha J.F. Soomaaliya oo warqadaha aqoonsiga ka guddoomay safiirka Sacuudiga “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ayaa warqadaha aqoonsiga safiirnimo ka guddoomay danjiraha cusub ee Boqortooyada Sacuudiga u soo magcaabdey Soomaaliya.

Madaxweynaha J. F. Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud waxa uu xafiiskiisa ku soo dhoweeyey Safiirka cusub ee Boqortooyada Sacuudiga Dr Mohamed Abdi-kani Al-Khayat, waxa uuna ka guddoomay warqadaha aqoonsiga safiirnimo kaddib markii uu soo magcaabay boqorka Sacuudiga Makil Salman Bin Abdal-Aziz.

Related posts

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo daah-furay shir heer Qaran ah

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo daah-furay shir heer Qaran ah

August 20, 2025
Madaxweynaha JFS oo xarigga ka jaray xarumo muhiim ah oo laga hirgeliyay Galmudug

Madaxweynaha JFS oo xarigga ka jaray xarumo muhiim ah oo laga hirgeliyay Galmudug

August 20, 2025

Madaxweynaha iyo Safiirka cusub, ayaa yeeshay kulan muhiim ah oo looga hadlay xiriirka Soomaaliya iyo Sacuudiga, madaxweynaha ayaa safiirka uga mahaceliyey imaanshihiisa Soomaaliya, una ballan qaadey in uu ku gacan siin doono  howsha ballaaran ee uu Soomaaliya ka qaban doono, iyadoo safiirka uu xusay in Sacuudiga uu daneynayo   ka qeyb-galka horumarka Soomaaliya ka bilowdey oo dhan walba leh.

Wasiir ku xigeenka Arrimaha Dibedda Soomaaliya, Axmed Cali Kadiye, ayaa sheegay in Sacuudiga uu doonayo in uu gacan weyn ka geystay kobaca dhaqaalaha Soomaaliya, ganacsiga iyo in amniga laga caawiyo Soomaaliya xiligaan.

Dr Mohamed Abdi-kani Al-Khayat Safiirka cusub ee Boqortooyada Sacuudiga, ayaa si kooban u sheegay in goow dhow la arki doono  howlo badan oo dowladda Sacuudiga ka fuliso Soomaaliya, taas oo kor u sii qaadeysa xiriirka dheer ee taarikhiga ah oo labada dalba ay wadaaggaan.

Dr Mohamed Abdi-kani Al-Khayat Safiirka Sacuudiga, waxa ay xaruntiisa noqoneysaa magaalada Muqdisho,  maadaama Sacuudiga uu masuul uga yahay safaarado ay ka mid tahay midda dalka Kenya, si dib loogu howlgeliyo safaaradda Sacuudiga ee Soomaaliya oo dhisan, Soomaaliya waxa ay guul la taaban karo ka gaartay xiriirka dibedda oo afartii sanno ee la soo dhaafey gaaray heer sare.

IB0A7063 IB0A7064 IB0A7130

Previous Post

Guddoomiyaha Baarlamaanka qaabilay Safiirada Sacuudiga iyo Midowga Yurub ee Soomaaliya “SAWIRRO”

Next Post

Fulinta Qorshaha Qaranka oo laga hadlay

Next Post

Fulinta Qorshaha Qaranka oo laga hadlay

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo daah-furay shir heer Qaran ah

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo daah-furay shir heer Qaran ah

August 20, 2025
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa si rasmi ah u daahfuray Shir heer Qaran ah...

Madaxweynaha JFS oo xarigga ka jaray xarumo muhiim ah oo laga hirgeliyay Galmudug

Madaxweynaha JFS oo xarigga ka jaray xarumo muhiim ah oo laga hirgeliyay Galmudug

August 20, 2025
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo uu wehelinayo Madaxweynaha Dowlad-goboleedka Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye ayaa maanta...

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo magacaabay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Gaadiidka

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo magacaabay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Gaadiidka

August 20, 2025
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa u magacaabay, Cumar Cali Afrax Agaasimaha Guud ee Wasaaradda...

Danjire Ibraahin oo faahfaahin ka bixiyay doonyo ku degay xeebaha Jaziirada Lampedusa

Danjire Ibraahin oo faahfaahin ka bixiyay doonyo ku degay xeebaha Jaziirada Lampedusa

August 20, 2025
0

Safiirka Soomaaliya ee dalka Talyaaniga Danjire Ibraahim Cumar Sheegow ayaa ka warbixiyay qasaaraha ka dhashay labo doonyood oo ku qalibmatay...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In