Sida ay maanta soo warisay Wakaaladda Wararka Islaamka (Iina) waxaa dalka Mareykanka laga musaafirinayaa dadka sharci darada ku jooga iyo kuwa ka diiwaangashay buugga madaow ee Dembiyada.
Aqalka cad ee looga arrimayo dalka Mareykank ayaa laga sheegay inay talabadasi la xiriirto hirgelinta bllanqaadkii uu hore u galay Madaxweynaha cusub ee dalka Mareykanka Donald Trump xiligii uu ku jiray oloolahii Doorashada Madaxtinimada dalkaasi Mareykanka.
Afhayeen u hadlyay aqalka cad ee Mareykanka oo qorshahasi tarxiilka ah wax laga weydiyay siiba kuwa la soo galay Caruurta ayaa sheegay inuu barnaamijkaasi xooga saarayo dadka bilaa sharciga ah ee dembiyada galay ama dhib ka geystay dalka Mareykanka oo buugga diwaan ka madaw ku jira.