Sunday, October 12, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Oo Hambalyo U Diray Guddoonka Aqalka Sare Ee La Doortay… WARSAXAAFADEED

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
9 years ago
in Wararka
0
Munaasabad lagu taageerayay guddoonka baarlamanka oo lagu qabtay Jiddah
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxammad Sheekh Cusmaan “Jawaari” ayaa u hambalyeeyey Guddoonka cusub ee Aqalka Sare ee maanta lagu doortay magaalada Muqdisho.

“hor iyo horaan aniga oo ku hadlaya magaceyga,magaca Guddoonka iyo magaca Xildhibaannada Golaha Shacabka waxaan halkaan hambalyo uga dirayaa Guddoonka cusub ee Aqalka Sare ee maanta lagu doortay magaalada Muqdisho, waxaan Alle subxaanahu wa tacaalaa uga baryayaa in uu la garab galo xilka culus ee loo doortay , si gaar ah waxaan leeyahay Hambalyo maadaama aad noqoteen Guddoonkii ugu horeeyey ee loo doortay Aqal sare oo ay Soomaaliya yeelatay” ayuu hadalkiisa ku bilaabay Guddoomiye Jawaari.

Related posts

Ra’iisul Wasaaraha XFS Oo Magacaabay Agaasimeyaal Guud

Ra’iisul Wasaaraha XFS Oo Magacaabay Agaasimeyaal Guud

October 11, 2025
Dowladaha Soomaaliya iyo Jabuuti oo taageeray heshiiska nabadda ee Gaza

Dowladaha Soomaaliya iyo Jabuuti oo taageeray heshiiska nabadda ee Gaza

October 11, 2025

“tallaabada ay jaalleyaasha Aqalka sare ku doorteen Guddoonkooda oo ah Guddoomiyaha iyo labadiisa ku xigeen waa mid ka mid ah calaamadaha kasii marqaati ka caya biseylka siyaasadeed iyo dimuqraadiyadeed ee ay Soomaaliya gaartay waxaana rajeynayaa in aynu si taxadar iyo isku duubni leh u abaarno howlaha na hor yaala ee ay naga sugayaan shacabka Soomaaliyeed”ayuu hadalkiisa sii raaciyey Guddoomiyaha Golaha Shacabka Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan “Jawaari”.

Ugu dambeyntii waxa uu Alle ka rajeeyey in uu u fududeeyo howlaha hor yaala Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo la isku yiraahdo labada Aqal waxaana uu si gaar ah uu rajo uga muujiyey wada shaqeynta uu Guddoonka Golaha Shacabka la yeelan doono Guddoonka Aqalka sare ee maanta la doortay.

—DHAMAAD—

Previous Post

R/wasaare ku-xigeenka dalka oo hambalyo u diray guddoonka cusub ee Aqalka Sare

Next Post

Madaxweyne Cosoble Oo U Hambalyeeyay Guddoonka Cusub Ee Aqalka Sare Ee La Doortay

Next Post
Madaxweynaha Hirshabeelle oo kulamo la qaatay qeybaha bulshada ee gobolka Hiiraan

Madaxweyne Cosoble Oo U Hambalyeeyay Guddoonka Cusub Ee Aqalka Sare Ee La Doortay

Ra’iisul Wasaaraha XFS Oo Magacaabay Agaasimeyaal Guud

Ra’iisul Wasaaraha XFS Oo Magacaabay Agaasimeyaal Guud

October 11, 2025
0

RADIO MUQDISHO:- Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa magacaabay Agaasimeyaasha Guud ee Wasaaradaha Howlaha Guud,...

Dowladaha Soomaaliya iyo Jabuuti oo taageeray heshiiska nabadda ee Gaza

Dowladaha Soomaaliya iyo Jabuuti oo taageeray heshiiska nabadda ee Gaza

October 11, 2025
0

RADIO MUQDISHO:-Soomaaliya iyo Jabuuti ayaa soo dhoweeyay heshiiska nabadda ee Gaza, waxayna ammaaneen dadaallada gobolka iyo kuwa caalamiga ah ee...

Xildhibaannada Golaha shacabka oo ansixiyey gudidda xuquuqal insaanka Qaranka

Xildhibaannada Golaha shacabka oo ansixiyey gudidda xuquuqal insaanka Qaranka

October 11, 2025
0

RADIO MUQDISHO:-Xildhibaannada Golaha Shacabka Baarlamaanka JFS ayaa cod Aqlabiyad leh ku ansixiyey Guddiga Madaxa bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka oo...

Guddiga Garsoorka ee aqalka sare oo yeeshay kulan gaar ah

Guddiga Garsoorka ee aqalka sare oo yeeshay kulan gaar ah

October 11, 2025
0

RADIO MUQDISHO:- Guddiga Garsoorka, Cadaaladda, Arrimaha Diinta, Awqaafta, Xaquuqul Insaanka, Haweenka iyo Caruurta Aqalka Sare ee Baarlamaanka JFS oo gudanaya...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In