Dalka Mareykanka maanta waxaa ka dhacaysa xafladda caleema saarka madaxweynaha cusub ee waddankaasi Donald Trump oo ah madaxweynihii 45 aad.
Boqolaal kun oo qof oo isugu jira madax iyo dadweyne ayaa ku sii qulqulaya goobta ay ka dhaceyso xaflada caleema saarla madaxweyne Trump.
Halkan hoose ka akhriso sida ay u dhaceyso xaflada caleema saarka Donald Trump.
Aroornimada saaka Trump wuxu ka qayb geli doonaa duco lagu dhigi doono kaniisadda St John’s Episcopal oo u dhaw Aqalka Cad, iyadoo isaga iyo afadiisa Melania ay shaaha aroornimo la cabi doonan madaxweyne Obama iyo marwada koowaad Michelle Obama. Kaddibna labada qoys waxa kolonyo baabuur ah lagu geyn doonaa Capitol.
9:30 subaxnimo (14.:30 GMT) ayaa xafladda caleemo saarku ku bilaabmi doontaa bandhig muusig ah.
1:30 (16:30 GMT) Trump wuxu ku dhaaran doonaa dhaarta dastuuriga ah, waxaana dhaarin doona gudoomiyaha maxkamadda sare Roberts. Kaddibna wuxu jeedin doonaa khudbadiisa caleemo saarka.
3-5 galabnimo (20:00 -22:00 GMT) Trump iyo Pence waxay billaabi doonaan socod 1.5 mayl ah (2.4km) oo ay ku mari doonaan waddada weyn ee Pensnsylvania Avenue halkaas oo dad taageersan iyo kuwo ku mudaharaadayaaba tubnaan doonaan.
7-11 galabnimo (00:00-4:00 SGA) Trump iyo Pence iyo xaasaskooda ayaa ka qayb gali doonaa saddex xafladood oo caleemo saar ah.
21 JANUARY 10 subaxnimo (15:00 GMT) Trump iyo Pence ayaa ka qayb gali doonaa fadhi ay iskugu imanayaan dadka kala diimaha ah oo ka dhici doonta kaniisadda Washington National Cathederal.
Madaxweyne Obama iyo marwada koowaad ayaa Trump la raaci doona kolonyo baabuur ah oo lagu gayn doono US Capital oo xafladda rasmiga ahi ka dhici doonto halkaas oo ay iskugu imaan doonaan xubno ka tirsan Congress ka , siyaasiyiin iyo taageerayaasha Trump.